Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray weerar shalay

0
Sunday November 08, 2015 - 09:19:42 in Wararka by
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray weerar shalay

    Allaha u naxariistee waxaa u geeriyooday dhaawacyo soo gaaray maanta Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kaasoo saaka ay kooxo hubeysan ku weerareen degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariistee waxaa u geeriyooday dhaawacyo soo gaaray maanta Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kaasoo saaka ay kooxo hubeysan ku weerareen degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.

Marxuumkan ayaa ka tirsanaa Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Baarlamanaka waxa uuna ahaa Xoghayaha Guud ee Guddigaasi.

Dabley hubeysan oo gaari wadatay ayaa saaka barqadii ku toogatay agagaarka Bacadlihii hore ee Xamar weyne, xilli uu ku sii jeeday xarunta golaha shacabka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay falka Xildhibaanka lagu weeraray.

Al-Shabaab ayaa goor sii horeysay sheegatay inay ka dambeysay weerarka, mana jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka.

Waa xildhibaankii shanaad oo sanadkan gudihiis lagu dilo magaalada Muqdisho, todobaadkii hore ayay aheyd markii Xildhibaan Abtidoon lagu dilay weerarkii Hotel Saxafi.

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan ayaa noqonaya xildhibaankii shanaad oo sanadkan gudihiis la dilo

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan ayaa noqonaya xildhibaankii shanaad oo sanadkan gudihiis la dilo

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip