
MAQAAL: TEESARE U GAARA BANAADIR
Dadweynaha ku dhaqan Xamar markey maqleen qiimaha lagu goosan karo teesaraha waxay u qaateen in labaatanka doolar la siinaayo qofki teesara soo doonta ama codsi u soo qorata, waana aqbali waayeen in qofka raba inuu goosto teesaraha laga rabo inuu isagu bixiyo lacagtaas!!!.
Madaxda gobolka ama munishiibiyada waa dad heysta waxay cunaan, qiimaha teesaraha u arka wax ay qof kasta bixin karto. Waxaa lagu mithaalay afadii uu qabay boqorkii Faransiiska ee laafgembiyay sannadkii 1789 oo la dhihi jiray Louis XVII, afadaas oo magaceedu ahaa Mariye Antoniette…taasoo markayaragtaydadweynihi oo dhan oo bannanbax sameynaya ay tiri ”dadkaan maxay rabaan maxaa ka maqan”? Markaasaa la yiri ”waxay rabaan oo ay la’ayihiin rooti ay cunaan” waxay ku jawaabtay ”haddey rooti waayeen doolshe ama keek ha cunaano.”ma aaminsaneyn in jirto qof baahan oon heysan waxay cunto.
Xildhibaanada iyo shaqaalaha dowladda ha lagu khasbo inay qaataan teesaraha oo laga yaabo inay diidaan, waayoo waxay badankoodu sitaan baasabooro dalal kale oo ajnabi ah, waxaan u maleynayaa in aan lagu khasbi karin inay qaataan warqad aqoonsi ee Xamar ka soo baxday…qaarkood waa dhici karta inay iskala weyn yihiin.
Waxaa la isla dhex marayaa in Jen. Gaafow iyo Gudd. Madaale ay dano u gooniya ku wataan ayna rabaan in xilligaan kala guurka ah ay dowladda oo dhan isbeddeeleyso ka qabsadaan wixi ay heli karaan oo lacag kaash ah muddada yar ee u harsan dowladda hadda talisa. Madaale iyo Gaafow waxaysan ogeyn in dadka Xamar ku nool ay ku jiraan halgan joogta ah si ay u soo saaraan nolol maalmeedkooda…haddii la saaro cadaadiska ay sheegayaan oo ah xarig iyo shaqo ka joojin dadka xoogsada ay magaalada oo dhan qarxi doonto markey dibadda uy soo baxaan hal malyan oo ruux oon heysan meel ay u laabtaan ama ay ka quudiyaan caruurtooda.ARRINTAAN HALA JOOJIYO AMA QIIMAHA TEESARAHA HA LAGA DHIGO HAL DOOLAR..HADDII AAD RABTO IN LAGU ADEECO WEYDIISO WAXA LA YUWAADO!!! Waa xikmad carabi ah.
Banaadir waa gobolka ugu nasiib daran dalka oo dhan. Waxaa ku nool sida la xaqiijiyay sedddax malyan oo qof oon lahayn wakiil ku mathala golayaasha dowladda oo dhan…inta talada gobolka heysa waa dad loo soo magacaabay oo ka dhigay masiirki dadweynaha mid ku jiro gacan masu’uliin naxariis laaweyaal ah oo aad uga liita garashada iyo qiimeynta heerka nolosha shacabka Banaadir. Haddii aan si kooban uga hadalno Madaxda degmooyinka waa loo soo magacaabaa, dadkuna kuma laha wax talo ah, inkastoo ay yihiin shacabka tiro ahaan ugu badan ee canshuurta dalka lagu maamulo ka bixiya jeebkooda…mararka qaar iyagoon heli karin!!!
Waxaa jira gobollo ay ku nool yihiin dad tiro ahaan ka yar inta degmada Wadajir deggan, haddana la siiyay kuraas dheeri ah oo la garan waayay sababta ay ku muteysteen, kaaga darane aysan weliba raalli ku ahayn.Gobolka Banaadir cid u maqan ama danihiisa ka hadasha ma jirto…waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in KAAWOOYINKI DHAGAXA EE KAARAAN IYO CEEL-MACAAN AY KA MID NOQDEEN WARSHEIKH. XEEBTA JASIIRA EE KU DHEGGAN DEMADA WADAJIR LAGA XAKUMO AFGOOYE OO AY TEESARAHA KA QAADAN DOONAAN MARAAN DHEEREYN.
Xuduuda caasimadda waa inaysan ka yaraan boqol kiilometer oo dhinac walba ah . Nassib darro cid u maqan Banaadir ama arrimahaan ka hadasha weli lama arag inti Guddoomiye loo soo magacaabayma jiro mid ka hadlay xuduudaha Xamar waxaanabilawday mar hore kala booboobka Xamar, waa tii la yiri CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA , waxaa rumoobay halki-ku-dhegi ahaa BANAADIR NOBODY’S LAND!!!
Axmad Calasow
bashaar10@outlook.com
MAQAAL: TEESARE U GAARA BANAADIR
(Banaadir Nobody's land) Waa khasab in Teesare ama warqadda aqoonsiga in la qaato waaxaana waajib ka dhigay si loo aqoonsado dadka ku nool dalka oo dhan. Waana waajib kale in la fuliyo, waxaase ku hoos qarsan dibindaabyo dano qarsan ay ka dam