Qarax Ismiidaamin ah oo Goor Dhow ka Dhacay Awdheegle

0
Wednesday August 14, 2019 - 11:34:30 in Wararka by
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Ismiidaamin ah oo Goor Dhow ka Dhacay Awdheegle

    Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay gudaha degamada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu watay ruux naftii haliga ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay gudaha degamada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo uu watay ruux naftii haliga ah, kaas oo lala beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa kadib uu xigay weerar toos ah oo ay soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Sida ay soo sheegayaan ilo deegaanka ah waxaa hadda socda dagaal u dhexeeya ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo raggii weerarka soo qaaday.

Ma cadda weli inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada dowladda ay kala wareegeen Al-Shabaab degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

wixii warar dheeri ah kala socda Wararkeenadanmbe ee  Wabkeena MOGTIMES.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip