
Mareykanka oo si weyn u adkeynaya ammaanka Garoomada Diyaaradaha
"Waxaa suuro gala in ISIS ay istuseen in habka ugu wanaagsan ee loo
jebin karo xayndaabyada difaaca ee garoomada diyaaraduhu inay tahay in
gudaha loo galo iyada oo taageero laga helayo cid ka shaqaysa.
Haddii ay taasi dhacdona, ugu yaraan garoomo badan oo gobolka ku yaalla ayaa jira oo ay dhici karto inay leeyihiin goldaloolooyin wiiqi kara ammaanka” ayuu yiri Adam Schiff.
Mareykanka ayaa hada qaadaya tallaabooyin la xiriira adkeynta ammaanka Garoomada uu maamulo Mareykanka, iyadoo walaac badan laga muujinaayo ammaanka Diyaaradaha.
Adam Schiff, ayaa sheegaya Duulimaadyada caalamiga ee Yurub iyo Ameerika inay suuragal tahay Qatar dhanka ammaanka ah inay soo food saarto.
Ilaa hada waxaa socda Baaritaan la xiriira wararka sheegaya Diyaaradii ku dhacday dalka Masar in uu saarnaa Bam, inkastoo dalalka UK iyo Ruushka ay joojiyeen duulimaadyadii dalka Masar kaga imaanayay.


0 


Mareykanka oo si weyn u adkeynaya ammaanka Garoomada Diyaaradaha
Mareykanka ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka Garoomada dalkaasi iyo la socodka dhanka ammaanka Diyaaradaha Mareykanka, kadib markii ay soo baxeen warar sheegayaa Diyaaradii ku dhacday dalka Masar inay saarneyd Bam, sidaasina ay ku qaraxday Diyaarada.