Hordhac: Sevilla vs Manchester City: Citizens Oo Guul U Baahan Si Ay Ugu Soo Baxdo Wareega 16-ka
Citizens guul ay gaarto waxey u sahli kartaa iney si toos ah ugu soo baxdo wareega 16-ka waase hadii Juventus ay guul ka gaarto M’Gladbach taasoo ka dhigan in labada kooxood ee ugu sareeya ay xaqiijin doonaan boosaskooda 16-ka.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Sevilla vs Manchester City
Tartanka: UEFA Champions League
Garoonka: Ramón Sánchez Pizjuán
Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
MAXAA CUSUB?
Dhaawaca Gameiro ayaa u sahli kara in midkood Ciro Immobile iyo Fernando Llorente uu kusoo bilowdo kulankaan, sidoo kalana kooxda ka dhisan Spain waxey la dhibtooneysaa dhaawaca Ever Banega.
Pellegrini ayaa u yeeri doona Sterling isagoo la shaqeyn doona De Bruyne iyo Navas waxeyna ka dambeyn doonaan weerarka.
Delph, Clichy, Zabaleta, Silva, Sergio Aguero iyo Nasri ayaa gabi ahaanba seegi doona kulankaan.
Sevilla:
Rico; Tremoulinas, Kolodziejczak, Rami, Coke; Krychowiak, N’Zonzi; Krohn-Dehli, Banega, Vitolo; Immobile
Manchester City:
Hart; Kolarov, Kompany, Otamendi, Sagna; Toure, Fernandinho; Bruyne, Sterling, Navas; Bony
MA OGTAHAY:
Taariikhda labadaan kooxood kaliya hal jeer ayey is arkeen wuxuuna dhacay kulankaas bishii lasoo dhaafay markaas oo ay Manchester City ku badisay 2-1.
Hordhac: Sevilla vs Manchester City: Citizens Oo Guul U Baahan Si Ay Ugu Soo Baxdo Wareega 16-ka
Sevilla ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Manchester City iyadoo hamigeedu yahay iney nooleyso rajada ay ka qabto iney u gudubto wareegyada xiga ee tartanka waxaana ku filan guul ay gaarto.