Maamulka Gobolka benaadir oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadkii ku hanti beelay dabkii xalay

0
Tuesday February 16, 2016 - 19:39:20 in Wararka by
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka benaadir oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadkii ku hanti beelay dabkii xalay

    Dab xoogan oo dhaliyay qasaare hantiyadeed ayaa abaare 7:00pm fiidnimo ee xalay ka kacay Suuqa weyn ee degmada Wadajir, kaas oo ka dhashay sida la sheegay dab laga shiday mid ka mid ah baqaarada lagu iibiyo qalabka dhismaha, kaasi oo markii dambe dab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xoogan oo dhaliyay qasaare hantiyadeed ayaa abaare 7:00pm fiidnimo ee xalay ka kacay Suuqa weyn ee degmada Wadajir, kaas oo ka dhashay sida la sheegay dab laga shiday mid ka mid ah baqaarada lagu iibiyo qalabka dhismaha, kaasi oo markii dambe dabka uu si xoogan ugu faafay qeybo badan oo kamid ah suuqa

Howlaha dabdamiska ah ayaa waxaa ka qeyb qaatay Gaadidka dabdamiska ah ee Dowlada Hoose Xamar, Shirkada Hormuud, AMISSOM iyo dadweyna aad u tira badan, iyadoo Guddoomiyaha Gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo Saraakisha ciidmada qalabka sida ay bilaabeen iney badbaadiyaan hantida ku gubaneysa Suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasadda ee Degmada Wadajir Abuukar Sheekh Axmed Cadow ayaa sheegay in dabka uu ka kacay qeybta qalabka dhismaha ee Suuqa Wadajir, taasi oo keentay in uu ku faafo inta kale ee suuqa.

Agaasimaha Dab-damiska Dowladda Hoose ee Xamar Cabdulaahi Saney ayaa tilmaamay in dabkan ka kacay Suuqa weyn ee Degmada Wadajir uu yahay kii ugu weynaa ee sanadkan ka kacay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xusen Jimcaale oo halkaasi kahadlay waxa uu ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaliyed ee hanta dooda ku basbeyshay dabka ka kacay Suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Koox si gaar ah u tababaran oo dabdamis ah ayaa ka howl galayay halka uu dabka ka socday, waxaana ay dhiira gelin xoogan ka helayen dadweynaha ku sugnaa nawaaxiga uu dabka ka socday, kuwaasi oo markii dambe ku guuleystay inay dabka damiyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip