Al-Shabaab oo markale looga adkaaday dagaal rogaal celis ah oo ay kusoo qaadeen Aw-dheegle

0
Wednesday August 14, 2019 - 18:54:52 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo markale looga adkaaday dagaal rogaal celis ah oo ay kusoo qaadeen Aw-dheegle

    Maanta kooxda al-Shabaab ayaa weerar rogaal celis ah kusoo qaaday deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Kooxda ayaa laba baabuur oo walxo qarxa laga soo buuxiyay kusoo weerartay bar koontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soom

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta kooxda al-Shabaab ayaa weerar rogaal celis ah kusoo qaaday deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Kooxda ayaa laba baabuur oo walxo qarxa laga soo buuxiyay kusoo weerartay bar koontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Qaraxyadan ayaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, waxaana lala beegsaday kontoroollada ciidanka ee Awdheegle, iyadoo sidookalana halkaas laga soo wariyey dagaal toos ah oo labada dhinac dhexmaray. Taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in meydad ay ka carareen kooxda weerarka soo qaadday ay haatan yaallaan Aw-dheegle sidoo kalena ay jiraan kuwo kale oo ay ciidamadu gacanta ku dhigeen iyaga oo nool. Sida ay ku warrantay VOA ugu yaraan saddex ka tirsan ciidamada dawladda iyo suxufi u shaqaynayey idaacadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarkaas laba kalena ay ku dhaawacmeen. Ciidamada dowladda ayaa haatan gacanta ku haya Awdheegle. Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay si xoog ah ay kooxda al-Shbaab uga faramaroojiyeen deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo 70 km dhanka koofur kaga beegan caasimadda Muqdisho.

Al-Shabaab oo markale looga adkaaday dagaal rogaal celis ah oo ay kusoo qaadeen Aw-dheegle




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip