Hordhac: Sevilla vs Manchester City: Citizens Oo Guul U Baahan Si Ay Ugu Soo Baxdo Wareega 16-ka

0
Tuesday November 03, 2015 - 10:27:26 in Sports News by
  • Visits: 1431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Sevilla vs Manchester City: Citizens Oo Guul U Baahan Si Ay Ugu Soo Baxdo Wareega 16-ka

    Sevilla ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Manchester City iyadoo hamigeedu yahay iney nooleyso rajada ay ka qabto iney u gudubto wareegyada xiga ee tartanka waxaana ku filan guul ay gaarto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sevilla ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Manchester City iyadoo hamigeedu yahay iney nooleyso rajada ay ka qabto iney u gudubto wareegyada xiga ee tartanka waxaana ku filan guul ay gaarto.

Citizens guul ay gaarto waxey u sahli kartaa iney si toos ah ugu soo baxdo wareega 16-ka waase hadii Juventus ay guul ka gaarto M’Gladbach taasoo ka dhigan in labada kooxood ee ugu sareeya ay xaqiijin doonaan boosaskooda 16-ka.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Sevilla vs Manchester City

Tartanka: UEFA Champions League

Garoonka: Ramón Sánchez Pizjuán

Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

MAXAA CUSUB?

Dhaawaca Gameiro ayaa u sahli kara in midkood Ciro Immobile iyo Fernando Llorente uu kusoo bilowdo kulankaan, sidoo kalana kooxda ka dhisan Spain waxey la dhibtooneysaa dhaawaca Ever Banega.

Pellegrini ayaa u yeeri doona Sterling isagoo la shaqeyn doona De Bruyne iyo Navas waxeyna ka dambeyn doonaan weerarka.

Delph, Clichy, Zabaleta, Silva, Sergio Aguero iyo Nasri ayaa gabi ahaanba seegi doona kulankaan.

Sevilla:

Rico; Tremoulinas, Kolodziejczak, Rami, Coke; Krychowiak, N’Zonzi; Krohn-Dehli, Banega, Vitolo; Immobile

Manchester City:

Hart; Kolarov, Kompany, Otamendi, Sagna; Toure, Fernandinho; Bruyne, Sterling, Navas; Bony

MA OGTAHAY:

Taariikhda labadaan kooxood kaliya hal jeer ayey is arkeen wuxuuna dhacay kulankaas bishii lasoo dhaafay markaas oo ay Manchester City ku badisay 2-1.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip