Muwaadin Soomaali Oo Go'aansaday Inuu Wax Baro Carruurta Soomaalida Ee Qaxootiga Ku Ah Malaysia

0
Wednesday August 14, 2019 - 19:53:27 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Soomaali Oo Go'aansaday Inuu Wax Baro Carruurta Soomaalida Ee Qaxootiga Ku Ah Malaysia

    Maxamed Cali Buuwe waxa uu 3 sanno ka hor ka cararay dagaalladda iyo dilalka ka socda gudaha Somalia, waxa uu gaaray Xeebaha dalka Malaysia, isagoo rajo weyn ka qaba inuu Nolol cusub ka bilaabo halkaasi. Maxamed oo haatan 24-jir ah waa Aabe iyo Hogg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Cali Buuwe waxa uu 3 sanno ka hor ka cararay dagaalladda iyo dilalka ka socda gudaha Somalia, waxa uu gaaray Xeebaha dalka Malaysia, isagoo rajo weyn ka qaba inuu Nolol cusub ka bilaabo halkaasi. Maxamed oo haatan 24-jir ah waa Aabe iyo Hoggaamiyaha Jaalliyadda Qaxootiga Soomaalida ku nool caasimadda dalka Malaysia ee Kuwala Lambuur waxa uu sheegay in isaga Ka-qaxooti ahaan inay soo wajaheen caqabado ku adaan helitaanka shaqo iyo Tas-hiilaadka Tacliinta, iyadoo ay dhibaatadaasi u dheer tahay dhalashadda wiilkiisa. Maxamed Cali Buuwe oo si fiican ugu hadli kara Luqadda English-ka waxa uu Wareysi ku sheegay inay xilligan hardamayaan, balse u uisaga og yahay inay jiri doonto maalin aad u wanaagsan oo soo iftiimi doonta. "Nolosha wey adkaatay,mana ah mid sahlan dhamaanteeda. Laakiin, mar kasta waxaan ku shukriyaa Ilaahay, waayo Ka-qaxooti ahaan, waxaana xaqiiqsaday inay Mujtamaceenna ka samaysan yihiin dad heli kara xalinta dhibaatooyinkooda" ayuu yiri Maxamed Cali Buuwe oo la hadlay Warbaahinta FMT ee dalka Malaysia.

Waxa uu haatan maareeyaa Tacliinta iyo Dhaqdhaqaaqa Dhallinyarada Jaalliyadda Soomaalida, isagoo Agaasimaha Maaraynta ka ah Dugsiga Jaalliyadda Qaxootiga Soomaalida ee uu ka bilaabay Degmadda Gombak ee Gobalka Selangor ee dalkaasi.

Asaaska Dusgigaasi waxa uu Maxamed Cali Buuwe awooday inuu Waxbarasho siiyo ku-dhawaad 100 Arday Soomaali ah, iyadoo dhanka kale ay Ku-dhawaad 200 oo Carruur Qaxooti Soomaali oo ku nool dalka Malaysia weli haysanin wax Waxbarasha,

Dugsiyadda kale ee ku yaallaa Deegaankaasi waxaa xadidan Tirada Carruurta la qaadanayo, waxayna taasi la micno tahay inay jiraan Arday badan oo Soomaali ah oo ku qoran Liiska Sugitaanka ee Dusgiyadda.

Tiradda Guud ee Qaxootiga Soomaalida ku nool dalka Malaysia waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 3,000 oo qof, kuwaasi oo dhamaantooda ah Magangelyo-doon sugaya inay Dib-u-dejin ka helaan Waddan 3-aad oo ka mid ah dalalka Reer Galbeedka ee soo dhaweeya Qaxootig iyo Muhaajiriinta ka soo cararay dalalkooda hooyo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip