Gaadiid Ay Lahaayeen Diplomaasiyiin Oo Lagu Gubay Giriigga

0
Tuesday June 11, 2019 - 10:55:16 in Wararka by
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadiid Ay Lahaayeen Diplomaasiyiin Oo Lagu Gubay Giriigga

    Labo gaari oo lahaa Taarikadda Diplomaasiyiinta Safaaradda Turkiga ku leeyihiin dalka Giriigga ayaa la sheegay in Waaberigii hore ee saakayto lagu gubay magaalladda Thessaloniki ee dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo gaari oo lahaa Taarikadda Diplomaasiyiinta Safaaradda Turkiga ku leeyihiin dalka Giriigga ayaa la sheegay in Waaberigii hore ee saakayto lagu gubay magaalladda Thessaloniki ee dalkaasi.

Wargeyska lagu magacaabo The Naftemporiki ayaa qoray in Kooxo aan la aqoonsani ay dab qabadsiiyeen gaari uu lahaa Qareen Turkish ah saqdii dhexe ee xalay, iyadoo uu gaarigaas gebi ahaanba uu gubtay.

Sidoo kale, 2 gaari oo ay dadka deriska lahaayeen ayaa iyagana khasaaro soo gaaray.

Waregyska waxa kale oo u uqoray in toban daqiiqo kadib shilkaasi waxaa mar kale dab la qabadsiiyey Gaari watay Taarigadda Diplomaasiyiinta Turkish-ka. Kaasi oo gebi ahaantiisa wada gubtay.

Labo gaari oo iyagana yaallay barxada ayaa waxa soo gaaray khasaaro ka dhashay dabka la qabadsiiyey Gaariga Safaaradda Turkishka.

Warar ayaa sheegay in mid ka mid ah gawaarida la gubay laga lahaa Qunsulliyadda Turkishka ku lahayd maagalladda Thessaloniki , halka midka kalena uu lahaa Muwaadin Turkish oo u shaqeeya Hay’ad Maaliyadeed oo Caalami ah oo xarunteeda ku taallo isla magaalladdaasi.

Dhinaca kale, Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dhacdooyinkaasi, balse, Ciiddanka Ammaanka Qaranka ee dalka Giriigga waxay bilaabeen baaritaano ku aadan arrinkaasi.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyadoo Dowladaha Turkiga iyo Giriigga uu ka dhexeeyo lahaanshaha xuquuqda ee qeybo ka mid ah badda Ajiyan iyo Bariga Badda Meditereniyaanka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip