BAAFIN! Akoonka Twitter Ee Boliiska Manchester Oo Ku Maadeystay Qaab Ciyaareedka Liita Ee Wayne Rooney.
Boliiska Greater Manchester ayaa lagu dhaleeceeyay kaftan aan laga fiirsan oo ay ku sameeyeen qof la baadigoobayo ka dib markii akoonkooda uu shaaciyay in la la' yahay weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney.
Kabtanka England Rooney ayaa qaab ciyaareed liita soo bandhigayay kulamadii ugu danbeysay waxaana looga maadeysanayay baraha bulshada muddo isbuucyo ah iyadoo tii ugu danbeysay ay ka timid akoonka Twitter ee boliiska Manchester @GMPCityCentre
Qoraal aan laga fiirsan oo uu soo dhigay baare la yiraahdo Dave ayaa waxaa uu u qornaa sida tan: "Qof la la’yahay – Wayne Rooney markii ugu danbeysay waxaa lagu arkay agagaarka Trafford isagoo xiran funaanad casaan ah, cid walba oo aragtay fadlan soo wargelisa @gmpurmston’.