Wax sheeg sheeg ma rabo.

0
Monday November 16, 2015 - 22:00:38 in Maqaallo by
  • Visits: 1256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax sheeg sheeg ma rabo.

    Hotelada ha ka bixin,VIP-da uun fadhi! Bajadka safarkaaguna kan wasaaraddaada ha ka bato! Tiimbiraha boorsada ku wado!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hotelada ha ka bixin,VIP-da uun fadhi! Bajadka safarkaaguna kan wasaaraddaada ha ka bato! Tiimbiraha boorsada ku wado! Yurub u safar ee Toban soo kaxey ee Sedax uun dib ula naqo, todobana ha kaa dhunto!

Maamulaha xafiiskana lixdii bilba ha la bedelo!
Ka dibna Dawlad wanaag isaga hees!

Siyaasad in aan ka hadlana ma jecli!

image

Aroos mase Aasid?

Gabadhaada wiil u doon, hooyadiisna kala tasho, ayadoo warmoogane aqalka ugu soo geli! Ee mugaas u alalaas! Anfariir daraadiis habeenkaasba yay nasan!


Ileen waa miskiintaas maska loogu loogee!
Cabashana ha buu qirin!
Farxad goobta kama dhicin!
Fiira dheer ayaa taal iyo foojignaan badan!
Ileen ayadu dood ma leh ee waa adeegtee, ilmay uun dhalaysaa!
Ilma ay u weyntahay, adoon ay u sii tahay!
70 sana ka dib habeen farax leh may arag!
Nolol duug miyaa mase waa hawl ka sii daran!
Wejigaan madoobow goormaad ifaysaa?
Sariirtii nafteedee saxansaxa xataa ma leh!
Wadaag sheeka ma leh!
Dhunkashaya {istiin} ma leh!
Tabaheed danaynee iyo tixgelinba maleh!
Tacsi maa la joogaa!
Aroos maaha meeshuye!
Maxaa kula gudboon ma leh!
Maxaad jimatay maleh!
Maxaad door bidee ma leh!
Muluqdaas maxaa helay!
Ma mutaysan masaskee maxaa loo bah dilayaa?
Maxaa loo tirtirayaa?
Maxay bi’isay ubaxaas?
Takoorkaan muxuu yahay?
Maxay damacday hooyadu?
Ma maal bay rabtaayoo Meeshaas xun kala dhacay?
Masa waa aqoon la’o?
Waxna reebi maysoo waa beloo dhan habarteed!
Wayla durugtay xaajadu ee waa soo afjarayaa ee gabdhaha badbaadiya!

Qalinkii Xundubeey



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip