Gabadh ina adeerkeed Kelli u bixisay iyo Jeceyl ka dhashay

0
Wednesday February 20, 2019 - 22:47:32 in Wararka by
  • Visits: 1050
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh ina adeerkeed Kelli u bixisay iyo Jeceyl ka dhashay

    Abwaan Cawaale Ismaaciil Saleebaan oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa gabay ku cabbiray sheeko jacayl oo nooceeda oo kale ay ku yartahay bulshada Soomaalida. Gabaygan oo uu ugu magac daray "naf jacayl maloo huray" ayuu abwaanku kaga warr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Cawaale Ismaaciil Saleebaan oo ku nool magaalada Hargeysa ayaa gabay ku cabbiray sheeko jacayl oo nooceeda oo kale ay ku yartahay bulshada Soomaalida. Gabaygan oo uu ugu magac daray "naf jacayl maloo huray" ayuu abwaanku kaga warramayaa sida ay u soo jiidatay sheekada gabadh ina adeerkeed ugu deeqday killideeda, kaddibna taas ay sababtay inay is jeclaadaan ayna is guursadaan. Wiilka iyo gabadha ayaa waxay ahayeen ilma adeer, mana jirin xirriir horay uga dhaxeeyey ama damac guur oo ka horreeyey ka hor inta aan dhakhtarka loo qaadin wiilka.

Abwaan Cawaale IsmaaciilLahaanshaha sawirkaCAWAALE ISMAACIILImage captionAbwaan Cawaale Ismaaciil

Ka dib ayaa wiilka Isbataal loo qaaday, waxayna dhakhaatiirta sheegeen in loo baahanyahay qof kelli ugu deeqa wiilka xanuunsan, ilaa lix qof oo ka mid ah qoyskiisa ayaa isku dayey inay killiyahooda mid ka mid ah ku badbaadiyaan, balse sababo lala xirriiriyey dhanka islahaanshaha dhiigooda darteed ma aysan suuragelin.

Abwaan Gorgor oo curriyay gabay ku saabsan maahmaahyada Afsoomaaliga

Xaaska ay hadda wada joogan ayaa noqotay qofka looga saaray killida, waxayna u hurtay mid ka mid ah kelliyaheeda si uu u sii noolaado, naxariista walaalnnimo ee ay samaysay gabadhan ayaa abuurtay jacayl mira dhalay oo ay ku noqdeen lammaane.

Abwaan Cawaale aqoon kale uma uusan lahayn lammaanahan, balse warkooda waxaa uu kala socday baraha bulshada oo aad looga hadal-hayay, kaddib markii uu maansadan sameeyey ayaa waxa uu la sheekaystay wiilka ay dhacdadani qusayso, " markii aan wada sheekaysannay waxa uu ii sheegay inuu xilligaas uu naf ka quustay iyadoo markaas tirada dadka ku deeqayey kilida ay marayso lix qof, gabadhan oo lagu magacaabo Sagal ilma adeerada yihiin ayaa go'aansatay inay killideeda ugu deeqdo, kaddib wiilka ayaa waxa uu ka fikiray sidii uu ugu mahadcelin lahaa gabadha, waxa uuna go'aansaday inuu naftiisa la qaybsado, madaama ay laba killiyood oo kaliye ay ku wada noolyihiin, markii aan sheekada maqlay waxaan is iri haddii aysan dadkani Soomaali ahaan lahayn qisadooda buugaag ayaa laga qori lahaa ama filimaan ayaa laga samayn lahaa, markaas ayaan go'aansaday inaan gabay ka samayn karo oo aan taariikhayn karo."

  1. Filim Jaceyl ah oo ay jilayaan wiil uu Imaam Soomaali ah dhalay iyo gabadh uu baadari dhalay
  2. Sheekadan jacaylka een caadiga ahayn maxaa hawada Hindiya looga saaray
  3. Warbixin ka hadlaysa farxadda oo la soo saaray

Maansada uu abwaanka ka sameeyey sheekadan ayaa waxa lagu soo bandhigay magaalada Hargaysa, xarun lagu martiqaaday 29 lammaane, boqolaal kale oo wiilal iyo gabdho ah.

XIGASHO BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip