KING CARLOS! Soo Guryo Noqoshadii Tevez Oo Dhameystirantay Xalayto Isagoo Boca Juniors Ku Hogaamiyay Horyaalkoodii Ugu Horeysay Ee Tan Iyo 2011. (Daawo Sawiro)
Kubad madax aheyd oo uu qeybtii hore dhaliyay daafaca bidix Fabian Monzon ayaa ugu filneyd Boca inay 1-0 kaga badiso kooxda Tigre iyagoo hantay horyaalkoodii ugu horeysay tan iyo 2011 islamarkaana uu kulan weli u harsan yahay.
Kabtan Tevez ayaa ku laabtay kooxdii uu ku soo barbaaray ee Boca bishii July ka dib in ka badan 10 sannadood oo uu ka maqnaa, waana uu qiirooday ka dib seerigii ugu danbeysay ee ciyaarta isagoo yiri: "Waan faraxsanahay. Waxaan u soo laabtay inaan sidaan dareemo mar kale. Waa ay adag tahay inaan hadlo.”
Horyaaladii Uu Tevez Ku Guuleystay:
Boca Juniors
Primera Division: 2003, 2015
Corinthians
Campeonato Brasileiro Serie A: 2005
Manchester United
Premier League: 2007–08, 2008–09
Manchester City
Premier League: 2011–12
Juventus
Serie A: 2013–14, 2014–15
KING CARLOS! Soo Guryo Noqoshadii Tevez Oo Dhameystirantay Xalayto Isagoo Boca Juniors Ku Hogaamiyay Horyaalkoodii Ugu Horeysay Ee Tan Iyo 2011. (Daawo Sawiro)
Soo guryo noqoshadii Carlos Tevez ayaa dhameystirantay xalayto iyagoo Boca Juniors ay xaqiijisatay hanashada horyaalkoodii 31aad ee taariikhda dalka Argentina, iyadoo kabtanka uu shaaca ka qaaday: "Waxaan u soo laabtay inaan sidaan dareemo mar k