
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 17-KA AGOOSTO 2016-KA
Ruushka ayaa kala hadlay Iiraan sidii iskaashi dhinaca milateri u dhex mari lahaa, iyadoo lab ada dal ay taageero xooggan u muujiyeen Bashaar AlAsad.
Iiraan ayaa taageer weyn u fidisay Bashaar AlAsad, tan iyo markii uu bilowday kacdoonkii ka dhanka ahaa sanadkii 2011.
Waa markii u horeysay oo uu Ruushka isticmaalo saldhig ay leeyihiin Iiraan, si uu ugaga duu lo kooxaha ku kacsan dowladda Suuriya.
ABUU MUSCAB IYO SARAAKIIL SARE OO KATIRSAN URURKA AL SHABAAB OO LA DILAY IYO ABUU CUBAYDA GACANTA LAGU DHIGAY
Warar aan Weli la xaqiijinkarin ayaa sheegaya in Howlgal ay isla fuliyeen ciidamada sida gaa rka ah u tababaran ee kumaandooska Soomaaliya ee Danab iyo ciidamo Maraykan ah lagu dil ay Abuu Muscab, Howgalkani ayaa ka dhacay degmeda Saakow ee Gobolka JubaddaDhexe.
Wararkan oo aan weli si rasmi ah loo shaacin ayaa waxaa tabisay wakaalada wararka ee xinhua iyadoo Sheegtay in Afhayeenkii Al Shabaab iyo saraakiil kale oo Sarsare lagu dily howlgalka asi.
Hawlgaladani ayaa dhacay maalmo kala duwan, laga soo bilaabo 10agoosto ilaa 13augo ost ee bishan aynu ku jirno.
Sarkaal ku dhow xukuumadda ayaa u sheegay wakaalada wararka xinhua in howlgaladaasi ay dhaceen 10kii bishaan August waxaana lagu bartilmaamaysaday 13sarkaal oo ka tirsan Alshab ab oo markaasi ku sugnaa degmada Sakow.
Sarkaalkan ayaa sheegay in loo maleenayo in howlgalka lagu dilay hogaamiyaha Xarakada Al-shabab ee Abu Cubeyda, sarkaalka ayaa tilmaamay in sidoo kale ay jiri karto in howlgalka lagu qa tay Abuu Cubeyda, laakiin waxa uu xaqiijiyay in Abuu muscab iyo Rag kale oo Sarsare lagu dilay Howlgalkaasi.Xigasho Dhacdo.com
BEESHA CARAB SOOMAALI OO QEYLA DHAAN KA SOO SAARTAY QOONDADA BAARLAMAANKA CUSUB..
Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulankii ugu ballaarnaa oo ay ka soo qeyb ga leen qeybaha bulshada ku abtirsada Carab Soomaali, waxaana kulankaasi ka soo qeyb galay waxg arad, odayaal, siyaasiyiin, aqoonyahano, dhallinyaro iyo hawen.Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in mo wqif mideysan laga qaado qoondada beesha uga soo aaday Baarlamaanka cusub oo ah hal xubin, iyadoo khudbadihii halkaasi laga soo jeediyay si weyn looga horjeestay arrintaasi.
Guddoo miy aha Jaaliyadda Carab Soomaali Md. Xuseen Saalim oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa sharaxaad ka bixiyay qowmiyada Banaadiriga oo uu sheegay inay degan yihiin min ra as kambooni ilaa iyo raas caseyr."Hal kursi ayaan ku heysanaa aqalka Baarlamaanka, anagoo Soomaaliya oo degan, waxaa naga maqan kaliya inaan isku nimaado oo hal kalimad, waxa aan hadda ku socono wax fiican ma aha” ayuu yiri Guddoomiyaha jaaliyadda Carab oo sheegay in kulankaan uu ahaa midkii ugu horeeyay uguna ballaarnaa.
Xubnaha halkaasi khudbadaha ka jeediyay waxaa kale oo ka mid ah Marwo Baarliin Cadami oo ku boorisay madaxda sare ee dowladda inay dib u eegaan xuquuqda ay leeyihiin beelaha Bana adiriga, waxayna tilmaantay in beesha CarabSoomaali lagu xariqay shirkii Carte, hadana ay la’dahay xuquuqdeeda, waxayna madaxda ka dalbatay arrintaasi inay u eegto.
MAXAABIIS KU XIRNEYD XABSIGA GUANTANAMO OO IMAARAADKA CARABTA LOO WAREEJIYAY
Markii ugu horeysay tan iyo markii xilka madaxtinimada dalka Mareykanka uu qabtay Madax weyne Obama, ayaa maxaabiis ku xirneyd Xabsiga weyn ee Guantanamo Bay loo wareejiyay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.
Wasaarada Gaashaandhiga dalka Mareykanka ee Pentagonka ayaa xaqiijisay maxaabiistaan in loo wareejiyay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.
Tirada Maxaabiista la wareejiyay ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 15 ruux oo 12- ka mid ah yihiin maxaabiis u dhalatay dalka Yemen.
Saddexda kale oo aanan la sheegin rasmi ahaan dhalashadooda halka ay ka soo jeedo, ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay ku jiraan kuwa u dhashay dalka Afghanistan.
Ilaa hada ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay in Maxaabiistaan loo wareejiyo dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.
Xabsiga Guantanamo Bay ayaa ah xabsi ku yaalo dalka Cuba, waxaana maamula Dowladda Mareykanka, halkaasi waxaa ku xiran maxaabiis fara badan oo intooda badan loo haysto arimaha la xiriira argagixisada.
Maxaabiista lagu xiro xabsigaan ayaa la kulma ciqaab kala duwan oo ay kala kulmayaan Askarta gacanta ku haysa xabsigaan.
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN OO AMARO DUL DHIGAY HOTEELADA KU YAAL MAGAALADA BALEDWEYNE
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar, ayaa soo saaray awaamiir ku socota Hotelada iyo Maqaayadaha ku yaalo Magaalada Baledweyne.
Amarkaan ayaa ku aadan in Hotelada iyo Maqaayadaha ku yaalo Magaalada Baledweyne aanan lagu qaban karin Shirar uusan Maamulka ka warqabin, xilli Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan dhawaan ay iclaamiyeen inay dib u bilaabayaan Shirka Dib u heshiisiinta Beelaha wada dega Gobolka Hiiraan.
Yuusuf Axmed Hagar ayaa sheegay Hotelkii lagu qabto shir aanan Maamulka ka warqabin in ciidamada ammaanka ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan. Amarkaan ayaa soo ba xay maalntii Isniinta, waxaana lagu soo saaray Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gob olka Hiiraan, iyadoo Taliska ammaanka Gobolkaasi la faray fulinta amarka ka soo baxay Guddo omiyaha.
AXMED MADOOBE IYO TALIYAHA BOOLISKA OO KORMEERAY SALDHIGA ISGAARSIINTA CIIDANKA BOOLISKA KISMAAYO …
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Somaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya Maxamed Sh, Xasan Xaamud ayaa Shalay Talaado 1682016 kormeer ku tagay Saldhiga Ciidamada Booliska Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha iyo Taliyaha ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Saldhiga Magaalada Kismaayo oo hada Talis guud u ah Ciiidamada Booliska Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha ayaa booqday qaybta Isgaarsiinta Ciidamada Booliska iyadoo Madaxweynahu uu si toos ah ula hadlay Saldhigyada Ciidamada Booliska ee Muq disho Baladweyne Jowhar Carmo iyo Baydhabo isagoo ka xog waraystay sida ay shalay ku waaba riisteen iyo xaaladaha guud ee Magaaloyinkaas.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu sarakiisha ku sugnaa Saldhigyada kala duwan ee Somaliya uu kula dardaarmay in ay laba jibaaran hawlaha Qaran ee ay hayaan isla mark ana ay ku dadaalan sidii qalabka ay isticmaalayaan uu u noqon lahaa mid xafidan oo aan cadawga u gudbin.
Intaas kadib Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliy eed waxaa ay kormeereen qaybaha Tababarka waaxda dambi baarista iyo qaybta musiko iyadoo uu Madaxweynahu uu dhamaan warbixino ka dhagaystay Sarakiisha iyo hogaanada kala duwan oo qaybaha Ciidamada Booliska Jubbaland.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ahna Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland wuxuu sheegay in ay muuqato rajo ah in ay soo noqonayso haybadii Ciidamada Booliska Somaliyed oo waliba ku hawlgalaya adeegyo casri ah wuxuuna cusay in ay abuurayso jawi muujinaya in ay soo noqonayso Xasiloonidii Dalka.
Balse Madaxweynahu wuxuu cadeeyay in loo bahan yahay in la xafido dhamaan qalabka Ciidamada gaar ahaan isgaarsiinta oo uu sheegay in hadii cadawga ay u gacan gasho ay tahay dhabar jab weyn loona bahan yahay in masuuliyad la iska saaro.
GAAS OO AWAAMIIR SIIYAY HEY’ADDAHA QARAMADA MIDOOBEY EE FADHIGOODA YAHAY GAROWE
Madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa shalay xarunta Madaxtooyada Garowe kula kulmay Mas’uuliyiinta Xafiisyada He y’addaha Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yah ay Garowe, iyadoo kulankan looga hadlay arrimaha bani’aadanimada iyo mashaariicda horumarin eed.
Kulankan ayaa looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomay howlaha mashaariic ee ay Hey’a ddaha Qaramada Midoobey ka fuliyeen Puntland iyo kuwa wali qabyada ah sababaha ay u qabs oomi waayeen, iyadoo Madaxweynaha Puntland uu awaamiir adag siiyay hey’adaha.
Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay Wakiilada Qaramada Midoobey ee Xafiiska Gar owe inay doonayaan in si dhow ula socdaan dhaqaalaha lagu soo qaado magaca Puntland, isla markaana la mariyo meelihii loogu tala galay, si ay bulshada u helaan adeegyo wax tar u ah.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku wargeliyay Hey’adaha Qaramada Midoobey in ay u soo gudbiyaan shaqaalaha ka shaqeeya dhammaan xafiisyada hey’addahaas oo aanay ku jirin shaqaalaha ajnabiga, si ay u bixiyaan canshuuraha ku waajibay.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay howlaha Hey’adaha Qaramada Mido obey ka hayaan deegaanada Puntland loo baahan yahay in la gaarsiiyo deegaanada fog ee miyiga
DONALD TRUMP OO SHEEGAY INUU IMTIXAANI DOONO MUSLIMIINTA MAREYKANKA TAGEYSA, HADII UU GUULEYSTO …
Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay inuu qa adi doono tallaabooyin adag oo lagu hubinaayo Dadka Muslimiinta ah ee galaayo dalka Mareykanka hadii uu ku guuleysto xilka Madaxtinimada dalkaasi.
Trump ayaa sheegay qorshihiisa hubinta Muslimiinta dalka Mareykanka inay tahay inuu ka qa ado Imtixaan ku aadan gelitaanka dalka Mareykanka, kadibna qofkii ku guuleysta Imtixaankaasi kal iya inuu galaayo dalkaasi.
Waxa uu sheegay inuu dib ka faahfaahin doono nooca uu noqon doono Imtixaanka uu ka qaa dayo dadka Muslimiinta ah ee dalka Mareykanka galaayo, balse hada taasi ay tahay qorshaha uu damacsan yahay oo si hor dhac ah uu u sheegay.
Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga dalka Mareykanka ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxwe yne Obama, waxaana uu ku eedeeyay isaga iyo Hillary Clinton inay masuul ka yihiin dagaalada ka socda Bariga Dhexe.
Trump oo ka hadlaayay dagaalka uu la geli doono Kooxda IS ayaa sheegay inuu xulafo la sameysan doono Dowladaha sida adag kaga soo horjeeda Daacish, waxaana uu ka xusay Ruushka iyo Masar, isaga oo ku dhawaaqay magacyada labadaasi Madaxweyne inuu xiriir la sameyn doono.
Maalqabeynkaan dalka Mareykanka u dhashay ee doonaya inuu qabto hogaanka dalkaasi, ayaa hada u muuqda mid dib uga noqday hadaladii adkaa ee uu ku weerari jiray dadka Muslimiinta ah ee dalka Mareykanka ku nool, xilli uu horay u sheegay in dalkaasi uu ka mamnuucayo dhamaan dadka Muslimiinta ah.
Doorashada Madaxtinimada dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhiman waxyar waxaana si aad ah u socda Ololaha ay wadaan Musharaxiinta.
HOWLGAL DAD BADAN LAGU SOO QABTAY OO LAGA SAMEEYAY DEGMADA DAYNIILE
Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa howlgal ay habeen hore ka fuliyeen Degmada Day niile ee Gobolka Banaadir waxa ay ku soo qabteen dad gaaraya 100 ruux, kuwaasi oo ahaa dhaliny aro laga soo aruuriyay Xaafadaha Degmada Dayniile.
Howlgalkaan ayaa la sheegay in ciidamada ay ka sameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Dayniile, waxayna hal meel isugu geeyeen tuhmanayaashii ciidamada ammaanka ay soo qabteen.
Boqolka ruux ee ciidamada ay soo qabteen ayaa la sheegay baaritaan dheer iyo kala saarid kadib in ciidamada ay kala soo dhex baxeen saddex ruux oo looga shakiyay arimo ku aadan Shab aabnimo.
Ciidamada ayaa soo kaxeystay saddexdaasi ruux oo la aaday xarumaha baarista ciidamada NISA ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo baaritaano dheeri ah lagu sii marsiin doono. Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA, ayaa sheegay ciidamada ammaanka inay wadaan maalmahan dambe howlg alo lagu xaqiijinaayo ammaanka Magaalada Muqdisho.
Muddooyinkii dambe ammaanka Muqdisho ayaa ahaa mid aanan wanaagsaneyn, xilli ciida mada NISA ay soo bandhigayeen gaadiid ay sheegeen inay soo qabteen oo qaraxyo ay ka buuxaan.
WADAMADA ISBAHAYSIGA OO DAD RAYID AH KU LAAYAY MAGAALADA ABS EE WAQOOYIGA YEMEN..
Isbahaysiga Carabta ee uu hogaamiyo Sacuudiga, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay burburiy een isbitaal ku yaala Magaalada Abs ee Waqooyiga Wadanka Yemen, ka dib markii ay diyaarad dag aal garaacday.
Ugu yaraan 11 qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay duqaynta, iyadoo 19 kalana lagu dhaawacay. Dadka ku waxyeeloobay duqayntan ayaa waxaa ku jira carruur iyo dumar.
Shacabka ku nool xaafadaha ku dhow dhow isbitaalka la duqeeyay, ayaa u gurmaday dadkii ku waxyeeloobay duqayntaasi.
Hay’adda MSF oo maamusho isbitaalkan, ayaa waxay Wadamada Carabta ku eedeysay inay bartilmaameysadeen isbitaal ay daryeel bani’aadanimo ugu fidinaysay dadka nugul.
Wadamada isbahaysiga, ayaan weli ka hadlin duqaynta ka dhanka ah isbitaalka ku yaala Mag aalada Abs, waxaase suurtagal ah in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.
Maaha markii ugu horeysay oo Wadamada Carabtu ay garaacaan goobaha hubka ka caagan, xilli ay ku andacoonayaan inay beegsanayaan Maleeshiyada Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta.
9 ASKARI KA TIRSAN AMISOM OO XABSI LAGU XUKUMAY, KADIB MARKII LAGU HELAY XATOOYO
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Uganda ayaa shalay dambi ku heshay 9 askari ka tirsan howl galka AMISOM, kuwaasoo bishii June ee la soo dhaafay la qabtay, iyagoo ku guda jiray iibsashada shidaalka ciidamada AMISOM.
Sagaalkan askari ayaa lagu xukumay xabsi u dhaxeeya sanad illaa saddex sano, waxaana la gu xukumay sababo la xiriira si xun u dhaqankooda, isla markaana ay ku kaceen dano shaqsiya deed oo halis ku ah ciidamada difaaca Uganda.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Uganda Dick Olum iyo koox saraak iil ka socotay AMISOM oo bishii la soo dhaafay Muqdisho u yimid maxkamadeynta askartan ayaa xukunka riday
Ka sokow askarta xabsiga lagu xukumay, saddex askari oo kale ayaa sidoo kale laga eryey ciidanka, ayaga oo aan heli doonin wax lacag ah oo ku saabsan muddadii ay ciidanka u shaqeynay een.
Askarta loo xiray falkan dambiga ah bishii June ayaa ahaa shan askari, hase yeeshee baari taan kadib ayaa la ogaaday in tirada guud ee askarta ku lugta leh falkan ay ahaayeen 18 askari, ayada oo lix ka mid ah dambiga lagu waayey.
AFHAYEENKA WASAARADDA AMNIGA "SADDEX SARKAAL OO MUHIIM AH AYAA LAGU DILAY HOWL GALKII SAAKOW”
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Kaamil Macalin Shugri
ayaa sheegay in saddex sarkaal oo ka tirsan Al
Shabaab lagu dilay howl gallo ka dhacay duleedka degmada Saakow.
Cabdi Kaamil oo shalay wariyeyaasha kula hadlayay Wariyeyaasha ayaa sheegay in 13kii bis han Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ay howl gal toos ah ku beegsadeen xubno muhiim ah oo ka tirsan AlShabaab.
"13kii bishan Ciidamada gaarka u tababaran ee sida gaarka u ugaarsada argagixisada ayaa howl gal qorsheysan ku beegsadeen meel duleedka ka ah Saakow, halkaasoo lagu dilay saddex sarkaal oo ka tirsan AlShabaab, magacyadooda dib ayaa ka soo sheegi doonaan iyo marka uu soo gaba gaboobo warbixinada”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa intaa ku daray inay jiraan saraakiil ku dhaawacmay howl galkaas, kuwaasoo uu isna xusay inay dib ka soo faah faahin doonaan magicyadooda sida uu hadalka u dhigay.
Wararka ku saabsan howl galkan gaarka ah ee laga fuliyay Gobolka Jubadda Dhexe ayaa ah aa kuwo maalmihii la soo dhaafay isa soo tarayay, waxaana wali jirin warar rasmi ah oo ku aadan howlgalkan.
Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa habeen hore sheegtay in howl gallo laga sameeyay Jubadda Dhexe lagu dilay sarkaal muhiim ah, isla markaana dib ka soo sheegi doonaan.
Warbaahinta Caalamiga qaarkood iyo kuwa maxaliga ayaa qorayay labadii maalmood ee la soo dhaafay inay u badan tahay in howl galka ka dhacay saakow lagu dilay Hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka AlShabaab oo ku aadan wararkan tashwiishka ku jira ee la xiriira in la dilay saraakiil muhiim ah
FARMAAJO "KAARKA AQOONSIGA EE DOWLADDU SOO ROGTAY WAA IN MARKA HORE BAARLAMAANKA LA GEEYO OO LA ANSIXIYO
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Musharax u taa gan xilka Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dowladda in si bilaash ah dadka loogu sameeyo kaar arka aqoonsiga ee dhowaan Hey'adda Nabadsugida fartay in dadka reer Muqdisho ay qaataan.
Farmaajo ayaa sheegay inay jiraan dad aan awoodin inay sameystaan kaararka aqoonsiga, isla markaana looga baahan yahay in dowladda dhaqaale u hesho dadka, si loogu sameeyo si bila ash ah.
Mr Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay aheyd in Baarlamaanka la horgeeyo si uu u ansixiyo, isagoo xusay in horay Baarlamaanka horay u diiday kaararka aqoonsiga. "Kaararka aqoonsiga wax sahlan ma ahan waxay u baahan tahay in Baarlamaanka la geeyo la ansixiyo, horay waxaan u ogeyn in Baarlamaanka uu joojiyay arrintaas, dad aan awoodin ayaa jira oo lacagaha bixin karin, dowladda hada waqtigeeda dhamaanaya waa in dadka ay si bilaasha h ugu sameeyaan”ayuu yiri Farmaajo oo intaa ku daray in dowladda soo socota looga baahan yahay inay xoojiso kaararka aqoonsiga si arrimaha amniga muhiim ugu noqoto.
Dhinaca kale Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda in aysan han tida shacabka aysan u adeegsan doorashada soo socota."Waxaa ugu baaqayaa Madaxda dowladda inaanay hantida shacabka ka dhaxeysa aanay doorasho lagu gelin, waxaa codsanayaa in mushaar aadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamada qalabka sida la siiyo, waxaa ognahay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha labaduba yihiin musharax”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Farmaajo.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii Taliyaha Hey’adda Nabadsugida Jen. Gaafow uu faray shacabka Muqdisho inay qaataan kaararka aqoonsiga, iyadoo looga digay dadka aanan qaadan in aanay waxba u fududaan doonin, hadii ay tahay adeegyada aas aasiga, sida Isbitaalada, goobaha waxbarashada, waxaana cid aan sameysan lagu wargeliyay in aanay ka dhoofi karin garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Dad badan ayaa is weydiinayay sababta xilligan ku soo beegtay in la qaato kaararka aqoonsi ga, iyadoo dowladda hada jirta waqtigeeda sii dhamaanayo, isla markaana doorasho la galayo, qiim aha kaararka aqoonsiga lagu sameynayo ayaa ah lacag dhan $17 doollar oo qofkiiba laga rabo
Banaanbax xoogan oo ka socda magaaladda Hageysa
Boqolaal banaanbaxyaal ah ayaa manta isugu soo baxay magaaladda Hargeysa ee Xaruunta Maamulka Somaliland, kuwaasoo ka soo horjeedo isku shaandheyntii uu sameeyay Madaxweynaha Maamulkaasi.
Iskushaandheenta ayaa waxaa lagu sameeyay golaha wasiiradda Maamulka, waxaa ay saa meeysay siyaasiin badan oo can ka ahaan Somaliland. Ilo wareedyo aya Radio Dalsan u sheegay in banaanbaxay looga soo horjeedo Xilka qaadistii lagu sameyay Wasiirka Arrimaha Gud aha Cali Maxamed Waran Cadde, inkastoo uu dhawaan Facebookkiisa uu ku cadeeyay iinuu horjee do in uu noqdo wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya.
WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA OO CADAADO FURAYA WADAHADA U DHEXEEYA AHLUSUNNA IYO GALMUDUG
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxaed Xuseen Odawaa, ayaa shalay lagu wadaa in uu kulamo la qaato, masuuliinta maamulka Galmudug.
Ujeedka socdaalka wasiirka ayaa lagu sheegay, dhowr arrimood oo isugu jira amniga, doora shooyinka iyo dib u heshiisiin laga dhex wado Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.
Sidoo kale waxaa jira warar sheegay in uu shalay tagi doono, degmada Godinlabe, oo ay sha lay la wareegeen maleeshiyo hubeysan.
Masuuliyiinta Ahlusuna waljamaac, oo la hadlay idaacadda Dalsan, waxaa ay sheegeen in aysan ka warqabin kulamada la sheegayo in uu la leeyahay.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND DR C/WALI MAXAMED CALI GAAS OO KULAN LA QAATAY TALISKA BOOLISKA PUNTLAND
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay 16 Agoosto, 2016 Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska Pun tland, kuxigeenkiisa iyo dhammaan taliye qaybeedyada gobollada Puntland.
kulankaan u dhexeeyey Madaxweynaha iyo saraakiisha ciidanka Booliska ayaa daarranaa si dii looga wada tashan lahaa amniga gudaha Puntland, si looga gaashaanto damaca dhagar qabay aashu ay la doonaayaan in ay kuwaxyeelleeyaan amniga iyo xasilloonida ka jirta magaalooyinka Puntland.
Taliye qaybeedyada sagaalka gobol ee Puntland oo kulankaan goob joog ka ahaa ayaa Mada xweynaha uga warbixiyey tallaabooyinka horumarineed ee u qabsoomay iyo caqabadaha kala duwan ee ay la kulmaan xilliyada ay hawlgallada ammaanka lagu sugayo ka wadaan gudaha maga alooyinka Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa Taliyaha ciidanka Booliska iyo dhammaan taliye qaybeedyada ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, waxaana uu ku boorriyey Mada xweynuhu in ay sii dardargeliyaan shaqooyinkaasi si uu shacabka Puntland ugu sii noolaado naba dgelyo iyo dawladnimo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale saraakiishaan ku maray in ay si dhab ah ula shaqayeena maamullada Degmooyinka iyo gobollada ay ka hawl galaan si loo xaqiijiyo bixinta canshuuraha iyo hirgelinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, isla markaana ay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid walba oo ay kala kulmaan musuqmaasuq iyo wax isdabo marin.
Ugu dambayn Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey hawlgallada lagu xaqiijinayo naba dgelyada ee ay ciidamada PSF iyo kuwa DANAB oo iskaashanaya ay ka wadaan magaalada Gaal kacyo isla markaana ay kusoo qabteen shaqsiyaad ka mid ah dhaqar qabayaasha alshaabab ee xal aashaday dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO
Shabelle Relief and Development Organization (SHARDO)
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS
KA FAA'IIDEYSI XIFRAD WAXBARASHO: SHARDO waa urur Soomaaliyeed oo faa'iido doon ahayn, kana shaqeynaayay wadanka mudo ka badan 20 sano.
Mashaariicda UrurkaSHARDO uu u qabto waxaa ka mid ah:Tababaradaxifradahashaqoabuurka,Caafimaadka,Nafaqeynta,Waxbarsashadaiyomashaariickaladuwan.
UrurukaSHARDOwuxuuhaddahayaafursadocusubookaladuwansida:-
1.Tailoring and tie and dye (harqaaniyonaqshadeeyntadharka)
2.Electricins tallation (Korontaxirid)
3.Fish Vender (KalluunDubis)
SHURUUDAHA LAGA RABO SOO CODSADAHA WAA SIDA SOO SOCOTA:
Haddaba haddii aad dooneysid inaad baratid xirfadahaas ama bartid (Bar ama Baro)
Ardaygii rabo barashadaan mid ka mid ah3-daxirfadood waxaa laga rabaa
·Waa inuu yahay Soomaali
·Waa inuu da'diisu u dhaxeysa 18 ilaaa 35 sano jir
·Waa inuu soo codsadaa xirfadaha aan soo sheegnay midood
·Waa in ay kago'an tahay barashada iyo dhammeysashada xirfadda uu soo codsaday
·Waa inuu jir iyo maskaxba caafimaad qabo
·Waa inuusan wax dambi ah ka galin bulshada
·Waa inuu la yimadaa qof dammiin ah
·Waan inuu ku shaqeeystaa xirfadda labaray ka dib markuu barto
·Waa inuu yaqaanno aqriska iyo qorista Af kaSoomaliga iyo xisaabta asaasiga ah
·Waa inuu deggan yahay Gobolka Banaadir
FIIRO GAAR AH:
·Barashadaharqaankaiyonaqshadeentadharka iyoKallundubistawaxaakaliyasoocodsankaraDUMARKAookaliya
·BarashadaxirfaddakorontadawaxaasoocodsankaraRaggaookeliya
Qofkiidhammeystabarashadaxifradahaaansoosheegnaymidood UrurkaSHARDOwuxuusiindoonaaAGABKIIuukushaqeysanlahaaiyoSHAHAADO.
Qofkiidaneynaayofursadahaaswaainuula yimaado4xabbo Sawirtesstaroahiyogalamafayl.
SHURUUDAHA BARAHA LOOGA BAAHAN YAHAY:
WaxaansidookaledaneynaaMacalinamabareoobixiyadaruustaKallundubista(Fish vender)
MACALINKA XIRFADAKALLUN DUBISTAAYNU SOO SHEEGNAY WAXAA LAGA DOONAYAA:
·Waa inuuheestaaqoonsigaCadeynayaaqoontauuxirfadaanuleeyahay (SHAHAADO)
·Waainuuqibraddheeruleeyahaymacallinnimadamuddoaankayareen2 Sano
·Waa inuu la yimaado CV,Warqad codsi,Gal iyo 4 Sawir oo testaro ah
Araaajida waxaa lagu soo hagaajinkaraa xafiiskaSHARDO ay ku yaallo degmada SHIBIS gaar ahaan xaafada BEYXAANE.
Qabashada araajida waxaay socon doontaa inta u dhaxeysa 15-kailaa 27-ka August 2016.
Dadka la qabanaayo wey xadidan yihiinee horay u gaar.
Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad kala xiriiri kartaan talefannadaan hoos ku qoran
0617020887/0615546938/0615598993
ama E-mail: shardo95@yahoo.com/shardo@shardo.org:
...............................................................................................................................................................
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 17-KA AGOOSTO 2016-KA
RUUSHKA OO BILAABAY INUU ISTICMAALO SALDHIG KU YAAL IIRAAN, SI UU UGA DUQEEYO SUURIYA Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay inay bilowday isticmaalka saldhig ku yaala galbeedka dalka Iiraan, si halkaas diyaaradahooda dagaalka uga kacaan, una du