Ciidamada Jabuuti Oo Isaga Baxay Degmo Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

0
Sunday September 22, 2019 - 11:45:42 in Wararka by
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Jabuuti Oo Isaga Baxay Degmo Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

    Wararka aan ka heleyno Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay isaga baxeen Saldhigyo Ciidan ay ku lahaayeen halkaas. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen Ciidanka Jabuuti oo wata ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka heleyno Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay isaga baxeen Saldhigyo Ciidan ay ku lahaayeen halkaas. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkayeen Ciidanka Jabuuti oo wata gaadiidka nooca dagaalka oo isaga baxaya Saldhigyadii ay ku lahaayeen Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in Saldhigyadii ay baneeyeen Ciidamada haatan ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka howlgala Hiiraan.Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmadaas ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Jabuuti ay gebi ahaan isaga baxeen Saldhigyadii deegaanka,isla markaana aysan ogeyn sababta ay u baxeen iyo halka ay u dhaqaaqeen Ciidamada. Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Jabuuti oo ay uga hadlayaan ka bixitaankooda Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,halkaas oo ay ku lahaayeen Saldhiypo Ciidan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip