Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay dalbatay dowladda Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb
Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay gelinkii dambe ee shalay gaareen degmadaas, iyadoo ciidamadan ay ka yimaadaan dhanka deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Ciidamada Itoobiyaanka ee gaaray Dhuusamareeb ayaa ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo gaaraya tobaneeyo, waxaana ay fariisimo ka sameysteen garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.
Waxaa durba soo baxaya shaki ku aadan in Ciidamada Itoobiyaanka oo aan qeyb ka aheyn howlgalka AMISOM loo adeegsado arrimo siyaasadeed, si la mid ah doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu u adeegsanayo Ciidamada Itoobiya arrimo siyaasadeed, isla markaana uu jecel yahay ciidanka Itoobiya inuu adeegsado.
"Ciidanka Itoobiyaanka ee la geeyay Dhuusamareeb waxay daliil cad u tahay sida uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu loogayo Ciidamada dal kale ogolaanshahihiisa inay ku qabsadaan magaalooyin Soomaaliyeed, Baydhabo oo sanadkii hore aheyd, Kismaayo oo la isku dayay in Kumaandoosta Itoobiya laga soo dejiyo, Gedo oo haatan u adeegsanayo iyo Dhuusamareeb oo aan baahi looga qabin Ciidamadaas lagu daabulayo"ayuu yiri Axmed Fiqi.
Shakiyo kala duwan ayay dadka ka qabaan imaanshaha Ciidamada Itoobiya ee magaalada Dhuusamareeb, iyadoo laga cabsi qabo in dano siyaasadeed loo isticmaalo, waxaana la xusuustaa sanad ka hor magaalada Baydhabo in Ciidamada Itoobiya ku lug lahaayeen dhacdooyinkii ka dhacay magaaladaas, sida doorashadii Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen iyo qalalaasihii ka dhashay xariggii Mukhtaar Roobow iyo is casilaadii Shariif Xasan.
Imaatinka Ciidamada Itoobiyaanka ee Dhuusamareeb ayaa ku soo aaday, iyadoo magaalada Addis Ababa uu ku sugan yahay Madaxweyne Farmaajo, waxaana Axadii la soo dhaafay Addis tagay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Itoobiya, waxaana isku soo aaday safaradan iyo imaanshaha Dhuusamareeb Ciidan Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka aheyn AMISOM.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay dalbatay dowladda Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb
Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay gelinkii dambe ee shalay gaareen degmadaas, iyadoo ciidamadan ay ka yimaadaan dhanka deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.