Dhacdo naxdin badan oo ka dhacday Hargeysa

0
Wednesday May 15, 2019 - 19:38:23 in Wararka by
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo naxdin badan oo ka dhacday Hargeysa

    Wararka naga soo gaaraya Xaafadda October ee Magaalada Hargaysa ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta ay ka dhacday dhacdo argagax leh kadib markii ilmo yar Suuliga lagu riday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda October ee Magaalada Hargaysa ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta ay ka dhacday dhacdo argagax leh kadib markii ilmo yar Suuliga lagu riday.

Xaafadda amuurtaan ay ka dhacday dadka degan waxa ay sheegeen in haweenay ay waydiisatay inay musqusha gasho loona ogolaaday balse qof kale oo Suuliga markii haweenaydaasi ka soo baxday galay uu maqlay oohinta ilmaha yar, loogana shakisan yahay Haweenaydii Suuliga ka baxday inay ku riday ilmahaasi yar.

Ciidamada dab damiska Somaliland ayaa ku guuleystay ilmahaasi yar Suuliga in laga soo saaro, waxaana la geeyay isbitaalka wayn ee Hargaysa.

Ciidanka Booliska waxa ay sheegeen in ay ku daba jiraan haweyndii geysatay falkaan naxdinta badan, islamarkaana ay qaadi doonaan tilaabo hadii ay gacanta ku dhiggaan.

Dhacdadaan ayaa dadka kunool Magaalaa Hargeysa ku abuurtay Argagax iyo naxdin badan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip