Maxaa looga hadlay Shirka Horumarinta Muqdisho?
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) waxa uu daah-furay shirka wadatashiga ee qorshaha horumarinta gobolka Banaadir iyo dowlada hoose Xamar waxaana madasha uu shirkani ka dhacayay goob joog ka ahaay wasiiro katirsan Dowlada Soomaaliya, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xukuumada Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir iyo xog'hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkani oo dhowr sac kaa qaatay ayaa madaxdii ka qeyb gashay waxa ay aragti kala duwan kaga doodeen qorshayaasha kala duwan oo ay dowlada hoose Xamar u diyaarisay in lagu horumariyo caasimadda Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya sanadaha dhow ee soo socda iyo sida ku haboon dhaqangalinta qorshahani madaama hadafku yahay in magaalada Muqdisho ay soo ceshato maqaabkii iyo burjigii ay caalamka ku laheyd iyo in magaaladu la tartanto magaalooyinka dhigeeda ah.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa gabagabada shirkani si guud ugu warbixiyay shirka qorshaha horumarinta gobolka Banaadir iyo dowlada hoose Xamar
Maxaa looga hadlay Shirka Horumarinta Muqdisho?
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) waxa uu daah-furay shirka wadatashiga ee qorshaha horumarinta gobolka Banaadir iyo dowlada hoose Xamar waxaana madasha uu shirkani ka dhacaya