Ra'iisul Wasaaraha oo ka hadlay dilkii Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga

0
Monday February 15, 2016 - 19:05:55 in Wararka by
  • Visits: 625
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha oo ka hadlay dilkii Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareyey dilkii maanta magaaladda Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Marxuum Muxyadiin Maxmaed Xaaji Ibraahim oo ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dawladdii KMG a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa cambaareyey dilkii maanta magaaladda Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Marxuum Muxyadiin Maxmaed Xaaji Ibraahim oo ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dawladdii KMG ahayd.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray eheladdii , Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriday Allaah naxariistee Marxuum Muxyadiin Maxamed Xaaji, ” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, Alaah naxariisto Jannadii Fardowsana Alaah haka waraabiyo Marxuum Muxyadiin Maxamed Xaaji, sabar iyo iimaan Alaah ha siiyo Ehaladdii iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

"Waxa uu ahaa nin howl¬kar ah oo wax badan u soo qabtay Dowladda Soomaaliyeed, Dowladahii KMG ahaa iyo umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin Dowladnimadda aad u jecel,mana hilmaami doono taariikhda ayaa xusi doonto”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba, wuxuunna ugu baaqay ciidamadda ammaanka in sida uga dhaqsaha badan war uga keenaan kooxaha dilka geystay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip