Reer Gaalkacyo, Gool iyo Gumac kama naxaan, ee Geelooda iyo Gurigooda ha loo dhaafo=Nasashada Jimcaha. Q- 191aad.=

0
Friday March 13, 2020 - 19:53:38 in Wararka by
  • Visits: 1369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Gaalkacyo, Gool iyo Gumac kama naxaan, ee Geelooda iyo Gurigooda ha loo dhaafo=Nasashada Jimcaha. Q- 191aad.=

    Murti koob !!!. 1-Nin Reer Gaalkalcyo ahaa oo Ciyaartooy kubbadda Cagta ahaa, ayaa markii ugu horeeysay ka qeeyb galay Ciyaar koox kale oo Dalka dibadiisa ka dhacday, Kadibna Goolkii ugu horeeyay ayaa laga dhaliyay kooxdii Reer Gaalkacyo. Ninkii G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murti koob !!!. 1-Nin Reer Gaalkalcyo ahaa oo Ciyaartooy kubbadda Cagta ahaa, ayaa markii ugu horeeysay ka qeeyb galay Ciyaar koox kale oo Dalka dibadiisa ka dhacday, Kadibna Goolkii ugu horeeyay ayaa laga dhaliyay kooxdii Reer Gaalkacyo. Ninkii Goolka ka dhaliyay ayaa bilaabay in uu kor u bood boodo, Ciyaaraha qalaama rogodkana sameeyo " Kaaba foolto" Funaanadiina iska siibo ,Farxad darteed. Kii Reer Gaalkacyihii ayaa yiri: Ba'aa, uu miyuu waashay, ma Geelbuu naga dhacay markuu sidaa u bood boodayo. ( F.S: 1aad) ( Reer Gaalkacyo, Gool iyo Gumac kama naxaan, ee Geelooda iyo Gurigooda ha loo dhaafo) 2- Wiil Geel jire ahaa oo Baadiyaha Fog Geel ku ilaalin jiray, oo inta badan aan arki jirin Haween muuqooda. Firfircooni iyo Xoog badan ayuu isku arkay. Maalintii oo dhan waxa uu ku jiraa Orod, Bootin iyo in uu Geedaha la legdamo, Maalintii Dambe ayuu u yimid Aabihii kuna yiri: Aabe waxaan rabaa in aad 3 Gabdhood isku mar ii guuriso, mid kaliya maya, Hamuunta aan Naag u qabo iyo Xoogeeyga, mid kaliya ima hamuun tiri karto, waxaana ka baqayaa in ey igu dhimato, inta aan Arooska ku jirno. Markaa 3 Gabdhood ii raadi, Geel badana ha naga bixo. Hana isku dayin in aad Laba kaliya igu mehriso, 3 ka yar maya.

 

Aabihii ayaa yiri: Wiilkeeygiyoow, waan kuu doonayaa Seddex, laakin hal habeen laguu wada keeni maayo, midda hore markeey kula joogto 7 Cisho ayaa tan kale laguu keenayaa, ilaa tan ugu dambeeyso. Wiilkii ayaa yiri: Ammey tan hore igu dhimataa todobada inta aan kula jiro, oo tan kalena Tacsida ey ku soo aadaa, hamuunta i heeyso mid kaliya igama gooy karto, waanse tartiibsanayaa ee tan kale yeeyna iga soo daahin.

Wiilkii waxaa loo keenayay Gabar bar yar, oo ah Aroosadii koobaad, isaga oo saluugsan ayuuna la Aqal galay. 7 Cisho kadib ayaa waxaa soo booqday Wiilka Aabihii, Gabadhii oo Aqalka banaankiisa Raashin ku karinee ayaa meel fog ka aragtay, Wan weeyn ayaana hore ka qashay. Aaabihii ayaa Wiilkii ku yiri: Wiilkeeygiyoow, Alla mahadii, Tani naguma dhiman ee Diyaar garoow Caawa tii Labaad ayaa la soo wadaahe.

Wiilkii oo Neef tuurayo ayaa yiri: Bis bis Aabe, hana Xoola tirin. ( Tanaa Tolka oo dhan ku filane). ( F.S: 2aad)

( Hamigaaga iyo hamuunta Xoola jaceeylku, yeeyna qorsha xumu ku galin, ee waalidkaa iyo waaya aragga la tasho)

3- Macallin Xisaabta dhigo ayaa weeydiiyay Wiil Arday ah oo Fasalka 1aad dhigto. Haddii aan ku siiyo Hal Nac nac, haddana aan kuugu daro Nac nac kale, meeqa Nac nac ayaad heeysataa?. Wiilkii ayaa ku jawaabay: 3 Nac nac. Macalinkii oo careeysan ayaa Ul ku dhuftay, haddana isla su’aashii ayuu ku soo celiyay: haddan hal Nac nac ku siiyo oo aan mid kale kuugu daro waa meeqo Nac nac?. Wiilkii ayaa isna isla jawaabtii ku soo celiyay 3 Nac nac. Ul kale ayaa lagu dhuftay.

Macalinkii ayaa su’aashii bedelay oo ku yiri: Haddii aan ku siiyo Hal Xabbo oo Liin ah oo aan mid kale kuugu daro meeqo Liin ah ayaad heeysataa? Wiilkii ayaa yiri: waxaan heeystaa 2 Liin. Ul kuma dhufan, waxa uu is yiri: Haduu Xisaabta Fahmay. Isla su’aashii hore ee aheeyd hadaan hal Nac nac ku siiyo oo aan kuugu daro mid kale meeqaad heeysataa?. Wiilkina isla jawaabtii hore ayuu ku soo celiyay oo aheeyd 3 Nac nac . Macalinkii oo careeysan ayaa yiri: Maxeey ku kala Duwan yihiin Liinta iyo Nacnacu? Wiilkii ayaa yiri: Macallin, Hal Nac nac oo kale ayaa Jiibka iigu jiro. ( F.S: 3aad)

( Yaa gardarn?. Shacabka inta aadan weydiin, wax aadan Adiguba ogeeyn una ciqaabi leheeyd, hala weeydiiyo Xaaladooda u Gaarka ah, oo ey ku sugan yihiin)

4- Nin Ganacsade ahaa ayaa Ceel uu lahaa ka iibiyay Niman Beeraleey ah. Beeraleeydii ayaa Subaxdii dambe iyaga oo rabo in ey Biyaha Ceelka ku waraabsadaan Beeraha, waxa ey arkeen Ganacsadihii oo Ceelkii ag fadhiyo. Waxa uuna u diiday in ey Biyaha kala soo baxaan Ceelka, waxa uuna ku yiri: Biyaha Lacag ayad ka bixineeysiin, Anniga Ceel ayaad iga iibsateen ee Biyaha igama aadan iibsanina.

Beeraleeydii ayaa Maxkamad ka dacwooday. Ganacsadihii ayaa ku murmay in uu Biyaha leeyahay, iyaguna ey Ceelka leeyihiin.

Qaaligii ayaa yiri: Haddii ey sidaa tahay, khalad weeyn ayaad gashay, Biyahaagu waxa ey dhax yaaliin Ceel Ganacsatadu ey leeyihiin, ee Dhaqsi ugala bax Biyahaaga ,ama kiro ka bixi inta ey dhax yaaliin.( F.S: 4aad)

( Amaa nala yiraa: Ceelasha Shidaalka aanaa leh, ee Shidaalka ku hoos jiro Ceelkaa shirkaduhu leeyihiin kiro ka bixiya, kaluunka hareerihiisa ku jirana ha u soo dhawaanina, war sii fiican haloo kala qaado hana la iska hubiyo Heshiisyada Ceelka, shidaalka iyo kan kaluunka, Qaaligu dhinaca uu u dheeli doono ma naqaane. waa iga talo)

5-Juxa ayaa Xaaskiisa ku yiri: Maanta kadib wixii Guriga Dhaxdiisa ah Adigaa masuul ka ah, Anniguna wixii Guriga Banaankiisa ah ayaan masuul ka ahay. Maalintii dambe ayaa Juxa oo Fadhi ku dirir Fadhiyo, ayaa waxaa u yimid Dad qeeylinayo oo leh war fadhiga ka kac, Gurigaagii ayaa Gubanayo. Waxa uu yiri: Guriga, Dabku ma banaankuu uga yimid Mise Gudaha? Waxa lagu yiri: Dabku waxa uu ka kacay Kushiinka Guriga dhaxdiisa ah. Juxa Fadhi ku dirirkii ayuu iska sii watay. Waxa uuna yiri: Anniga iyo Xaaskeeyga shaqadu waa noo kala qeybsan tahay, wixii Guriga dhaxdiisa ah iyadaa ka masuul ah, ee u sheega Dhabka ha iska damiso) (F.S: 5aad)

( Haddii Madaxdu Hoowshoodii oo dhan ay u arkaan Arrimaha Dibadda, Shacabka Dabka ku shidan yaa ka daminaayo?)

6- Agaasime Caaqil ahaa oo "Qorax joog” ah, ayaa Wasiir waxaa u ahaa Nin "Qurba joog” ah, Wasiirka Shaqaaluhu waxa ey ku xantaan "Naagtiisa ayuu ka Amar qaataa”. Wasiirkii ayaa waxaa uu u yeeray Agaasimihii si uu uga talo qaato. Agaasimihii ayaa kula taliyay in uuna Xaaskiisa ka Amar qaadan ee uu ku yiraa: Halkaani Qurbihii oo kale ma ahan ee Shaqada Dowlada ka fadhiiso.

Xaaskii Wasiirka ayaa dareentay isbedel cusub oo ah in aan warkeeda la qaadaneeyn. Maalmo kadib ayeey Wasiirkii ka codsatay in Agaasimaha iyo Xaaskiisa ey ku Casuumaan Guriga Wasiirka eyna hal Habeen jiiftaan, Qol ka mid ah Guriga wasiirka. Wuuna ka ogolaaday. Markii la wada casheeyay oo Qooys waliba Qolkiisii Jiifka galay, ayaa Agaasimihii "Qorax jooga” Xaaskiisii oo la yaaban Qolka quruxdiisu bilaawday in ey Agaasimihii la ciyaarto oo Rarkii Dameeraha oo kale dhabarka ka saarto, kadibna ey Dusha uga fadhiisato. Qolkana uu kula dhax warwareego. Kadibna waxaa si kadis ah Qolkii ku soo galay Wasiirkii iyo Xaaskiisii oo wada socdo. Agaasimihii waa soo booday isaga oo ka naxsan in xaaladaan oo kale uu Wasiirku ku arko, isaga oo weliba kula taliyay in aan Xaasaska warkooda la qaadan. Waxa uu arkayay Wasiirka oo Xaaskiisii ey si hoose ula hadleeyso iyada oo ku leh: "Babe, Say Wallahi, soow ma aragtid”. Waxa uuna fahmay in ey aheeyd Qorshe ey u diyaarisay Xaaska Wasiirku.

Markaa ayuu Agaasimihii ku yiri: "Wasiiroow , Xilli Fiican ayaad timid, waxaa rabay in aan ku tusiyo Ninkii Dumarka Amarkooda qaato in ey dameer ka dhiganayaan”.

Wasiirkii ayaa yiri: Allaah, ayaa mahad leh oo Agaasimahaan Caaqilka ah Saaxiib iiga dhigay, haddii kale sidaan ayaan Dameer u noqon lahaa, taladaada waan qaatay dumarna ii tali maayo. ( F.S: 6aad)

( Ar Shacabku, Madaxoow doortay, madaxdu iyadaa Xaasaskooda Dooratay, Cidba cidii ey dooratay oo kaliya ayaa talo ku leh, Haweenka Dadku doortay kuma jiraan, ee Kuwa aad Adinku Doorateen si naga yeela)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip