Hordhac: Real Madrid vs Paris Saint Germain: Angel Di Maria Oo Kuso Laabanaya Garoonka Santiago Bernabeu
Wiilkii hore Real Madrid ayaa haatan ku sugan kooxda PSG, balse wali ma aysan iloobin Jamaahiirta abaalkii uu kooxda u galay mudadii uu kooxda usoo ciyaaray inkastoo uu dhawaan ka dhawaajiyay inuusan waligiis ku fakarin ka hayaamida kooxdaan.
Si kastaba Labadan kooxood waxey leeyahiin min 7-dhibcodo madama ay yahiin kooxo aan wali guuldaro la kulmin, balse caawa ayaa la filayaa in midood ay usoo harto hogaanka group A.
WARBIXINTA KULANKA:Kulanka: Real Madrid vs Paris Saint Germain
Tartanka: UEFA Champions League
Garoonka: Santiago Bernabeu
Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
Garsoore:Mark Clattenburg (England)
MAXAA CUSUB?
Real Madrid ayaa soo dhaweyneysa Keylor Navas iyo Sergio Ramos kuwaas oo seegay kulankii Las Palmas, sidoo kalana James Rodriguez ayaa isna kusoo laabtay kooxda mudo uu ka maqnaa kadib.
Bale iyo Benzema ayaan tababarka Los Blancos ee isniintii aan soo xaadirin, waxaana kula midoobaya liiska xidigaha maqan Dani Carvajal, Ronaldo ayaa taam ah wuxuuna markaan sidii kulankii Las Palmas bah wadaag la noqon doonaa Isco iyo Jesse.
PSG dhibaato dhanka daafaca ah ayaa heysata madama Luiz iyo Marquinhos labadaba ay dhaawac yahiin shakina la galinayo iney ciyaaraan kulankaan.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Real Madrid:
Navas; Danilo, Varane, Ramos, Marcelo; Kroos, Modric, Casemiro; Isco, Ronaldo, Jese
Paris Saint Germain:
Trapp; Van der Wiel, Aurier, Silva, Maxwell; Verratti, Motta, Matuidi; Di Maria, Ibrahimovic, Cavani
MA OGTAHAY?
Kulankii 21-kii October ka dhacay Parc des Princess ayaa ahaa kii shanaad oo ay labadaan kooxood isku arkaan tartamada yurub.
Paris Saint Germain ayaa laba ka mid ah guuleysatay afartii kulan ee ay horay u ciyaareen, labadaas jeerna PSG ayaa tartanka ka reebtay kooxda reer Spain.
Sanadii 1992-93, PSG ayaa 5-4 ku dubatay Real Madrid koobka UEFA Cup Winners, hal xili ciyaareed kadib ayey mar kale isku arkeen UEFA Cup Winners 2-1 ayeyna mar kale kaga reebtay tartanka dhigeeda Los Blancos.
Hordhac: Real Madrid vs Paris Saint Germain: Angel Di Maria Oo Kuso Laabanaya Garoonka Santiago Bernabeu
Real Madrid ayaa caawa soo dhaweyn doonta kooxda heysata horyaalnimada dalka faransiiska, waxaana ka mid ah xidigaha kooxdaan marti qaas u ah Jamaahiirta Los Blancos waana Angel Di Maria.