Xoghaya guud ee Olombikada Somaliyeed oo lagu soo dhaweeyay dalka Mareykanka "Sawirro"

0
Tuesday November 03, 2015 - 11:07:46 in Sports News by
  • Visits: 1085
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghaya guud ee Olombikada Somaliyeed oo lagu soo dhaweeyay dalka Mareykanka "Sawirro"

    Bahda Sports-ka iyo Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa si weyn u soo dhaweeyey Xoghayaha Guud ee Olymbic kada Muddane Duraan Axmed Faarax oo howlo shaqo ku tegay magaalada Washington ee Caariga Maraykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bahda Sports-ka iyo Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa si weyn u soo dhaweeyey Xoghayaha Guud ee Olymbic kada Muddane Duraan Axmed Faarax oo howlo shaqo ku tegay magaalada Washington ee Caariga Maraykanka. Xoghayaha ayaa uga horeyn ka warbixiyey ujeedada Socdaalkiisa ee dalka Maraykanka, isagoo ka sheekeeyay horumarka Sports ee dalka Soomaaliya uu ku tilaabsanayo wuxuuna si weyn u dhiiri geliyey Jaaliyadda Sports-ka ee reer Minnesota, isagoo sheegay in Sports-ka loo adeegsan karo Wacyi Gelinta iyo isku dubaridka dhalinta Soomaaliyeed meelkasta aay joogaan.

Muddane Duraan Axmed Faarax ayaa waxa uu yiri " Wafdi ka socda Olympic kada Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galay Shirweyne Sanad kasta mar la qabto oo socoday 4 maalin shirkasi oo ay ka soo qeyb galeen ilaa 206 Wadan oo ay matalayeen ilaa 1300 oo qof waxaana xooga lagu saaray hormarinta Olympic ee Xiriirka caalamiga ah ee Aduunka.

Inta uu shirka socday ayaa waxa uu sheegay in kulamo gooni gooni ah ay la qaateen wadamo kala duwan waxayna kala hadleen sidii ay ugu qeyb qaadan karaan hormarinta Olombikada Soomaaliyeed,Dhanka kale wuxuu ka sheekeeyey hormarka uu wadankeena Somalia ku talaabsanayo gaar ahaan Sports-ka.

Waxaa Sidoo kale goobta ka hadlay Dad kala duwan oo aqoon durugsan u leh Sports-ka iyagoo sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan sidii ay u hormarin lahaayeen loona soo celin karo waayihii wacnaa ee Sports-ka Soomaaliyeed ee beri samaadkii iyo si ka wanaagsan ee ku salaysan Casriga hadda la joogo. ugu danbeyntii waxaa lagu xusay Abdulkadir Haji Daahir "Shiikhaā€¯ iyo Ahmed Daahir oo soo abaabulay xalfadaan.

_MG_4946 _MG_4948 _MG_4951 _MG_4955 _MG_4957 _MG_4959 _MG_4963 _MG_4969 _MG_4972 _MG_5014 _MG_5015 _MG_5026 _MG_5027

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip