Siyaasi loo Maxkamadeynayo tacadi uu u geystay Dad ay Somali ku jiraan

0
Thursday February 13, 2020 - 18:46:49 in Wararka by
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi loo Maxkamadeynayo tacadi uu u geystay Dad ay Somali ku jiraan

    Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka Talyaaniga ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay u codeeyeen in xasaanada laga xayuubiyo hoggaamiyaha Midigta fog ahna Madaxa Xisbiga league Italy Matteo Salvini. Mas'uulkaan ayaa loo heystaa xilligii uu ahaa Wasii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka Talyaaniga ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay u codeeyeen in xasaanada laga xayuubiyo hoggaamiyaha Midigta fog ahna Madaxa Xisbiga league Italy Matteo Salvini. Mas'uulkaan ayaa loo heystaa xilligii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Talyaaniga eedeymo ay kamid yihiin Xarig Sharci darro ah iyo Afduub uu kula kacay dadka soo galootiga ah.

Sidoo kale Matteo Salvini ayaa mar soo noqdey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Talyaaniga,waxaana dacwad laga gudbiyey ay sheegeysay in uu tacadi kula kacay dadka soo galootiga ah ee ka yimid Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya.

Dhawaan ayaa la filayaa in Matteo Salvini Maxkamad la soo taago,isaga oo muteysan karo xarig 15 Sano ah,sida ay sheegeen xeel dheerayaal falanqeeya Arrimahaan oo kale.

Intii uu Xafiiska joogay hoggaamiyaha Midigta fog ahna Madaxa Xisbiga league Italy Matteo Salvini waxaa uu xoogaa saarey xakameynta dadka soo galootiga ah,waxaana eeda ugu weyn ay tahay in muddo Shan maalin ah uu Badda ku dhex haayey Markab ay saarnaayeen dad mujaahiriin ah sanadkii 2018.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip