Roberto Lewandowski Oo Fariin U Diray Arsenal Xili Xidigaan Uusan Wax Gool Ah Dhalin Labadii Kulan Ee Ugu Dambeysay

0
Tuesday November 03, 2015 - 10:38:12 in Sports News by
  • Visits: 986
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roberto Lewandowski Oo Fariin U Diray Arsenal Xili Xidigaan Uusan Wax Gool Ah Dhalin Labadii Kulan Ee Ugu Dambeysay

    Weeraryahanka Bayern Munich Roberto Lewandowski ayaa digniin u diray Arsenal ka hor kulanka ay labada kooxood habeen dambe ku kulmi doonaan Allian Arena.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Bayern Munich Roberto Lewandowski ayaa digniin u diray Arsenal ka hor kulanka ay labada kooxood habeen dambe ku kulmi doonaan Allian Arena.

Lewandowski ayaa si aan macquul aheyn xagaagan ku bilaabay kadib markii uu shabaqa galiyay 22-gool, 15-kulan oo uu saftay dhamaan tartamada oo dhan kooxda iyo xulkaba, balse kaliya hal jeer ayuu shabaqa soo taabtay shantii kulan ee ugu dambeysay iyadoo ay xusid mudan tahay inuusan shabaqa gaarin labadii kulan ee ugu dambeysay kooxdiisa.

Xidigaan reer Poland ayaa qiray inuu helay fursado uu Gunners gool kaga dhalin karay intii ay socotay ciyaartii ay wiilasha Wenger 2-0 guul ah ku gaareen gurigooda Emirates lugta hore kulanka labadan kooxood.

Lewy
"Waxaan gool la’aan ahay labadii kulan ee ugu dambeysay, sida iska cad waxaan u baahanahay inaan gool dhaliyo, wax walba ayaan u sameyn doonaa inaan sidaas sameeyo” Ayuu yiri Lewy.

"Aad ayaan ugu baahanahay dhibcaha, waa inaan tusnaa kooxda fiican”

"Waa inaan isku mashqulinaa xoogana saarnaa, markaas kadib waxaan heysanaa fursad weyn oo aan ku garaacno Arsenal”

Ugu dambeyntiina Lewandowski ayaa ka dhawaajiyay iney yahiin koox joogta gurigeeda oo ay u sahlan tahay iney hesho guul.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip