Al-Shabaab oo sheegay inay duqeyn la beegsadeen garoonka diyaaradaha Kismaayo

0
Monday February 15, 2016 - 10:23:06 in Wararka by
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo sheegay inay duqeyn la beegsadeen garoonka diyaaradaha Kismaayo

    Al-Shabaab ayaa sheegatay in duqeyn la beegsadeen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose. Sida ay sheegayaan warar tiro madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha Kismaayo, inkastoo aan si dhab a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-Shabaab ayaa sheegatay in duqeyn la beegsadeen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose. Sida ay sheegayaan warar tiro madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha Kismaayo, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in tobaneeyo madaafiic ku garaaceen garoonka diyaaradaha KIsmaayo, ayna qaarkood gudaha ugu dhaceen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in garoonka diyaaradaha Kismaayo ay ka haadaan Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones loo yaqaano.

Sidoo kale garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa waxaa saldhig ku leh Ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya, waxaana garoonka yahay mid si weyn ammaankiisa loo ilaaliyo.

Warar ay kol hore qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Mareykanka ayaa qiray in garoonka diyaaradaha Kismaayo ay saldhig qarsoodi ah ku leeyihiin diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones, kuwaasoo sanadihii u dambeeyay fuliyay weeraro ka dhan ah Hogaamiyeyaasha Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland iyo Taliska AMISOM oo ku aadan sheegashada Al-Shabaab ee ah inay duqeeyeen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip