Xog Caddayn Buuxda U Ah Horumar La'aanta Man United

0
Wednesday June 05, 2019 - 19:49:38 in Wararka by
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Caddayn Buuxda U Ah Horumar La'aanta Man United

    Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhawaan ku hanjabay inuu isbedel weyn ku samayn doono safka kooxdiisa Manchester United taas ayaana ah waxa saxda ah ee ay tahay inuu sameeyo kaddib xilli ciyaareed aad u xun oo qalbi jab leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhawaan ku hanjabay inuu isbedel weyn ku samayn doono safka kooxdiisa Manchester United taas ayaana ah waxa saxda ah ee ay tahay inuu sameeyo kaddib xilli ciyaareed aad u xun oo qalbi jab leh.

Man United ayaa booska lixaad kaga dhammaysatay miiska kala sarreynta ee Premier League iyada oo gabi

ahaanba koob la’aan baxday kaddib markii sidoo kale laga reebay tartamada Champions League, FA Cup iyo Carabao Cup.

Qaar kamida xiddigaha Man United ayaa qaab ciyaareed hoose soo bandhigay xilli ciyaareedkan iyaga oo soo muujiyay sida aysan ugu filnayn inay matalaan koox sida Manchester oo kale ah.

Xiddigahaas ayay kamid yihiin Chris Smalling, Phil Jones, Romelu Lukaku, Ashley Young iyo Alexis Sanchez oo dhammaantood wajahaya hubaanti la’aan mustaqbalkooda ah.

Red Devils ayaa xilli ciyaareedyadii dhawaa u muuqday kuwo horumar la’aan ah waxaana haatan la helay xog muujisay sababta keentay hor usocod la’aanta kooxdan.

Xogtaas ayaa ah in wali Man United ay joogaan 18 ciyaartoy oo kamid ah safkii kooxda ee sanadkii 2015 (Afar sano kahor) waana sabab muujinaysa sida aysan Man United ugu soo fiicnayn is cusboonaysiinta kubadda cagta casriga ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip