
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 22-KA SABTEMBER 2016KA
Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay inay Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer dowlad goboleed ay ka go’an tahay in la ilaaliyo jadwalka doorashooyinka sidii horey loogu heshiiyay.
Bishan September 25 keeda ayaa waxaa la filayaa inay bilowdaan doorashooyinka labada aqal (Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare), iyadoo bisha October 25keeda la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka. Doorashada Madaxweynaha ayaa iyana dhici doonta bisha October 30keeda.
Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in loo baahan yahay in la ilaaliyo lana xurmeeyo xuqu uqda musharixiinta, odayaasha dhaqanka, nabaddoonada, ergada wax dooraneysa iyo hawlwadee nada doorashada.
"Dhowrista habraaca doorashada waxaa sal u noqonaya in la xurmeeyo hannaan kasta oo sax ah oo doorashada lagu suuragelinayo. Musharixiinta xuquuqdooda waxaa ka mid ah inay si nabad ah u qabtaan ololahooda iyo barnaamijyadooda siyaasadeed ee doorashada. Dimoqraadiyadda iyo xorriy atul qowlka mas’uuliyadda ku saleysan ayaa ma faraya in musharixiinta ay noqdaan kuwo si hufan, waddaniyad leh u soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed iyagoo qiimeynaya duruufaha dal ku ku jiro iyo baahida loo qabo dardargelinta dib u heshiisiinta iyo dib u soo celinta kalsoonida shacabka ka dhexeysa’’.
Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa dhowaanahan soo gaarayey warar sheegaya inay jiraan musharixiin ololahooda doorashada ay carqaladeeyeen laamaha dowladda, waxaana Madaxweynaha oo ka jawaabaya eedeymahaasi uu ku tilmaamay inay yihiin daca ayado wax loogu dhimayo laamaha amniga iyo sumcadda musharixiinta.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo laamaha amniga, haddana uu far ayo in laamahaasi ay si buuxda u ilaaliyaan, isla markaana u dhowraan xuquuqda musharixiinta iyo barnaamijyadooda siyaasadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu hay’adaha Dowladda Fede raalka iyo dowlad goboleedyada farey inay ka wada shaqeeyaan sidii doorashada ay ku najixi lahayd.
KENYA IYO SOMALIYA OO QORSHEYNAYA IN FIISO LA’AAN LA ISAGA KALA GUDBO LABADA DAL..
Dowlada Kenya ayaa doonaysa in dowlada Soomaaliya ay ku heshiiyaan infiiso lacag la’aan ah labada dal la isaga kala gudbo kadib markii la xaliyay dhowaan khilaaf dhinaca ganacsiga qaadka Miraa ee labada dal ka dhex jirey.
Dadka doonaya in ay labada dal isaga kala gudbaan ayaa bixiya lacag gaareysa konton dollar. Labada dal ayaa la filayaa in ay muwaadiniintoda ay ka dhaafaan baahiyaha ay u qabaan in ay dal ku gal ama fiisa u qaataan dalka kale iyadoo la doonayo in la kordhiyo ganacsiga iyo maalgelinta.
Sida ay daabacday Daily Nation labada dal ayaa heshiis ku gaaray shir madaxeedkii IGAD ee dhowaan ka dhacay Muqdisho in ay abuuraan guddi farsamo oo wadajir ah kuwaasoo ka soo shaq eeya fiisaha ama dal ku galka.
Wasiirka Arrimaha Dibada iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka Kenya Amina Mohamed ayaa ka sheegtay kulankaas in labada dal ay isku raaceen inay ka shaqeeyaan labada dal sidii ay fiiso la’aan ay u kala gudbi lahaayeen.
Tiro muwaadiniin Soomaali ah ayaa waxa ay maalgelin ku sameeyeen dalka Kenya waxana ay marwalba ka cawdaan in lagu soo rogo xayiraad sidii ay ku heli lahaayeen fiiso ama dalkugal.
Inkastoo haatan ay soo baxayso warkan ku saabsan in ay isu soo dhowaanayaan labada dal ee Kenya iyo Somaliya ayaa hase ahaatee waxaa ka dhex jira dacwad ay isku haystaan oo ah badda waxaana ay dacwadaas ka socotaa maxkamada caalamiga ah ee Haig.
SANAD GUURADII 3AAD EE WEERARKII WESTGATE OO KU BEEGAN SHALAY
Shalay aye’e waxay ku beegan tahay sanad guuradii saddexaad ee weerarkii Westgate ee caas imada Nairobi.
Saddex sano ayaa haatan laga joogaa markii weerarkaa uu ka dhacay Nairobi Kenya. Waxay ah ayd bishii 9aad shalay oo kale taariikh 21 sanadkii 2013 markii dabley ay weerar ku qaaday xarun laga dukaameysto oo kutaal caasimada Kenya ee Nairobi.
Xaruntaa ayaa waxaa lagu magacaabaa Westgate waxayna kutaalaa dhanka galbeed ee caasimada Nairobi.
Halkaa ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen dad tiradoodu gaareyso ugu yaraan lixdan iyo dhowr qof.
Halkaa markii dableydii ay galeen ayaa waxaa isku gadaamay ciidamada ammaanka ee Kenya halkaa oo dhowr maalmood la sheegay in dableydii iyo ciidamadu isku hor fadhiyeen.
Weerarka ayaa waxaa sheegatay kooxda Alshabaab.
Alshabaab ayaa Kenya ku soo qaaday weeraro kadib markii ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya sanadkii 2011.
DOWLADDA BRITAIN OO SHEEGTAY INAY KORDHINAYSO CIIDAMADA SOMALIYA KA JOOGGA
Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku kordhin doonaan ciidankeeda ka joogga Somaliya si loo xoojiyo dagaallada ka dhanka ah Alshabaab.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Theresa May ayaa hadal dhinacyo badan taabanaya waxay ka jeedisay shirkii 71aad ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobay, waxaana ay ka hadashay arrimo badan oo Somaliya ah.
Theresa ayaa sheegtay in dowladeeda taageero xooggan u fidin doonto Somaliya, islamarkaana ay hadda diyaar u yihiin in ay laba laabaan taageerada ay siiyaan dowladda Somaliya.
Beesha caalamka ayeey sheegtay in sidoo kale iyaguna looga baahan yahay iney xoojiyeen tag eerada ay siiyaan Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay iney ka xoojiyaan sida ay hadda tahay.
Mar ay ka hadashay Theresa arrinta ku aadan weerarada lagu qaado saldhigyada Alshabaab ee gudaha dalka ayeey tilshalayy iney aad u jeclaan lahaayeen iney noqdaan hormuudka ku fulinta weeraradaasi.
Ugu dambeyn Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa hoosta ka xariiqday in muhiim ay tahay in la qabto shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, islamarkaana dha qaale loogu uruurinayo dadka Soomaaliyeed.
NUSOJ OO CAMBAAREEYSAY GO'AAN KA SOO BAXAY MAAMULKA AMNIGA GAROONKA DIYAARADAHA OO LAGU XANNIBIYO WARIYAYAASHA.
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu uu si kulul u canbaareynayaa isla markaana uu wax laga xumaado uu ku tilmaamayaa warqad wargalin ah oo ka soo baxday xafiiska Maareeyaha Gu ud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde General Cabdi Ashir Jaamac taas oo la gu amrayay hey’adaha amniga garoonka in wariyayaasha laga xannibo howlaha ay shacabka u hay aan iyo galitaanka garoonka diyaaradaha muddo lixdan cisho ah iyaga oo aan wax fasax ah ka heys an maamulka garoonka diyaaradaha.
Sida lagu xusay qoraalkaas ciddii jabisa amarkaas ka soo baxay xafiiska Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde waxaa ay muteysan doontaa ganaax shirkade ed,xarig iyo in laga mamnuuco soo galitaanka garoonka.
Ururka suxufiyiinyta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxa uu tallaabadan u arkaa mid liddi ku ah xurr iyadda hadalka ,xorriyadda warbaahinta iyo xaqa ay shacabka u leeyihiin in ay helaan war sugan oo madax bannaan meel kasta oo munaasab ah.
Wariyayaashu waa kuwa dhexdhexaad ah mana quseeyaan dhaqdhaqaaqyada siyaasiga ee jira xilliga doorashada ,waana in ay helaan fasax ay ku gaari karaan goobta kasta oo muhiim u ah in shac abka Soomaaliyeed war sugan lagaga soo gudbiyo iyaga oo aan wax u dhimeyn amniga.
"Go’aanka ka soo baxay masuuliyiinta amniga garoonka diyaaradaha waa mid walaac weyn ku abuuray wariyayaasha Soomaaliyeed ,waana mid si buuxda Qatar u galinaya xurriyadda hadalka ,warbaahinta iyo cabbiraadda ra’iyaga ,sidaa awgeed waxa aan ka codsanaynaa masuuliyiinta Dowlad da Federaalka sida Madaxweynaha ,Ra’isulwasaaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanka iyo dib loo eego go’aankan ,lana tixgaliyo dastuurka wadankeenna u yaalla oo damaanad qaadaya xuriyadda hadalka” Waxaa sidaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu.
Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maahir Jaamac Aden oo ka hadlay go’aanka maanta ka soo baxay maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa xusay in wariyaya asha ay had iyo jeer fasax ku gali jireen garoonka oo aaney horeyba u jirin cid garoonka gali kartay fas ax la’aan ,sidaa darteedna ay la yaabban yihiin waxa keenay go’aankan cusub ,xilli waliba aad loogu baahan yahay in wariyayaashu in shacabku gaarsiiyaan xogta ay u baahan yihiin maadaama lagu jiro xilli doorasho.
Ururku Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxaa uu ugu baaqayaa wariyayaasha in ay si taxadar leh go’aan mid ah uga qaataan xanniaabadda lagu soo rogay muddada lixdanka cisho ah ara gtidoodana ay mideeyaan maadaama go’aankan uu yahay mid meel ka dhac ku ah qawaaniinta dalka iyo u yaal iyo guud ahaan anshaxa saxaafadda madaxa bannaan.Wabbilaahi Towfiiq
DOWLADA SOOMAALIYA OO SOO SAARTAY WARQAD LID KU AH MUSHARAXIIN GAAR AH OO MUQDISHO KU SOO FOOL LEH (AKHRISO)
Iyadoo dhowaan la filayo inay dalka ka dhacaan Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya cadaadisyo iyo culeys la saarayo Musharaxiinta qaar, gaar ahaan kuwooda miisaanka leh, kadib markii maanta Warqad ka soo baxday Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaa radaha Muqdisho.
Warqada ka soo baxay Maamula Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa ah mid lid ku ah Mushar axiinta dalka dibadiisa ku sugan ee lagu wado in maalmaha soo socda yimaadaan Muqdisho, wax ayna tani tahay mid loogu horistaagayo dhoolatuskooda Ololaha Doorashada.
Warqad ay heshay Jowhar.com oo ka soo baxday ayaa waxaa xanibaad gaar ah lagu soo rogay Warbaahinta qeybaheeda kala duwan, in aysan Garoonka soo geli karin muddo 60 cisho.
Go’aankan ka soo baxay Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka ayaa ah mid lid ku ah Musharaxiinta dalka imaanaya ee doonaya in taageerayaashooda ku soo dhoweeyaan Garoonka, taasoo ah mid caburin ah iyo in indhaha Warbaahinta laga xiro dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed iyo ololaha ay wadaan Musharaxiinta.
Arrinta muuqata inay is khilaafayaan Go’aanada Madaxweynaha ee sida isdaba jooga ah maalm ahan uga soo baxayay ee ku saabsanaa in la dhowro nidaamka doorashada iyo ilaalinta xuquuqda musharixiinta ay leeyihiin iyo warqadan maanta ka soo baxday Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha.
Warqadan maanta ka soo baxday Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaar adaha ayaa ku soo aadeysa, xilli olole ballaaran laga dareemayo Muqdisho iyo dhoolatusyo ay samey nayaan taageerayaasha Labada Musharax ee kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maalmaha soo socda ku soo fool leh Muqdisho.
Hadaba halkan hoose ka akhriso Warqada ka soo baxday Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha ee lagu mamnuucay in Warbaahinta aanay muddo 60 maalmood soo geli karin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
BOOLISKA OO 3 GABDHOOD OO KALE OO SOOMAALI AH KU XIRAY MOMBASA
Saddex dumar ah oo kale ayaa booliska Kenya uu shalay soo taagay maxkamad.
Saddexdaa gabdhood ayaa waxaa lala xiriirshay saddex kale oo boolisku dhawaan toogasho ku dilay kadib markii la sheegay in ay saldhig biliis weerareen ayna askar boolis ah dhaawaceen.
3da shalay lasoo qabtay ayaa waxaa ka horeeyay saddex kale oo labo la sheegay inay ku adkaatay fahmida waxa maxkamadu sheegayso lana kala garan waayay in maqalkoodu culus yahay iyo in kale.
3da shalay maxkamada horteeda la keenay ayaa la kala yiraahdaa Luul Cali, Nasteexo Cali iyo Zamzam Cabdullaahi.
Labo maalmood ka hor ayaa ciidamada biliisku soo qabteen. Waxaa boolisku sheegay inay taleefan kala xiriireen hablihii la dilay.
Qareenka gabdhahaa u doodaya Jared Magola ayaa sheegay in gabdhahaa wax loo hayo aysan jirin balse xaakimka maxkamada Henry Nyakweba ayaa go'aan kasoo saari doona kiiskaa shalay.
Guud ahaan, culeys iyo cabsi ayaa lasoo darsay Soomaalida ku dhaqan magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Culeyska iyo cabsi ayaa lasoo darsay ayagoo haatan ka baqanaya in boolisku olole raaf ah ku qaado kadib weerarkaa 10 maalmood ka hor gabdho Soomaali ahaa ay ku qaadeen saldhig boolis oo magaaladaa kuyaal. Gabdhahaa ayaa lala xiriirshay kooxda ISIS ee Suuriya iyo Ciraaq balse asalkoo da ayaa Soomaali ahaa.
Saddex gabdhood oo weerarkaa qaaday ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen gabdho da' yar isla markaana kasoo jeeda Soomaalida Kenya.
Kadib markii maalin Axad ah 10 maalmood ka hor ay mindi ku dhaawaceen askariyad boolis ah ayaa ciidamada booliska ee magaaladaasi toogasho 3dii hablood ku dileen.
Meydka gabdhahaa ayaa wali yaala goob meydadka la dhigo ayadoo baaritaano boolisku wado ay socdaan.
Falkaa kadib ayaa Soomaalida Mombasa daggan oo leh xataa Kenyan waxaa la soo darsay cabsi iyo culeys ayagoo iminka ka cabanaaya in la takooro oo su'aalo khaldan la weydiiyo sida, 'adinku maxaad dadka u leysaan? Maxaad argagixiso u tihiin iwm?' khaasatan markii ay adeegyo u raadsadaan xafiisyada qaarkood.
In badan oo Soomaalida magaaladaa daggan ah ayaa sidaa u sheegay warbaahinta ayadoo masuuliyiin ka tirsan bulshada Soomaalida ah ee daggan magaaladaana ay diyaarinayaan dibadbax iyo cabasho cabsi galinta iyo culeyska la saarayo ay uga soo horjeedaan sida mid ka mid ah masuuliyiintaasi u xaqiijiyay warfidiyeenka.
Somali Youth Forum hoggaamiyaheeda, Maxamed Cabdi Dhayib ayaa u sheegay warbaahinta in dawlada iyo dadku fahmaan in ay iyana yihiin Kenyan xaqna ay dalka ku leeyihiin sida dadka kale.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dawladu aysan arinkaa u adeegsan inay ku diido niqaabka gabdhuhu isku asturaan. 'Dambiile cid gaar ah ma leh; dambiilee midab gaar ah ma leh'. Mudane Maxamed Cabdi Dhayib ayaa sidaa yiri.
3 dumar ah oo kale ayaa haatan boolisku hayaan oo Soomaali ah kuwaasoo la tuhmay in gabdhihii weerarka qaaday ee dabadeed la dilay ay ayaga la noolaayeen.
Dhanka xiriirka ayaa hase ahaatee dhib ka jiraa ayadoo labadood haweenkaa aysan hadleyn oo inay dhaga la' yihiin iyo inay dhimirka ka jiran yihiin la kala garan waayay sida boolisku sheegay.
Falalka argagaxisonimada lala xiriirshay ayaa waxaa faro kulul ay ku hayeen Kenya gaar ahaan gobolada xeebta iyo Waqooyibari iyo weliba caasimada Nairobi lagasoo bilaabo sanadkii 2011.
LABA NIN OO SHALAY LAGU DILAY DULEEDKA MAGAALADA CAABUDWAAQ
Laba nin, ayaa waxaa shalay lagu dilay wadada xiriirsa Degmooyinka Caabudwaaq iyo Balanb ale ee Gobolka Galgaduud, ka dib markii wadada loo galay gaari ay la socdeen.
Labadan nin oo ka amba baxday Caabudwaaq, kuna sii jeeday Balanbale, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay wadada u galeen maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan.
Maleeshiyadan, ayaa la soo sheegaya in ay ka carootay dil laba toddobaad ka hor Odayaal Dha qameedyo loogu gaystay Bartamaha Degmada Caabudwaaq.
Labada nin ee shalay la dilay, ayaa wuxuu dilkoodu ka dhacay Deegaanka Ari Cadays, oo qiyaastii 40km u jira Degmada Caabudwaaq. Caabudwaaq waxay iyana 90 u jirtaa Degmada Balan bale.
Dhanaka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in ragga la dilay ay u shaqaynayen Hay’adda Miino Baarista ee Halo Trust.
Suxufiyiinta Caabudwaaq degan, ayaa soo sheegaya meydadka labadaasi nin in shalay dib loo gu soo celiyay Degmada Caabudwaaq.
Caabudwaaq, ayaa waxaa ku soo noq noqday dilalka la xiriira aanooyinka beelaha. Dilalkan waxay walaac xoog lihi ku dhaliyen bulshada deegaanka.
XILDHIBAAN GOODAX "SHIRKA JOWHAR XILDHIBAANO IN LAGU BOOBO OO DOORASHADA LAGU GALO AYAA LA RABAA”
Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, ayaa shirka ka socda Maga alada Jowhar ee Maamulka loogu sameynaayo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, wuxuu ku tilmaamay mid ay ka dambeyso dano siyaasadeed.
Goodax Barre, ayaa sheegay qorshaha la damacsan yahay inay tahay Xildhibaanada Baarlam aanka ee ka imaan doono Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe in la boobo oo Doorashada soo socota ee Madaxtinimada lagu galo.
Waxa uu xusay taasi inaysan suuragal aheyn oo dadka degan Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay dhisanayaan waxa ay iyaga doonayaan, Dowladda Somaliyana looga baahan yahay inay joojiso fara gelinta ay ku hayso arintaasi. "Waa maamul la damacsan yahay in Xildhibaanno lagu boobo oo doorashada in dad lagu sameysto loogu talogalay, waa maamul aan ka tarjumeyn rabitaanka shacab ka labada gobol, dadbaa wax isku darsadeed dowladi wax ma sameysato”, ayuu yiri xildhibaanku.
Xildhibaan Goodax Barre, ayaa sidoo kale sheegay dadka reer Hiiraan inay gaareen go’aan ay ku dhisanayaan Maamul u gaar ah Hiiraan.
"Waxaa dhacay wax lama filaan aan ahayn laakiin aad iyo aad u quruxbadnaa, qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan oo ku nool magaalada Baladweyne, hadday tahay ugaasyadooda, nabadoonadooda, haddey tahay samadoonada, waxgaradka iyo maamulka gobolka oo uu hogga aminayo Guddoomiyaha Gobolka iyo dad siyaasiyiin ah oo kale oo aniguba aan ka mid ahaa mee shaas ayaa la iskugu yimid, waxaa laga soo jeediyay khudbado la xiriira maamul u sameynta iyo wax an ay dowladdu tiri maamul baa laga sameynayaa Jowhar, kadib waxaa duubabku go’aan ku gaareen in Hiiraan ay sameystaan maamul goboleed Gaar ah, howshaasna ay ka howlgalaayaan muddo gaaban gudaheed.”
"Waxaan aniga islahaa cid meeshaa ka maqneyd ma jirto shir aad u ballaaran ayuu ahaa, go’ aanka ay gaareen waxa uu ahaa go’aan ay aad u sugaayeen, markaa wax qurux badan ayaan filayaa oo aan goobjoog u ahaa”.
Lama oga saameynta uu ku yeelan doono Shirka Jowhar ka socda iyo kan laga iclaamiyay Magaalada Baledweyne.
DOON AY SAARNAAYEEN 600 OO RUUX OO KU DEGTEY XEEBAHA DALKA MASAR
Ugu yaraan 29 ruux ayaa ku geeriyootay inta la xaqiijiyay kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay xeebaha dalka Masar iyadoo la la’ yahay inta badan dadkii saarnaa doontan halka tiro dad ah laga soo badbaadiyay.
Doontan ayaa la sheegay in ay saarnaayeen lix boqol oo ruux kuwaasoo 150 ka mid ah la soo babaadiyay sida ay warbaahinta dalka Masar ay sheegeen.
Wararka ayaa sheegaya in doontan ay ku degtey xeebta Kafr alSheikh sida ay xaqiijiyeen mas’u uliyiin u hadashay dowlada Masar.Wasaarada caafimaadka dalka Masar ayaa laga soo xigtey in dad ka ku dhintey ay ka mid ahaayeen dad u dhashay dalka Sudan iyo dalal kale.
Shilkan dhacay shalay ayaa imaanaya xilli ay hay’adaha xuduudaha u qaabilsan Yurub galoot iga ah oo ka soo gudbaya dalka Masar. Doontan degtey ayaa la sheegay inay saarnaayeen dad qa xooti ah oo ka soo jeeda dalalka Siiriya,Masar iyo wadamo Afrikaa ah sida ay u sheegeen Reuters ilo muhiim ah.
Illaa iyo hadda lama sheegin halka ay doontan ay ku sii jeeday iyadoo hase ahaatee la sheeg ayo in ay u badan tahay in dalka Talyaaniga ay doonayeen qaxootigan inay galaan. Sidoo kale lama cadeyn in dadka ku dhintey ama weliba la la’ yahay inay ka mid ahaayeen muwaadiniin Soomaali ah.
MUNA ALSHARMANI: GARYAQAANAD U ISTAAGTAY INAY QARANKEEDA U MATASHO DACWADDA MAXKAMADDA ICJ.
Muwaadinad Dr. Mona Alsharmani waa Garyaqaanad u matalaysa dalkeeda hooyo ee Somalia dacwadda ka socota Maxkamadda ICJ ee Kiiska la xiriira sheegashadda Kenya ku boobayso qeybo ka mid ah Badda Somalia.
Dr. Mona waxay ka tirsan tahay Xafiiska magaalladda New York ee Shirkadda Weil, Gotshal & Manges LLP, halkaasi oo ay ka ahayd Xubin ka tirsan Kooxda Hawlaha Bangiga iyo Maaliyadda tan iyo sannadkii 2001dii.
Bilowgii sannadihii 1990aadkii, Marwo Mona Alsharmani waxay muddo 3 sanno ku soo qaada tay Shaqada Khibradeed ee Uqeybsanaha dhinaca Sharciga ee Guddiga Joogtadda Somalia u jooga Xarunta QM ee magaalladda New York, waxayna halkaasi kaga shaqeynaysa arrimaha khuseeya Sharciga Caalamiga.
Marwo Mona Alsharmani waxay Takhasuska LLM ka qaadatay Dugsiga Sharciga ee Harvard Law School sannadkii 2001dii.
Sidoo kale, Shahaadada PhD ka qaadatay DugsigaDaraasaadka Caalamiga ee TheJohns Hopkins School of Advanced International Studies (SAIS), halkaasi oo Doktoradkeeda diiradda ku saartay Falaanqeynta dhinaca Sharciga ee Maalgelinta Qarankja ee dalalka Horuumaray.
Waxaa u sii dheer Mona Alsharmani inay Jaamacadda Qaahira "Cairo University” ay sannadkii 1989kii ka heshay Shahaadada LLB.
Mona Alsharmani waxay xubin ka tahay Ururadda Qareenadda Maraykanka "The American Bar Association), waxayna mihnadeeda kaga hawlgashay Gobalka New York.
Waxay dhawaan qortay Maqaalaadka "Dejinta Khilaafaadka ee ICSID: Waxyaabaha shuruuda ha ee looga baahan yahay ee Dedejinta Khilaafaadka ee Ganacsiga Caalamiga, Maalgashiga iyo Aqoonta Milkiyadda ee Qeybta 2.4.Christoher Schreuer Ed. Geneva, CH: UNCTAD.2003.
AL-SHABAAB OO DHOOLATUS KU SAMEEYAY DEGMADA MOQOKORI…
AlShabaab ayaa soo bandhigtay meelihii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya oo todobaad ka hor faarujiyay degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Degmadan ayaa ka mid ah deegaanada istiraatiijiga ah, waxayna xuduud la leeyahay Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Masawirro la soo geliyay baraha internetka ee taageera AlShabaab ayaa muujinayay dagaalyahanada oo ku gaaf wareegaya degmada.
AlShabaab ayaa calankooda madow ka taagay bartamaha Moqokori, waxaana saldhigyo ka sameysteen meelihii xarumaha u ahaa maamulka degmada.
Ciidamada Itoobiya ayaa dhufeysyo waa weyn oo godod ah ku lahaa duleedka degmada Moqokori, ka hor inta aanay isaga bixin.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada degmada ay tahay mid caadi ah, inkastoo AlShabaab ay dad kala duwan ku xir xireen, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda.
Lama oga sababaha ka dambeeya ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee ka tirsanaa AMISOM ee degmada Moqokori
WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY GUDDIGA DOORASHOOYINKA (AKHRISO)
Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) ayaa goor dhow soo saaray War saxaafadeed ay uga hadlayaan xaalada doorashooyinka dhowaan gobolada dalka ka dhici doona.
Guddiga ayaa sheegay inuu meel wanaagsan marayo geeddi socodka doorashooyinka, isagoo balan qaaday in doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka ay noqon doonaan kuwo daah furan oo lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kale Guddiga ayaa soo bandhigay Website lagala socon doono xaalada Doorashada, si bulshada loola wadaago geeddi socodka doorashada
Hadaba halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka:
Muddo 47 sano ka dib, Soomaliya waxay u dhaqaaqday inay qabsato doorashooyin 2016 ka. Doorashadan dadban waxay ka duwan tahay dhammaan hannaankii hore ee soo xulidda wakiillada dadweynaha ee hay’adihii hoggaaminta ee dalka horey uga dhacay.
Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), asagoo ka amba qaadaya arrintaas, wuxuu u xaqiijinayaa dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada beesha caalamka in hirgelinta qorshaha geeddi socodka doorashooyinka 2016 ka uu marayo heer wanaagsan. Guddigu wuxuu sameeynayaa dadaal kasta oo lagu hubinayo in hannaanka geeddi socodka doorashooyinka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay ku qabsoomaan waqtigii loogu tala galay. Sidoo kale, GFHDD wuxuu xoogga saarayaa in doorashooyinka 2016 ka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay noqdaan door ashooyin daah furan oo lagu kalsoonaan karo.
Waxaa wacyigelin la siiyay Madaxdhaqameedyada oo lagu tababaray doorkooda iyo masuuliya dahooda la xiriira soo xulidda ergooyinka iyo asteeynta kuraasta ay u tartamayaan haweenka ee doo rashooyinka 2016 ka.
Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) waxay hadda ku guda jiraan dabagalka soo gudbinta liisaska ergoyinka doorashada ee xarumaha dawlad goboleedy ada. Waxaa socda soo dhameystirka liisaska ergada, sidoo kale waxaa la sugay goobihii cod bixinta marka laga reebo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Waxaa lala wadaagay bulshada xogta ku saabsan doorashada 2016 ka iyadoo la qabtay war saxaafadeedyo, shirar jaraa’id iyo waraysiyo ay GFHDD si joogto ah u siiyeen Idaacadaha, tilef ishannada dalka iyo warbaahinta caalamka kuna soo baxay shabakadda doorashada 2016 ka (ww w.doorashada2016.so) si bulshada loola socodsiiyo geeddi socodka doorashada iyo heerarka ay mara yso.
Inkastoo horumar baaxad leh laga sameeyay arrimaha doorashooyinka, welina aan qorsheyn eyno in aan ku soconno jadwalkii shaqada, haddana waxaa jira in hawlaha qaar ay ku dhameystirmi karin waqtigii loogu talagalay in lagu qabto, kuwaasoo ay ka mid yihiin caqabado isugu jira arrimo siya asadeed, amni, hannaanka maamulidda miisaaniyadda doorashooyinka, iyo madax dhaqameedyada oo aan weli soo dhameeystirin liisaska ergooyinka.
GFHDD waxuu ku hawlan yahay dadaallo uu xal ugu raadinaayo arrimaha Somaaliland ee la xir iira doorashada dadban iyo xal u helidda goobta lagu qabanayo doorashooyinka Hiraan iyo Shabeel aha Dhexe.
Haddaba si loo dardar geliyo hawlaha doorashada, isla markaana xal looga gaaro caqabadaha tagan, GFHDD iyo guddoomiyayaasha GDGHDD ayaa kulan wadatashi ah u billaabanayaa 23da Sebtembar 2016, kulankasoo ka dhici doona magaalada Muqdisho laguna go’aamin doono dib u xaqiijinta iyo ilaalinta farsamo ee jadwalka doorashada 2016 ka.
Haddaba, GFHDD waxuu ku boorinayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka in ay soo ded ejiyaan magacaabista musharraxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayagoo xil iska saar aaya in uusan dib u dhac ku imaanin hannaanka doorashooyinka 2016 ka.
GFHDD wuxuu halkaan uga mahad celinayaa Madasha Hoggaanka Qaran oo shalay soo gud biyay liiska magacyada Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban.
GFHDD waxuu u mahad celineynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed dulqaadka iyo taage rada joogtada ah ay la garab taagan yihiin guddiyada ku hawlan geeddi socodka hannaanka doora shooyinka dadban ee 2016 ka.
Waxaa sidoo kale mahadnaq mudan saaxiibada beesha caalamka taageerada maaliyadeed iyo midda farsamo ee ay ka gaysteen hirgalinta doorashadooyinka dadban ee 2
DIBADBAX LOOGA HORJEEDO SHEEGASHADA KENYA EE BADDA SOMALIA OO KA DHACAY MUQDISHO …
Dibadbax ballaaran oo looga horjeedo sheegashada dowladda Kenya ay sheeganayso qayb ka mid ah badweynta Somalia, laguna taageerayay dadaallada Dowladda Federaalka Somalia ee ku wajahan dacwadda badda ee ka socota Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee Netherland ayaa ka dhacay shalay Muqdisho.
Banaanbaxa oo ay soo abaabushay maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qaybgalay Bo qollaal ruux oo ku Qaylinayay erayo ka dhan ah sheegashada Kenya ee Badda Somalia, waxayna dad kan mareen qayb ka mid ah waddooyinka waaweyn ee Muqdisho.
"Waxaan shalay u taagannahay Qorraxda oo aan u dibadbaxayno waa inaan Dunida Tusno in Badaha iyo Barriga Soomaaliya aysan jirin cid qaadan karta ama iibsan karta. Dhulka Somalia waa hanti Qaran mana jirto cid laga yeelanyo inay taako ka mid ah qaadato,” ayay yiraahdeen qaar ka mi ah Dibadbaxayaasha oo la hadlayay Warbaahinta.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isagana la hadlay Dibadbaxayasha ayaa sheegay in aysan jirin Cid iibsan karta Badda Soomaaliya, isla mark aana aysan shacabka Soomaaliyeed marna Aqbali doonin Damaca Guracan ee Kenya ku dooneyso qayb ka mid ah biyobadeedka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa Rajo wanaagsan ka muujiyay in Natiijo Dhaxalgal ah ay ka soo baxdo Dacwadda la xiriirta badda ee iminka ka socota Maxkamadda Caddaalada QM ee Hague, taasoo u dhaxeeya Somalia iyo Kenya.
BADADA BULUUGA AH OO GUDUUDAN DOONTA!!!
Prof. Yaxye Shiikh Caamir oo ka mid ah Aqoonyanada Soomaaliyeed ayaa mar uu u waram ayey Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegey in Dowladda Norway uu kala Hadley arrimaha Badda Soomaaliya oo ku aadan Muran Dowladii tan ka Horeysey gelisey ka dib markii heshiis Isfaham la gashay Kenya, kaas oo markii dambe uu ka hor yimid Baarlamaankii ku meel Gaarka.
"Haddii baddeena muran ay gasho, xitaa shanta dawladood ee waaweyn hadday isku raacaan, baddaas yar ee buluugga ah waxay noqonaysaa gaduud .. Wax kasta annagu aan isku hayno, marna ma ogolaan doono in la qaato baddeena, haddii cid isku daydo in ay qaadato taako ka mid ah, baddu dhiig dartiis ayey la gaduudanaysaa…”.
Prof Yaxye Shiikh Caamir ayaa sheegay in Dalka Norway uu kula kulmey Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha Dibadda Norway, waxuuna sheegey in Dowladda Norway ay aad isaga fogeysey Arimaha la xiriira Badda Soomaaliya.
"Waxaan la kulmey Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway iyo nin la taliye ka ah Wasaaradaas waxaan weydiiyey Guuxa ku aadan in Norway ay ku lug leedahay arrimaha Badda Soomaaliya, waxayan ii sheegeen in aysan wax Lug ah ku lahayn arrimahaas” ayuu yiri Prof Yaxye Shiikh caamir oo intaa raaciyey:
"intii uu kulanka socdey waxay i tusiyeen Dukumenti aad uga hadlaya, waxayna i yiraahdeen waxaa loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka faa’iideystaan,” Waxana uu yiri isagoo hadalkii sii wata "waxaa la yaab leh in Norway ay noo sheegtey in Badda Soomaaliya ay ku Muransan yihiin Dowladaha Kenya , Yaman iyo Tansaaniya , waxaan weydiiyey? Waaba garan in Kenya iyo Yaman ay Xuduud la leedahay Soomaaliya hase yeeshe Tansaaniya halkee naga soo gashey, waxay yiraahde en: Tansaaniya waxay sheegeysaa baddiina dhankkeda kore in ay dadka ka dhaxayso oo laga kalluumaysan karo.”.
Ugu Dambeyntii Prof Yaxye Shiikh Caamir waxaa uu sheegey in Badda Soomaaliya haddii lagu soo Xad gudbo ay Dhici doonto in Badda Buluuga ah ay isku Badeli Doonto Bad Gaduudan Xitaa haddi ay isku raacaan Shanta dalka ee waaweyn , Khilaaf kasta ha noo Dhaxeeyo, marnaba ma ogaa laaneyno in Badeenna Taako ka mid ah Baddeena in lagu soo xadgudbo. "Badda Soomaaliya ee Bulu ugga ah waxay noqon doontaa Gaduud dhiig dartiis haddii la isku dayo in la qaato Taako ka mid ah.)))).
Qoraalkaa iyo wareeysigaa kadib.May ,2013. Waxaa I soo wacay rag Somali oo igu yiri: waxad sheegtay been,mana aadan tagin wasaarada arrimaha dibadda ee Norway ,mana la kulmin ileeyn cid ku qaabilee ma jirrin , waxaana nala soo xiriiray wasaarada arrimaha dibadda ee Norway. Si fudud ay aan ku iri: ii soo dira Emailadiina, waxaana u diray sawiradii iyo Magacyadii ragii aan la kulmay iyo ana ga oo dhaxjoogna wasaarada ,iyo phone video aan duubay,waxaan u sheegay sababta aan u tagay markii hore in ay aheed arrin wax barasho laakin bacdamaa aan soomali ahay ay arrintan igu soo qaa deen madaxda Norway qaarkeed… waxa aan la yaabay waxa soomaalidanu ay uga caroodeen wada hadalkan iyo wax ka khuseeya.
Guul ayaan u rajeeynaa inta ku howlan difaaca badda.
Qore: Yahya Amir.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 22-KA SABTEMBER 2016KA
MADAXWEYNAHA OO MAR KALE KU BAAQAY IN LA DHOWRO NIDAAMKA IYO HABRAACA DOORASHADA 2016KA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay aa mar kale ku baaqay in la dhowro nidaamka doorashada 2016 ee la filayo in d