Dhageyso:-Korneyl Caare oo ka hadlay wada-hadallada uu kula jiro Somaliland

0
Wednesday August 14, 2019 - 13:20:03 in Wararka by
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Korneyl Caare oo ka hadlay wada-hadallada uu kula jiro Somaliland

    Korneyl Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano (Caare) horayna uga mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland,hayeeshee xilligaan dagaal kula jiro ayaa ka hadlay dhex dhexaadin maalmihii la soo dhaafay laga dhex waday isaga iyo Soomaaliland. Korneelk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Korneyl Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano (Caare) horayna uga mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland,hayeeshee xilligaan dagaal kula jiro ayaa ka hadlay dhex dhexaadin maalmihii la soo dhaafay laga dhex waday isaga iyo Soomaaliland. Korneelka oo hoggaamiyo Jabhad la magac baxday Dulmi Diid ayaa sheegay in wadahadallada intooda badan guul laga gaarin,isla markaana la isla gartay ilaa saddex qodob oo saldhig u noqonaya in xabada la joojiyo.

Qodobada ayuu ku sheegay inay kala yihiin in marka hore Xabada la joojiyo in nabad la raadiyo intaasi kadibna uu bilaawdo wadahadal toos ah oo u dhaxeeya Soomaaliland iyo Jabhadda korneyl Caarre.

Hadalkaan kasoo yeeray Korneyl Siciid Cawil Jaamac oo loo yaqaano (Caare) oo madax ka ah jabhad hubeysan oo dagaal kula jirta Soomaaliland ayaa kusoo aadeysa xilli maalmihii la soo dhaafay ay u kala dab qaadayeen isaga iyo Soomaaliland waxgarad kasoo jeeda Gobolka Sanaag.

x



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip