Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Ka Dhacay Degmada Awdheegle Ee Gobolka Sh/Hose

0
Wednesday August 14, 2019 - 20:14:37 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Ka Dhacay Degmada Awdheegle Ee Gobolka Sh/Hose

    Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaas oo lala eegtay saldhig ciidamada dowladdu ay kuleeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose. Qaraxaas waxaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaas oo lala eegtay saldhig ciidamada dowladdu ay kuleeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose. Qaraxaas waxaa xigay rasaas toos ah oo dhex martay debleydii weerarka soo qaadday iyo ciidamadii Milatariga ahaa ee u sugnaa saldhigga la weeraray,iyada oo daqiiqado kadib intii ay socotay rasaastana qarax labaad uu dhacay.

Saraakil ka tirsan dowladda oo ku sugan deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa u sheegay dalsan in qarxay gaari isla markaana ay ka hor tageen werar la damacsanaa xerada.

Warar hor dhac ah oo laga helayo khasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa sheegay in ay jirto waxyeelo soo gaartay ciidamadii ku sugnaa saldhiga oo dhawaan ay ka sameyteen Awdheegle sidoo kalana dadka ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Gacal Cabdalla Gacal oo ahaa muuqaal duube ka shaqeynayay Idacada codka ciidamada qalabka sida.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaan waxaana ay sheegeen in weerar ismiidaamin ah ay ku qaadeen saldhig milatariga Somalia ay ku leeyihiin Awdheegle kuna dilen tobaneeyo ka tirsan askartii ku sugneed halkaas sida ay hadalka u dhigeen.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip