Xiddig Man United Ah Oo Iska Diiday In Kulan Lagu Maamuusayo Loo Qabto Isagoo Ka Baqaya Inaysan Cidna Imaaneynin

0
Thursday November 28, 2019 - 23:32:32 in Wararka by
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddig Man United Ah Oo Iska Diiday In Kulan Lagu Maamuusayo Loo Qabto Isagoo Ka Baqaya Inaysan Cidna Imaaneynin

    Isbuucii la soo dhaafay daafaca dhexe ee Manchester United Phil Jones ayaa saftay kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee xilli ciyaareedkan iyadoo United ay barbaro 3-3 la gashay Sheffield United. Waa xilli ciyaareedkii sagaalaad ee uu Jone

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbuucii la soo dhaafay daafaca dhexe ee Manchester United Phil Jones ayaa saftay kulankiisii ugu horeysay ee Premier League ee xilli ciyaareedkan iyadoo United ay barbaro 3-3 la gashay Sheffield United. Waa xilli ciyaareedkii sagaalaad ee uu Jones joogo kooxda, waxaana uu u saftay in ka badan 220 kulan laakiin Jones ma ahan xiddiga y jecel yihiin taageerayaasha United.



Sida ay sheegtay wargeyska The Athletic, Jones ayaa dooneynin inay kooxda u qabato kulan lagu maamuusayo madaama uu hoos u dhacay sumcadii uu ku dhex lahaa taageerayaasha.

Markii uu saxiixay qandaraaska cusub bishii Febraayo, waxaa heshiiska qeyb ka aheyd in kulan lagu maamuusayo loo qabto.

Si kastaba, Phil Jones ayaa iska diiday in kulan lagu maamuusayo waayihiisa ciyaareed loo qabto inkastoo qandaraaskiisa ay taasi ku jirto.

 
 

Bishii March, Jones oo ka hadlayay haddii Red Devils ay u qabato kulan lagu maamuusayo waayihiisa ciyaareed ayaa yiri: "Kaliya hooyadeey iyo aabaheey ayaa imaan lahaa.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip