HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 4-MARCH 2020-KA

0
Wednesday March 04, 2020 - 09:51:04 in Wararka by
  • Visits: 1023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 4-MARCH 2020-KA

    Duqa Muqdisho Oo La Kulmay Wafdi Ka Socday UNDP G/G/Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Shalay xafiiskiisa kulan kula qaatay ku xigeenka Wakiilka hey'adda UNDP Soomaa liya Marwo Jacqueline Saline iyo Wafdi la s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho Oo La Kulmay Wafdi Ka Socday UNDP G/G/Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Shalay xafiiskiisa kulan kula qaatay ku xigeenka Wakiilka hey'adda UNDP Soomaa liya Marwo Jacqueline Saline iyo Wafdi la socday. Waxaa kulanka Guddoomiye Cumar ku wehliyay ku xige enka Gobolka arrim aha maamulka iyo maaliyadda iyo sidoo kale saraakiil farsamo oo ka mid ah maamulka G/Banadir. Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimo la Xirirka iskaashiga iyo wada shaqa ynta Maamulka G/Banadir iyo hey'adda UN DP gaar ahaan balaarinta mashaariicda hor umarineed ee magaalada Muqdisho.

Taliye Xijaar oo AMISOM kala Shirey Sugida Amniga doorashooyinka

Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaliyeed Jan.Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xa fiiskiisa M/Muqdisho waxaa uu ku qaabi lay Taliyaha iyo sara akiisha Boliiska AMI SOM ee ka howlgalla Soomaaliya.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen 2da dhi nac ayaa waxa ay uga wada hadlen xoojinta wadashaqeynta 2da heyadood iyo sugidda amniga doorashada qaranka ee la filayo in ay Soomaaliya ka dhacdo.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaliyeed Jan.Cabdi Xasan Maxamed ayaa Saraakii sha Booliska AMISOM waxaa uu uga mahad celiyey sida wanaagsan ay ula Shaqeeyaan Booliska Soomaaliya,isaga oo ugu baaqay inay dardar geliyaan.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho ay diya arineyso XFS,waxaana socda u diyaar gar owga doorashadaas oo ay wadaan madax da Dowladda & Taageerayaasha Caalamka.

Madaxweyne Qoor Qoor ” Galmudug waa cusub ayaa u baryay”

Madaxweynaha D/G/Galmudug Md. Axm ed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in tan iyo markii loo doortay inuu noqdo Ma daxwey naha maamulka as uu wa do qorsho ku aaddan xall inta dadka kasoo horjeeday, isla markaana caqabadaha qaar laga gud bey.Waxaa uu sheegay in Cid walba uu is ku dayay inuu ka xalliyo tabashada ay qab tay,hayeeshee si kasta ha noqotee haatan taasi laga gudbay, waxaana uu sheegay in Galmudug waa Cu sub uu u baryay.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dadka Reer Galmudug looga baahan yahay inaysan dheg jalaq u siin dad uu sheegay in ay ku mashquulayaan siyaadda Galmudug.

Somaliland oo Gobolada ka bilaawdey baaritaanka Coronavirus

Dhaqaatiir gaar ah oo Soomaaliland u di rtey deegaano ka irsan G/Sool ayaa waxaa ay bilaabeen baarita anno la xiriira hubin ta Caafimaad ee Cudu r ka Coronavirus,kaa s oo dad badan ugu dhinteen qaar kamid ah dalalka Caalamka.

Soomaaliya kama jira cudurka an,hayee shee D/Somaaliya iyo Maamul Goboleedya da ayaa waxaa ay siwaajir ah u sheegeen in ay difaac uga jiraan caabuqa Coronavirus.

Dhaqaatiir ka socota Wasaaradda Caaf imaadka Soomaaliland ayaa waxaa ay baarit aan la xiriira Cudurka Coronavirus waxaa ay ka bilaabeen deegaan ka Tukaraq ee G/Sool , halkaas oo ay ku no ol yihiin Boqolaal Qoys.

Dhaqaatiirta ayaa dadka badi waxaa ay isugu geynayaan Xarun MCH ah oo ku taalla deegaanka Tukaraq,iyaga oo marsiinaya ba aritaan Caafimaad,waxana tallaabadaas aad u soo dhaweeyey qaar kamid ah Bulshada ku nool deegaankaas

Wafdi ka socda Dowladda Somaliya oo Shir uga qeyb galay Kenya

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS Md.Xasan Xuseen Xaaji iyo wafdi uu hogaa minaayey oo ka mid ah howl wadeenada Wa saaradda ayaa ka qeyb galleen shir gobole edka looga hadlaayo Xallinta khilaafaadka dadban, dhaqanka iyo gaarsiinta Cadaalad da loo dhan yahay oo ka dhacay dalka Ken ya caasimadiisa Nairobi.

Kulanka oo socon doonaa muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galay ma dax ka timid Dalal ka dhaca koonfurta, bar iga iyo geeska afrika,iyada oo shirkaasi la isku dhaafsanayo hadalo kala duwan.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa khud bada ka kala jeediyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, G/Maxkamda Sare ee Kenya, madaxa hey’adda IDLO ee geeska Afrika, madaxa hey’adda caalimiga ee ICJ, Saraa kiil ka socotay Wasaaradda Arrimaha Diba dda ee dalka boqortooyada Netherland, hey ’addo Caalami ah iyo khubaro ku xeel dheer arimaha xalinta khilaafaadka dadban, dhaq anka iyo gaarsiinta Cadaaladda loo dhan yahay.

W/W/Caddaaladda Abuukaate Xasan Xa aji ayaa kulanka ka jeediyey kalmad ku aadd an warbixin ku saabsan hormarka laga gaa ray xalinta khilaafadka dadban, gaarsiinta Cadaaladda loo dhan yahay iyo cilmi baaris lagu sameeyey habka dadban ee xallinta khi laafadka dalka taas oo ka soo qeyb galaya a sha u noqotay arrin ku dayasho mudan. Sid oo kale Wuxuu ku booriyey ka soo qeyb galayaaasha howl galinta garsoor madax ba nnaan iyo nidaamka xalinta khilaafadka ka soo qeyb-galayaasha kulanka si bulshado ay u helaan adeeg Cadaaladdeed oo loo dhan yahay.

Duqa Muqdisho oo shaaciyey caqabad kasoo wajahdey waddooyinka xiran

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa M/ Muqdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ayaa sheegay in waddooyinka xiran ee M/Mu qdisho ay sababtay in uu ho os u dhaco dhaqaala ha soo gala M/G/Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Ma amulka uu hadda madaxda ka yahay uu kusoo aaday xi lli kala guur ah,waddooyin ka qaar oo lasii xiray tan iyo markii qaraxa lagu diley Eng Yariisow, ta sina ay sababtay in dhaqaalaha soo gala Ma amulka Gobolka Banaadir uu yaraado.

Guddoomiye Cumar Finish waxaa uu she egay in degmooyinka qaar ee Gobolkan Ban aadir aysan Maamulka Gobolka kasoo gelin wax dhaqaalo ah,hayeeshee Maamul ka uu kabo,isaga oo tusaalo u soo qaatay degma da Shangaani.

"Xili kala guur ah waan kusoo aadney, kala daadashadii soo gaartey Maamulka G/ Banaadir lagu daray jidadka xiran iyo dule edyada Muqdisho ay werar ba’an ku haa yaan maleeshiyo beeleed ayaa keentay in uu yaraado dhaqaalo soo gala Maamulka Gobolka ayuu yiri” Guddoomiye Filish.

Hadalkaan ayaa G/Banaadir Cumar Max amuud Maxamed (Finish) waxaa uu ka she egay kulan uu la qaatey guddoomiye ku-xig eenada maamulada degmooyinka gobo lka Banaadir.

Guddoomiye Carraale oo Beledweyne kula kulmey Saraakiil Mareykan ah

M/Beledweyne G/Hiiraan waxaa Shalay gaarey Saraakiil ka kala socotay dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska,waxaana soo dha weeyey mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka G/Hiiraan.

Soo dhawyen kadib Sarakiisha oo dadaal ugu jira sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta dhina ca hubka ah ee sa aran ayaa waxaa ay kulan la qaateen G/G/Hiiraan Ca li Maxamed Caraale.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wadahadle en sidii Saraakiishaan uu Maamulka G/Hiir aan ugala Shaqeyn lahaa qorshaha ay halk aasi u tageen oo ah inay qiimeyn ku samee yaan Hubka laga isticmaalo iyo sidii Hubka yaalla dalka Soomaliya loogu istimaali lahaa sida sax ah oo waafaqsan Qeynuunka Hub ka. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa qeyb ka ahaa Saraakiisha Ciidamada Booliska Beledweyne uu horkacayay Taliya ha Saldhiga Booliska degmada Beldweyne Muuse Salaad Wehliye iyo Saraakiil kale


QM oo sheegtay in Colaada Deegaan na da Jubbaland ka Barakaceen 9,000 oo Qoys

Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah dad gaaraya 9,000 oo qoys (56,000 oo qof) ayay barakiciyeen colaadaha ka soo cusbo onaaday G/Gedo ee DGJ.laga soo bilaabo horaantii bishii Febraayo ee sannadkan.

"Waa in wax kasta oo suurtagal ah la sa meeyaa si loo yareeyo waxyeello ku tim aadda dadka rayidka ah ama bubur soo ga ara dugsiyada waxba rashada,xarumaha ca afimaadka iyo guryaha dadka rayidka ahi de gganyihiin,” ayuu yiri Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya, Mr. Ad am Abdelmoula."Waxaan ugu baaqayaa dha mmaan kooxaha ay khuseyso iney qaadaan tallaabo kasta si loo ilaaliyo dadka rayidka ah iyo agabkoodaba.”

Iska hor imaadyadan hubeysan ee soo bil owday 7dii Febraayo iyo xiisadahan cirka isku sii shareeray ee dhacay 2dii bisha Ma arso waxay sababeen in dad badan oo rayid ah ay ka barakacaan magaalada Beled Xa awo iyo xerada barakacayaasha ee Belet Amin

Dadkan barakacay qaarkood waxay aad een degmooyinka Doolow, Luuq, goobo isla Beled Xaawo ka tirsan halka dadka qaarki ina ay u firxadeen dhulka miyiga ah.

Kooxo dadkan ka mid ah ayaa magaala da ka soo baxay ayagoo isticmaalaya baabu ur waaweyn halka qaybo kalana ay cagtoo da maalayeen. Waxa kale oo jirta in dad loo diiday iney magaalada ka baxaan ay degeen xaafado magaalada ka tirsan

"Waxaa lagama maarmaan ah in qeybaha ku lugta leh colaadahan ay xil iska saaraan sidii dadka rayidka ahi ayagoo bedqaba uga soo bixi lahaayeen goobaha colaaduhu ku qabsadeen si ay u helaan kaalmooyinka bin i’aadamnimo ee ay u baahanyihiin,” ayuu yiri Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Soomaaliya.

Dad lugu qiyaasay 2.6 milyan oo qof ay aa hadda ku barakacsan gudaha Soomaal iya sababo lala xiriirinayo colaadaha waddan ka ka socda iyo mashaqooyin ka dhashay is bedellada cimilada. Sannadkii tegay ee 2019 oo kaliya, 190,000 oo qof ayay colaaduhu ba rakiciyeen. jannaayo ee sannadkan 2020, dad gaaraya 35,000 oo qof ayaa barakac day, 28,000 oo tiradan ka mid ah waxay gu ryahooda uga carareen xaalado amni darro.

Soomaaliya waxay u diyaar garoobeysaa sidii ay u dhaqan geli lahayd Heshiiskii Kam pala ee Midowga Afrika oo la xiriiray ilaalinta iyo caawinta dadka barakacayaasha ah, he shiiskan oo Madaxweynaha Soomaaliya uu saxiixay 26kii Nofeembar 2019.

Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaa dir Oo Xilka Qaadis Lagu Sameeyay

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan hel nay ayaa waxaa ay sheegayaan in xilka qa adis lagu sameeyay Taliyihii Nabadsugida G/Banaadir Ibraahim Macallin C/hi, kaasi oo xilka haayay inka bad an hal sano.

Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qar anka Soomaaliyeed ee NISA Fahad Yaasiin ayaa waxaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday Taliye Macallin Ibraahim oo ahaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka, iyadoona mid Cusub loo Magacaabay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Fa had Yaasiin uu Taliyaha Nabadsugida G/Ba naadir u Magacaabay Sarkaal Magaciisa la gu sheegay Ciise Maxamed Ciise, kaasi oo bedelaya Macalin Ibraahim.

Xigasho:- https://www.jowhar.com/

Agaasime Wasaaradeed oo xil gudasho la’aan Shaqada looga joojiyey

Wasiirka W/Ganacsiga iyo Warshadaha DGKG/Soomaaliya Md.Maxamed Cali Xa san ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaas imaha guud ee wasaaradda Cabdiwahaab Cali Mursal.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Wasaarad da Ganacsiga Maamulka KGS lana ogeeysii yey Madaxweynaha KG,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa waxaa xilkii looga qaadey Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga iyo Wa rshadaha DGKGS.

Sababaha xilka qaadista Agaasimaha ay aa waxaa lagu sheegay xil gudasho la’aan iyo inuu dayacay howlo Shaqo oo Siminaar ahaa ,kaas oo loogu diray dalka dibadiisa. Hoos Ka Akhriso Warqadda xilka qaadista Agaasimihii Wasaaradda Ganacsigaiyo War shadaha DGK/Galbeed

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad ku soo rogtay dadka ka imaanaya dalalka uu ka dilaacay caabuqa Corona virus

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in dadka ka imaanaya dalalka uu dilaacay ca abuqa Coronavirus aysan dalka soo geli kar in muddo 20 maalmoo d ah oo ka bilaaban ey sa maalinta safarkiisa.

Cabdirisaaq Yuusuf Ax med ayaa sababta go’aankaas loo soo sa aray ku sheegay inay tahay mudadaas 20-ka maalmood ah baarritaano lagu sameyna yo dadka soo galaya gudaha dalka.

Baaritaankaan lama cadeyn cidda sam eyn doonta in ay tahay dowladda Soomaal iya iyo in ay jiraan dalal kale oo ka gacan sii naya.

Agaasimaha tayeynta caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soo maaliya Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in ay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku xayiran qaar ka mid ah wadamada uu ka dila acay caabuqa Coronavirus.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in dal alka dadka Soomaaliyeed ay ku xayiranyi hiin oo ay ku jiraan Iran iyo Shiinaha ay ku dadaalayaan sidii dalka loogu soo celin lah aa, iyadoo laga taxadarayo in caabuqa Cor ona uu dalka soo galo.

Madaxweyne ku taliyay in lugaha la isku salaamo cabsida Corona

Aqalka madaxtooyada Tanzania ayaa ba ahiyay sawir muujinaya madaxweyne John Magufuli oo lugta ku salaamayo siyaasi ka tir san mucaaradka oo lagu magacaabo Maca lin Seif Shariif Axmed.

Madaxweynaha wuxuu doorbiday inuu lugta ku salaamo dadka si loo dhaqan geliyo talla abooyinka ay shaaca ka qaaday wasaara dda caafimaadka dalkaas ee looga hortagg ayo caabuqa Corona.

Caabuqa Corona ayaa saameyn ku reeb ay dalal badan, wuxuu kasoo bilowday Shiin aha oo uu ku dilay in ka badan 3,000 qof.

Dowladaha caalamka ayaa heegan ugu jiraa sidii looga hortaggi lahaa Corona.

Qaaradda Afrika, dalalka kala ah Masar, Mor occo, Tunisia, Nigeria iyo Senegal ayaa sha aca ka qaaday kiiskii ugu horreeyay ee caab uqa Corona.

Madaxweynaha Turkiga oo farriin u direy Dowladda Jarmalka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa magaalada Ankara ee caasim adda dalka Turkiga kulamo muhiim ah kula yeeshay hoggaamiyaha Dawladda Jarmalka Angela Merkel oo booqasho rasmi ah ku joogta dalkaas.

Madaxweyne Erdugan ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dhowro wa ajibaadka caalamiga ah ee la xiriira arrimaha qaxootiga gaar ahaan dadka kasoo barakac aya colaadaha ka aloosan dalka Suuriya.

Recep Tayyip Erdogan ayaa si cad ugu she egay hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merk el in si cadaalad ah loo wadaago mas’uuliya dda iyo culeyska la xiriira ilaalinta iyo ka war qabka dadka qaxootiga ah ee ka gudbaya xadka dalalka Turkiga iyo Giriiga.

Kenya oo ganaaxeysa dadka faafiya war arka beenta ah ee ku saabsan Corona

Dowladda Kenya ayaa sare u qaadday shuruucdeeda la socodka baraha bulshada iyo warbaahinta kaleba, si looga hor tago faa finta wararka been abuurka ah ee ku saab san Caabuqa Corona.

Af hayeen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Cyrus Oguna ayaa sheegay in dambi baareyaal ka tirsan waaxda qaabilsan dhinaca internet-ka ee Booliska ay qiimeyn doonaan dhammaan xogta lagu daabaco ba raha bulshada ee online-ka, kaddibna ay xiri doonaan dacwadona kusoo oogi doonaan cid kasta oo lagu tuhmo inay faafineyso war ar aan xaqiiqo ahayn oo ku saabsan cudu rkan dilaaga ah.

Qofkii lagu helo dambiga noocaas ah ay aa halis ugu jira in lagu ganaaxo lacag dhan $50,000 oo doolar ama in lagu xukumo labo sano oo xabsi ah.

Mr Oguna ayaa sheegay in hadda qoraa llo badan oo laga sameeyay Corona loo gu dbiyay laanta dambi baarista, kaddib marka lasoo afjaro baaritaannadana la billaabi do ono howlgallo lagu soo xirayo dadka been abuurka faafiyay.

Dadka maxkamadda lasoo taago ayaa loo cuskan doonaa sharciga macluumaadka lagu faafiyo Internet-ka ee Kenya laga hirga liyay sanadkii 2018-kii.

Waddanka Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay la gilgishay warar been abuur ah oo laga sameynayay Caabuqa Corona ee saam eynta ba'an ku yeeshay caalamka.

Caro weyn ayaa baraha bulshada ka billaa batay maalintii Isniinta, kaddib markii si weyn loo shaaciyay muuqaal 4 daqiiqo ah oo laga duubay saraakiil ka tirsan dowladda oo xaqiijinaya in qof qaba Caabuqa Corona lagu daweynayo isbitaal weyn oo ku yaalla waddanka.

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in muuqalakaas la duubay da baqaayadii Isbuuca, xilli ay saraakiishu ku guda jireen munaasabad tijaabo ah oo lagu matalayay sida loo shaacinayo haddii ay dha cdo in qof cudurka qaba laga helo dalka.

Hase yeeshee ma cadda sida muuqaalkaas loogu dusiyay dadweynaha.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in wali aan waddankeeda lagu arkin hal qof oo qa ba xanuunka loo bixiyay COVID-19.

Qaar ka mid ah waddamada Gobolka bar iga Afrika ayaan wali ku dhawaaqin kiisaskii ugu horreeyay ee Caabuqa Corona.

Madaxweynaha dalka Tanzania, oo daris la ah Kenya ayaa sheegay inuu door biday inuu salaanta gacanta u baddalo lugta, si looga hor tago Caabuqaas.

Madaxtooyada dalkaas ayaa shaacisay sawir muujinaya madaxweyne John Magufuli oo dhaqan galinaya talo ay soo jeedisay was aaradda caafimaadka, taasoo ah in lugaha la isku salaamo.

Magufuli wuxuu ficilkaas la sameeyay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaar adka.

Tanzania ayaa sheegtay in wali uusan soo gaarin Caabuqa Corona.

Midowga Yurub oo Gaadiid Ciidan ku wareejiyey Maamulka K/Galbeed

Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Shalay Baydhabo kusoo dhawe eyay Wafdi uu hoggaaminaayey Safiirka M/ Yurub ee Somaliya Nicolas Berlanga oo ay kamid yihiin Diblumaasiyiin iyo Saraakiil ciidan oo katirsan ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Wafdiga ayaa Aqalka madaxtooyada waxaa ay kulan kula qaateen Guddoomiyaha Baarl amanka , Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed.

Gaadiid Ciidan oo looga talagaley in ay ku howlgalaan Ciidamada Booliska ayaa wa xaa safiirka uu kuwereejiyey Gudoomiyaha Baarlamanka iyadoona Siwadajirr ah u kor meey Xarunta ADC oo laga dhigeyo Xaruun lagu tababaro Ciidamada.

Waxaa sidoo kale ay kormeereen Sal dhiga Booliska Degmada Baydhabo oo ball aarin iyo Dayactir Lagu sameeyey, islamar kaana lagu soo kordhiyey dhismiyaal Cusub.

Safiirka Midowga Yurub ee Somaliya Nicolas Berlanga ayaa sheegay in ay siiwadi doonaan taageerada dhan walba ah oo ay siinayaan Ciidamada Booliska KGS.

Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS C/qaa di shariif Sheekuna Maye ayaa dhankiisa u mahad celiyey Safiirka M/Yurub sida ay u tayeynayaan ciidamada Booliska Soomaali yeed,wuxuuna ku bogaadiyey sida mar wa lba Midowga Yurub u garabtaaganyihiin D/ G/K/ Galbeed.

Netanyahu oo ku guuleystay doorash ada xilli uu wajahayo Maxkamad

R/wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku guuleystay doorashadii Isniinta ka dhacday Israel, oo ahayd tii 3aad muddo sanad gudih iis ah, inkasta oo uu wajahayo maxkamad eyn musuq-maasuq la xiriirta.

Guushan ayaa Netanyahu u ogolaaneysa inuu soo dhiso dowladda cusub, soona afjaro sanad is-marin waa siyaasadeed ah, kadib markii doorashooyin dhacay April iyo September 2019 lagu kala adkaan waayey.

Guddiga dhexe ee doorashada ayaa she egay inay tiriyeen 90% codadka, aya da oo natiijada warb aahinta qaar ay soo bandhigeen ay muuj ineyso in xisbiga Ne tayahu ee Likud uu helayo 36 ka mid ah 120-ka kursi ee baarla manka.

Isbahaysiga Netanyahu, oo ay ku jiraan xisbiyada Yahuudda ee mayalka adag, ayaa weli u baahnaan doona hal ama laba cod si ay u helaan aqlabiyad, hase yeeshee afhaye en u hadlay xisbiga ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin inay kasoo goosan doonaan xisbiyada kale.

Xisbiga sida weyn ula loolamayey Likud ee Blue and White ayaa la filayaa inuu helo 32 kursi.

Marka lagu daro xisbiyada siyaasadda bidixda-dhexe, iyo kuwa isbhayasiga Carab ta ee Arab Joint List, xisbiyada kasoo horje eda Netanyahu ayaa la filayaa inay helaan 54 ilaa 55 kursi.

Inkasta oo weli aysan jirin wax damaanad oo ah in Netanyahu uu soo dhisi doono dow ladda cusub, haddana wuxuu doorashadii Isniinta ku sheegay "guul” weyn.

Netanyahu ayaa ku ololeeyey mowqifki isa adag ee ku wajahan Falastiiniyiinta iyo in uu ballaarin doono deegaananda Yahuudda ee Daanta Galbeed.

Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday inuu Israel kusoo dari doono Dooxada Jordan, oo ka tirsan Daanta Galabeed, Falastiiniyiintana ay u arkaan inay muhiim u tahay dalkooda mustaqbalka.

Hogaamiyaha xisbiga Blue and White, ah na madaxii hore ee militariga Benny Gantz ayaa qirtay "inuu ka niyad jabay” natiijada.

Hase yeeshee waxa uu carabka ku adkeey ey, in wixii ay noqotaba natiijada kama damb eysta ah, Netanyahu uu weli maxkamad kori doono 17-ka March.

In kasta oo la filayo in madaxweyne Rue ven Rivlin uu Netanyahu u xil saaro soo dhis idda dowladda cusub, haddana weli ma muu qato waddo uu ku heli karo 61-ka kursi ee uu u baahan yahay.

Xisbiga Yisrael Beiteinu ee uu hogaami yo wasiirkii hore ee difaaca Avigdor Lieber man oo la filayo inuu helo lix ama toddoba kursi ayaa wacad ku maray inuusan ku biiri doonin dowlad ay ku jiraan xisbiyada Yahuudda ee mayalka adag.

Waxa kaliya ee Netanyahu u furan ayaa ah inuu xildhibaanada qaar ka dhaadhiciyo inay khilaafaan hoggaanka xisbigooda, una soo goostaan dhankiisa, si uu dowladda u soo dhiso.

Kala aragti duwanaanshaha Dowladaha Somaliya & Kenya ee Hoggaanka Jubbaland

DFSomaliya iyo Kenya oo si weyn ugu ka la aragti duwan Hoggaanka Maamulka Jub baland ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay markale horseedo khilaaf diblom aasiyad eed, oo soo wajaha 2da dal ee deriska ah.

C/laan Yuusuf Guuleed, Taliye Kuxi geenkii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoo nka Qaranka (NISA) ayaa sharaxaad ka bix iyay sida 2da dowladood, ay ugu kala aragti duwan yihiin M/mulka Axmed Maxamed Is laam (Axmed Madoo be), Madaxweynaha Jubbaland.

Md.C/laan ayaa ku waramaya in D/Kenya ay M/mulka Axmed Madoobe u aragto mid ay aamini karo, kalana shaqayn kara amn iga xuduuda 2da dal, maadaama aanay D/ Somaliya u diyaarsanayn ilaalinta soodima heeda.

"Kenya, Axmed Madoobe iyo maamulki isa waxay u aragtaa maamul ay aamini ka rto, maadaama DFS xuduudihii wadanka ilaa shan karin. Waa mamul ay maalga shatay oo nafteeda u hartay, ciidamo siis ay, ayna isu ilaaliso.” Ayuu yiri Cabdisal aan Yuusuf Guuleed.

Taliye Kuxigeenkii hore ee NISA ayaa dhanka kale sheegay in DFSay maamulka A/Madoobe u aragto mid aynaan wada sha qayn karin, isla-markaana ay doonay so in ay bedesho.

"D/Somaliya waxay u aragtaa maamul ka A/Madoobe inuusan ahayn maamul ay la shaqayn karto. A/Madoobe inay bede sho ayay rabtaa, wixii hoos yimaadana khaladk aas ee ka dareemaysaa. Taasaa marka wax ay keentay inaanay 2doodii ka wada dhax een karin maamulka A/Madoo be iyo Jubbal andba.” Ayuu yiri Taliye Kuxi geenkii hore ee NISA.

Guuleed oo la hadlay Laanta afka So maliga ee BBC ayaa qaba in A/Madoobe ay dhab ka tahay la dagaalanka Ururka Al Sha baab, isagoo soo hadalqaa day in am niga Kismaayo oo ka dhib badnaa kan Muqdisho uu ka dhigay, mid ay dadku isu halleen karaan.

"A/Madoobe waxaan ognahay inuu da acad ka yahay la dagaalanka Al Shabaab, si daan aaminsan-nahay. Waa ninka M/Kis ma ay oo Xamar ka dhib badneyd markii la fii rsho bahallo galeen bay Shabaab u aha yd, ukumaa u taal ay, wuxuuna gaarsiiyay in M/Kismaayo qofku shaah isaga cabo mee shuu rabo, masuuliyaduu ha rabo ha hayo, dadaal bayna ku timid. Kalsoonida as iyo dagaalkaas D/Kenya way ku qabtaa maa mulka A/Madoobe.” Ayuu yiri Guul eed.

Dagaalkii qaraaraa ee Isniintii Dorraad ka dhacay xuduudda 2da dal oo Warbaah inta Caalamka, ay siyaabooyin kala duwan uga warantay ayaa laga cabsi qabaa in mar kale dhaawac ku keeno xiriirkii 2da dowl adood. XIGASHO:-BBC

Taliyaha Ciidanka Lugta Oo Kormeeray Furumaha Hore Ee Dagalka Ee Awdhegle

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidan ka lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/guu dto C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa Shalay Booqday D/Awdheegle ee G/Sh/Hoose oo fariisimo ay ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soo maaliya.

Ujeedka Booqashada Taliyaha Ciida mada lugta Gen.C/Xamiid uu ku Tagay D/ wdheegle ayaa ahaa u kuurgalida Ciidanka XDS ee ku sugan Awdh eegle iyo arri mo kale oo la xiriirka dha nka Ciidan ka. Gen.C/Xamiid ayaa Mid mid waxa uu u dul istaagay Difaacyada Ciidamada, isagoo na halkaasi kula dardaarmay ciidamada ku sugan furumaha hore ee dagaalka Awdhe egle.

Taliyaha Ciidamada lugta ee Xoogga Da lka Soomaaliya S/guudto C/Xamiid oo la hadlayay Ciidamada waxa uu sheegay in ay ugu tagi doonaan Goobaha ay G/Sh/ Hoose kaga sugan yihiin Al-shabaab.

Wasiir Warfaa "Maalgashiga Shaqaa laha Somaliya Waxay Yareyn Doontaa In Lagu Laabto Colaaddii

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS,Md.Xil.Sadiq Xirsi Warfa ay aa khudbad ka jeediyay shirka Dhismaha iyo Guriyeynta Soomaaliya oo maalintii 2aad ka socda M/ Muqdisho.

"Marwalba aan arko dhisme socda waan ku farxaa, Maxaa yeelay waxaan ogahay in ay boqollaal dad ahi ay ka shaqa-geli do on aan waana shaqo abuur saameyn hor umarineed ku yeelana ya qoysaska howl wadeennada dhisma ha.”

"Horumarinta hantida maguurtada ah ee So omaaliya waxaa ay haysaa dhabihii sax da ahaa ee abuurida jawi casri ah, hufan, amm aan ah iyo deegaan wacan oo aysan kaliya ujeeddadu ahayn kor u qaadida bili cda waddanka balse waxaa dheer iny ga rab so coto shaqooyin la abuuro. Runtii ma dashani waa mid mudan in la ammaano waxaana jec laan lahaa shakhsi ahaan ina an u mahad ce liyo shaqsi kasta oo arri ntan ku lug leh,” ayuu yiri.

Wasiir Sadiq Warfa, ayaa caddeeyay da daallada ugu badan inay ku bixinayaan sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallin yarada Soomaaliyeed, arrintaa oo uu shee gay inay door weyn ka qaadanayso maal gashiga. "Maalgashiga shaqaalaha Soomaaliya oo ah waddan ka soo kabanaya dagaallo sokeeye waxay yareyn doontaa inaan ku laabano col addii. Markaa Madalkasto oo horumarineed sida tan hadda aan joogno ee horumarinta guryeynta iyo dhismaha waxay yeelan kar taa saameyn bulsheed iyo mid siyaasadeed oo weyn. Maal-gasha deyaasha ugu horree ya ee waddanka ma la kulmayaan tartartan adag oo dhanka ga nacsiga ah maxaa ye elay tartameyaasha ayaa yar. waxayna heli doonaan waxa loo gu yeero faa’iidada-saan qaad hore. Qadar yar oo lacag ah ayaa Soo maaliya si weyn ugu abaabuli karta dib u soo celinta hay badeeni luntay,”

"Si aan u muujino sida ay nooga go’an tahay in aan shaqooyin u abuurno dhalliny a rada una siino tababbaro xirfadeed, wax aan u qoondaynay oo aan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dhawaan ku soo kor dhinay Waaxda tababbarada farsamada gac anta si ay u hormariso una meelayso xirfada ha aan hiigsaneyno ee ku habboon dhallin yaradeenna si ay u noq daan xirfadlayaal qeyb ka noqda horumar ka dhaqaalaha iyo dib u dhiska dhulkeen na Hooyo,” ayuu ku daray wasiirka Shaq ada iyo Arrimaha Bu lshada.

Gabagabadii, wuxuu sheegay Ganacs at ada guryaha ka ganacsata inay ka faa’iid eystaan kobaca magaalooyinka Soo maaliya oo ka mid ah waddamada ugu xa waareynta badan adduunka dhanka maga aleynta. Dad ka ku nool magaalooyinka So omaaliya wax aa lagu qiyaasaa 6.45 mily an oo qof, oo ka dhigeysa 45% tirada guud ee shacabka.

Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay qabatay Shaqsi is qarxin rabay

M/Baydhabo ayaa lagu qabtay shaqsi ha y’adaha amnigu sheegeen inuu doonayey inuu isku qarxiyo M/Baydhabo

Shaqsiga ayaa lagu magacaabaa Isaaqkaasi oo ku hubeysanaa Jaakad bam ku xi ran qori AK 47 iyo booshkiisa, halka nink an kale ee qoriga sitana uu isku soo dhiib ay Cii danka amniga.

Taliyaha Ciidamada Booliska Baydha bo ee K/G/S/Muqtaar Ibraahim Dumbudow oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu shee gay in Ninkaas uu doonayay inuu sha cabka ku dhaqan Baydhabo isku qarxiyo, hayee shee gacanta lagu dhigay.



SOOMAALIYA

OGEYSIISKADIGNIINTA EECALAAMADA GANACSIGA

_______________________

OGEYSIISKA HALKAN AYAA LA SIIYA in calaamadakorkuxusan ay tahayastaantaganacsigaee:

 

Benson & Hedges (Overseas) Limited,a British company of Globe House, 4 Temple Place, London WC2R 2PG, United Kingdom

 

waxaana loo isticmaalaaxiriirinta:

 

Sigaarka; tobaakada, ceyriinka ama wax soo saarka; waxyaabaha tubaakada laga sameeyo; Beddelka tubaakada (maaha ujeedooyin caafimaad); sigaar, sigaar; lighter; isbarbardhiga; qoraalada sigaarka; warqad sigaar ah, tubooyinka sigaarka, miirayaasha sigaarka; Qalabka jeebka loogu talo galay sigaarka duuban; mashiinnada gacanta lagu haysto ee lagu duro cirbadaha tuubbooyinka; sigaarka elektiroonigga ah; cabitaannada sigaarka elektiroonigga ah; waxyaabaha kasameysan tubaakada ujeeddooyinka kuleylka; aaladda elektiroonigga ah iyo qeyladooda loogu tala galay kuleylka sigaarka ama tobaakada.

 

Calaamadda waxaa loo isticmaalaa midabbada madow, buluug khafiif ah, cawlan, dahab, madow iyo caddaan.

 

OGAYSIISKA AYAA SIDOO KALE LA BIXINAYA in talaabosharci ah laga qaadi doono qofkasta ama shirkad isticmaasha sumadda ganacsiga ee la sheegay ama wixii ku dayasho mudan ama si kale ku xadgudbay xuquuqda shirkadda la sheegay.



BOGGA CAYAARAHA


Chelsea Oo Haddaba Xidhiidh La Sam aysay Goolhayaha Ay Doonayaan In Uu Badalo Kepa Arrizabalaga.

Kooxda Chelsea ayaa haddaba xidhiidh la samaysay goolhayaha ay doonayaan in uu badal ugu noqdo Kepa Arrizabalaga kaas oo lumiyay saamayntii uu ku lahaa kooxda Blue-s.Chelsea ayaa sana-dkii 2018 kii waxay lacagtii abid ugu qaali-sanayd ee goolhaye lagu iibsaday ka soo bixisay Kepa Arriz-abalaga oo markaas ka tirsanaa kooxda Athletic Bilbao wax-aana loo arkayay bad-alka waqtiga dheer ee Courtois oo markaas isna Real Madrid u wareegay.

Laakiin Kepa Arrizabalaga ayaa xaalado badan oo kala duwan ku soo qaatay Chelsea labadii xili ciyaareed ee uu Premier league joogay waxayna taasi keentay in uu lumiyay kalsoonidii uu ka haystay macalinkiisa Frank Lampard.

Kulamadii bishii ugu danbaysay ay Chelsea soo ciyaartay ayuu Lampard kaydka dhigay goolhaye Kepa waxaana hore u soo baxay in uu ciyaaray kulankiisii ugu danbeeyay haddii ayna iman duruuf kale oo uu Lampard go’aankiisa ku badali karo.

Haddaba wariyaha Talyaaniga ah ee Nico Schira ayaa shaaciyay in maamulka kooxda Chelsea ay haddaba xidhiidh la sameeyeen goolhayaha kooxda AC Milan ee Gianluigi Donnarumma si uu badal ugu noqdo Kepa.

Schira ayaa shaaciyay in kooxda AC Milan ay tixgalinayso in ay goolhayahooda kowaad ee Donnarumma iibiyaan suuqa xagaaga ee dhamaadka xili ciyaareedkan isla markaana ay maamulka Blues xidhiidh la sameeyeen wakiilka Donnarumma ee Mino Raiola.

Waxa kale oo la ogaaday in Chelsea ay Donnarumma diyaar u layihiin mushaar 8 milyan euros ah sanadkiiba isla markaana ay doonayaan in uu badalo goolhayaha suuqa abid ugu qaalisan ee Kepa kaas oo u muuqda in uu Blues ka bixi doono.

Chelsea ayaan qiimo jaban ku heli karin goolhaye Donnarumma waxayna sidoo kale ku qasbanaan doonaan in ay lacag badan oo dilaal ah jeebka ugu shubaan wakiilkiisa dhibta badan ee Mino Raiola.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa haddii xogtan la wada rumaysto haddaba diyaarsanaysa qaabkii ay ku heli lahayd goolhayaha tayada sare leh ee Donnarumma kaas oo marar badan lala xidhiidhinayay kooxaha Juventus, PSG iyo Real Madrid.

KULAMADII XALAY LA CIYAARAY EE ENGLAND - FA CUP

Chelsea 2 - 0 Liverpool

13' Willian 1 - 0

64' Ross Barkley 2 - 0

Reading 1 - 2 Sheffield United

West Bromwich Albion 2 - 3 Newcastle United




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip