Maxkamadda kaliya saddexdaas ma xukun, sidoo kalana waxey ganaax lacageed oo dhan 1,000 Dollar (Kun Dollar) iyo xukun xabsi laba sanadood ah ku riday Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo iyo Nabadoon Maxamud Adan Roble, marka laga tago labada masuul ee xaaladda lagama-maarmaanka ah lagu damiintay inta kale xabsiga ayey ku xiran yahiin.
Xukmanayaashaan ayaa lagu eedeeyay iney sameeyeen kicin dadweyne iyo aflagaado ka dhan ah madaxda Puntland.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa jooga Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxeyna ujeedadiisu tahay inuu odayaasha dhaqanka kala hadlo Cabashooyinka ay qabaan.
Muuse Cali iyo odayaal ku xirnaa Boosaaso oo la sii daayey kadib xaalad deg deg
Maamulka Puntland ayaa xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso kasii daayay siyaasiga Muuse Cali Jaamac iyo mid ka mid ah odayaashii la xirnaa sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo magaalo madaxda gobolka Bari. Sida laga soo xigtay m