Yohan Cabaye Oo Weeraray Manchester United: Waa Koox Lagu Caajiso, Wax Ay Sameyn Karaan Ma Jirto.

0
Monday November 02, 2015 - 10:51:47 in Sports News by
  • Visits: 992
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yohan Cabaye Oo Weeraray Manchester United: Waa Koox Lagu Caajiso, Wax Ay Sameyn Karaan Ma Jirto.

    Xiddiga khadka dhexe ee Crystal Palace Yohan Cabaye ayaa soo jeediyay in goolal la'aanta heysata Manchester United inay ugu wacan tahay inaysan laheyn ciyaar dhiirogelin leh iyo weliba taatiko bedel uu sameeyo Louis van Gaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga khadka dhexe ee Crystal Palace Yohan Cabaye ayaa soo jeediyay in goolal la'aanta heysata Manchester United inay ugu wacan tahay inaysan laheyn ciyaar dhiirogelin leh iyo weliba taatiko bedel uu sameeyo Louis van Gaal.

Kooxda Gorgorka ayaa barbaro goolal la’aan ah ku qabatay Man United sabtidii kulan ka dhacay Selhurst Park waxaana ay aheyd markii seddexaad oo isku xigta oo United ay shabaqa gool la weyso tartamada oo dhan.

Cabaye ayaa xusuusta waqtigii Sir Alex Ferguson inay adkeyd in shabaqa laga ilaashado Manchester United laakiin aysan haatan laheyn burhaantii waagaas islamarkaana aysan jirin wax ay sameyn karaan haddii kubada laga difaacdo.

"Waxaan xusuustaa anigoo la ciyaaraya Man United markii aan joogay Newcastle waxa ay gool dhalin kareen waqti walba oo ciyaarta ah” ayuu Cabaye u sheegay suxufiyiinta.

Cabaye
"Halkaan kuma aysan helin fursado waa weyn oo ay gool ku dhaliyaan. Wayne Rooney ayaa laad xor ah helay qeybtii hore, intaas ayayna aheyd ciyaartooda oo dhan.

"Haa waa sax United waa koox weyn, kubada waa heysan karaan, baas baas baas, laakiin haddii ay si adag ugu hortagto islamarkaana aad qaab fiican ku jirto ma jirto wax ay sameyn karaan oo ay kugu dhaafi karaan, mana ahan kuwa isbedel sameyn kara”

United ayaa kaalinta afaraad kaga jirta horyaalka Premier League waxa ay afar dhibcood ka danbeeyaan kooxaha hogaanka isla haya ee Manchester City iyo Arsenal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip