Siyaasiyiinta Danleyda ah ee aan iimaanka lahayn, wax kastaa ka suurooba=Nasashada Jimcaha.Q-145aad=

0
Friday April 26, 2019 - 21:43:50 in Wararka by
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiinta Danleyda ah ee aan iimaanka lahayn, wax kastaa ka suurooba=Nasashada Jimcaha.Q-145aad=

    1-Macallin ayaa Ardaydiisii weeydiiyay, Dawacadu ma Ilmo ayey dhashaa mise Ukun? Ardaygii ayaa ku jawaabay. Macallin Dawacadu waa Caqlileey wax kastaana ka suuraabo. ( F.S: 1aad) (Siyaasiyiinta Danleyda ah ee aan iimaanka lahayn, wax kastaa ka suuro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Macallin ayaa Ardaydiisii weeydiiyay, Dawacadu ma Ilmo ayey dhashaa mise Ukun? Ardaygii ayaa ku jawaabay. Macallin Dawacadu waa Caqlileey wax kastaana ka suuraabo. ( F.S: 1aad) (Siyaasiyiinta Danleyda ah ee aan iimaanka lahayn, wax kastaa ka suurooba). 2- koo Mooryaan ah ayaa waxa uu ag degenaa Isgool ey dhigtaan gabdho badan oo qurxan, laakin waardiyaha isgoolka ayaan u ogoleeyn in uu gudaha soo galo.

Maalintii dambe ayuu Haweeney waayeel ah soo Af duubtay,waxa uuna keenay Isgoolkii gabdhaha. Macallimiintii ayuu ku yiri: war qoodhiin iyo xeradiin, rag waa kii wax is dhaafsadee, Mini- Buskaan NOHADA ah iigu bedela Dhowr Bajaaj. ( F.S: 2 & 3aad)

(Ar Soomaaliya wax aan la isku bedeli Karin, maxaa la isku bedelay)



3- Wiil ayaa Macallinkii Isgoolka ka soo maqlay, Dadka waaweyn waxa ey wada leeyihiin sir u qarsan oo eynan cidna la wadaagin, haddii laga ogaadana , waa lagu handadi karaa,laguna baadi karaa.
Wiilkii ayaa ku fekeriayay, sidee ku ogaataa. Weyna u suura gali weeyday. Maalintii dambe ayuu Hooyadii ku yiri: Hooyo sirtaada gaarga ah oo dhan waan la socdaa. Hooyadii oo run u maleysay ayaa ku tiri: Wiilkeygoow Aabe ha u sheegin, qaadana $ 50. Kadibna Aabihii ayuu u tagay, kuna yiri: Aabe sirtaada gaarka ah waan hayaa. Aabihii oo run u maleeyay ayaa siiyay $100 kuna yiri: Hooyo ha u sheegin.
Wiilkii ayaa waxaa wadada uga hor yimid, dhakhtar xaafdda farmashiye ku lahaa, oo uu aad u necbaa markii uu xanuunsadana Cirbad ku duri jiray. Waxa uu ku yiri: Datoore, Sirtaada gaarka ah waan hayaa waxba kuuma qarsano. Dhakhtarkii ayaa Allaabtii uu siday dhulka iska dhigay, wiilkiina labada gacmood ku salaamay, korna u qaaday kuna yiri: waa Alla mahaddii haddii aad maanta ogaatay Aabahaaga Runta ah. ( F.S: 4aad)
(Sirta dhax taal Xafiisyada Soomaalida, Alla kuma wada ogeeysiiyo)
4- Nin aad u cayilnaa oo 100kg ahaa ayaa TV-ga ka arkay xayeeysiin ah, nala soo xirrir, si Usbuuciiba 10kg kaaga dhacdo. Waa la xiriiray. Subaxdii ayuu is diyaariyay, waxaa taagan ilinka Gurigiisa Gabar aad u qurux badan oo wadato dhar khafiif ah, waxaa ey wadataa Tabeele ey ku qoran tahay Haddii aad i soo qabato adigaa i leh. Waxa uu eryanaya 10km, waana gaari waayay. Waxaana ka dhacaday 10kg oo culeeys ah Usbuucii koowaad.
Usbuucii Labaad ayaa waxaa u timid Gabar tii hore ka qurxan, Jirkeeduna meela badan ka qaawan yahay, Todobo cisho ayuu eryanay waana gaari waayay. Waxaana ka dhacay culeeyskiisii 20kg. waxaa uu noqday 70kg oo kaliya, waxa uu ku fekerayay in Usbuucan Saddexaad uu soo qaban doono gabadha loo soo diro.
Iridii ayuu furay, waxaa hor taagay, Nin Murqa waaweyn, oo "Six bag ah”, waxa uu wataa Tabeele ey ku qoran tahay haddaad i soo qabato, Annigaa ku leh Adiga, Odaygii Naxdin, Gurigii ayuu gadaal ugu cararay iridiina waa soo xirtay. ( F.S: 5 & 6aad)
(Mas’uulow, Taasi waa Aduunyo, intaad is leedayahay Gabdhahan yar yar, Dollar iyo Dhaldhalaalka Aduunyo sii Ereryo "burso”, yeeyna aduunyo adiga ku bursan)
5- Hooyo "Single mother” ah iyo wiilkeeda yar ayaa wada degenaa guri Laba Qol ka kooban. Subaxdii marka uu Isgoolka aadayo iyada oo qaboow xun jiro, ayuu maalin kasta arkaa Hooyo oo weli Sariirtii jiifto oo go’ isku duuduubtay , oo leh: Ilaahayoow Nin ii sahal.
Maalintii dambe ayuu arkay Hooyo oo Nin la jiifo. Isgoolkii ma aadine, qolkiisii ayuu ku cararay, go’ayuuna isku duuduubay, markaa ayuu yiri: Allahayoow Anna ii sahal "Mobile Apple” ah.
(War Aaboow, cidda ha kala dirin, adiguna gooni ha u duceysan)
6-Nin naagtiisu aad u dhibtay ayaa Labadooda oo habeen wada socdo, waxa uu ku yiri: Ma kala taqaan Jaceylka iyo guurka? Waxa ey ku tiri: Maya ee Adigu ii sheeg.
Waxa uu ku yiri: Jaceylku waa sida Xiddigahaa Quruxda badan ee Cirka ku hardhan, Guurkuna waa anniga oo daawanayo Xiddigahaa Quruxda badan, oo Bohoshaan( gudkaan ) aan dhibsaday aan ku dhacay. ( F.S: 7aad)
( Adiga oo ka fikirayo Dowlado qurxoon, weli Dowlad Bohol ma ku dhacday?)

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip