
SAWIRO:-Wasiir Goodax oo saxiixay mashruuca horumarinta Waxbarashada
			Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait), oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay'adda ADRA iyo Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ka hadlay mashruucan ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed, waxaana mashruucan laga fulin doonaa dhammaan Gobolada Dalka oo idil, si looga wada faa'iideysto.
"Waxaan Maanta daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait) oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay'adda ADRA iyo Wasaaradda Waxbarashada,hiddaha iyo tacliinta sare"ayuu yiri mudane; Goodax.
Waxaa daah-furka mashruucan goobjoog ka ahaa xubno ka socda hay'adaha USAID, EU, ECW secretarial, UNICEF iyo ADRA, iyagoo si wada jir ah u soo dhoweeyay yididiila wanaagsanna ka muujiyay.                        
	
                  
    
        
  


 
                
      

 0
                0            






 
                               
                               
                               Facebook
Facebook Twitter
Twitter Youtube
Youtube Google+
Google+ RSS Feed
RSS Feed
SAWIRO:-Wasiir Goodax oo saxiixay mashruuca horumarinta Waxbarashada
Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait), oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay&