
Cali Maxamed Geedi oo sheegay inaanan loo dul qaadan karin dilalka Xildhibaanada (SAWIRRO)
Waxa uu sheegay Prof.Cali Maxamed Geeddi Xukuummadda Soomaaliya in laga doonaayo qorshe cad oo lagu xaqiijinaayo ammaanka Xildhibaannada, sidoo kalena lagu daba galaayo dadka ka dambeeyo dilalka loo geysto Xildhibaannada.
Marxuum Maxamed Axmed Gurxan, ayaa shalay waxaa lagu Aasay Khabuuraha Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, waxaana Aaskiisa ka qayb galay, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar, Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.
Raggii dilay Xildhibaan Gurxan ayaa tiradooda lagu sheegay saddex ruux ninka Baabuurka waday iyo labo nin kale oo Baabuurka saarneyd, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, xilligan waxaa haysta walaac ku aaddan amnigooda, maadaama ay sii kordhayaan dilalka qorsheysan ee lala beegsanaayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa xilli waliba oo dil Xildhibaan uu dhaco waxa ay sheegtaa in la baarayo dilkaasi, hayeeshe waxaa iska yar cidda loo soo qabto dilalka Xildhibaannada.


0 







Cali Maxamed Geedi oo sheegay inaanan loo dul qaadan karin dilalka Xildhibaanada (SAWIRRO)
Iyadoo xalay fiidkii uu u geeriyooday Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen rag hubaysan oo ka tirsan Shabaab, ayaa Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somaliya Cali Maxamed Geedi, wuxuu si kulul uga hadlay dilalka Xi