Akhriso Wareysigii 'Nothing to say' Ee Jose Mourinho Uu Siiyay BT Sport Oo Dhameystiran Ka Dib Ciyaartii Shalayto.

0
Sunday November 01, 2015 - 13:35:09 in Sports News by
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Wareysigii 'Nothing to say' Ee Jose Mourinho Uu Siiyay BT Sport Oo Dhameystiran Ka Dib Ciyaartii Shalayto.

    Ka dib kulankii shalayto ee Stamford Bridge, telefishinka BT Sport ee baahinayay ciyaartii Chelsea iyo Liverpool ayaa isku dayay inay wareysi la yeeshaan tababare Jose Mourinho, waxaana wareysiga uu ahaa mid kooban oo uu Mourinho ku diiday inuu ku ha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib kulankii shalayto ee Stamford Bridge, telefishinka BT Sport ee baahinayay ciyaartii Chelsea iyo Liverpool ayaa isku dayay inay wareysi la yeeshaan tababare Jose Mourinho, waxaana wareysiga uu ahaa mid kooban oo uu Mourinho ku diiday inuu ku hadlo. Su'aal: Jose, guularro 3-1 ka dib bilow fiican oo ciyaarta, ka dibna ciyaarta waa ay idnka dhuntay?

Mourinho: Ma jirto wax aan ka oranayo, waxba kama oranayo.

S: Waxba ka oran meysid ciyaarta gabi ahaaba?

Mourinho: Waxba, wax aan sheego ma leh.

S: Waxba ka oran meysid go’aankii Lucas uu garoonka ugu sii jiray?

Mourinho: Waxba kama oran maayo, wax aan sheego ma jiraan?

S: Isku dhicii Costa?

Mourinho: Waxba kama oran maayo, waan ka xumahay, ma jiraan wax aan ka iraahdo.

S: Ma u maleyneysaa in al joogo waqtigii aan la sheekeysan laheyd taageerayaasha oo aad fariin u diri laheyd iyo waxa aad ku fekereyso?

Mourinho: Taageerayaasha doqomo ma ahan.

S: Waxaan maqalnay iyagoo magacaaga ku heesaya.

Mourinho: Taageerayaasha doqomo ma ahan.

S: Waxaad sheegtay ciyaartaan ka hor inaadan walwal qabin, miyaad yara walwalsan tahay haatan?

Mourinho: Maxaan ka walwalaa?

S: Mustaqbalkaaga, booskaaga kooxda iyo taageerada madaxda kooxda?

Mourinho: Maya.

S: Wax aad ciyaarta ka sheegeyso ma jiraan?

Mourinho: Maya.

S: Ma jiraan miyaa ciyaartoy aad ka hadli laheyd qaab ciyaareedkooda?

Mourinho: Maya.

S: Waxba kama oraneysid qaab ciyaareedka kooxda si horusocod ay u sameeyaan?

Mourinho: Waxba.

S: Waxba ka oranmeysid sida lagu xalin karo kooxda?

Mourinho: Waxba kama dhihi kar.

S: Waad ku mahadsan tahay waqtigaaga Jose.

Mourinho ayaase wax yar oo sidaan ka yara dabacsan kaga hadlay shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta ka dib, inkastoo uu diiday inuu ka hadlo garsooraha isagoo sheegay in la ciqaabayo haddii uu hadlo. Halkaan kaga bogo waxyaabihii uu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay oo kooban




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip