Deg Deg: Shaqaalo Shirkad Dhismo Turkey-gu leeyahay ka Howlgala oo lagu weeraray Muqdisho
Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay mid kalana waa uu ku dhaawacmay kadib weerar tacshiirad ah oo ay kooxo hubeysan huwiyeen gari yar oo ay la socdeen dhibanayaashaasi. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qofka dhintay oo dhalasho ahaan ka
soo jeeda dalkaan Soomaaliya uu la shaqeynayay Shirkad dhismaha ka
shaqeyso oo Turkey-ga ay leeyihiin.
Dableyda dilka geysatay ayaa durba goobta isaga baxsaday iyadoona Ciidamo kuwa ammaanka ah ay goobta soo gaareen.
Waxa uu ka dhacay Weerarka Xaafadda Buuloxubeey ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Weerarkaan ayaa waxaa shabakadda Warbahinta Shabelle u xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga iyo siyaasadda Maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir
xigasho:-shabellenews.com
Deg Deg: Shaqaalo Shirkad Dhismo Turkey-gu leeyahay ka Howlgala oo lagu weeraray Muqdisho
Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay mid kalana waa uu ku dhaawacmay kadib weerar tacshiirad ah oo ay kooxo hubeysan huwiyeen gari yar oo ay la socdeen dhibanayaashaasi.