
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 13-KA AGOOSTO 2016-KA
Madaxweynaha oo munaasabaddan uu ku wehliyay Madaxweynaha Dowlada Degaanka Soomaalida Itoobiya , Md.Cab di Maxamuud Cumar, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ka muuqda degaanka, isagoo intaa ku darey inuu aaminsanyahoo in guulaha la gaarey ay sabab u tahay wadashaqeynta iyo isku duubnida shacabka iyo Dowlad Degaan ka Soomaalida Itoobiya.
Waxaa uu Madaxweynaha xusay hor umarka gobolka Geeska Afrika uu ku xir an yahay hadba sida looga shaqeeyo nab adda iyo xasiloonida, haddii labadaas la helana ay jiri karto rajo horumar dhan kasta ah lagu gaari karo.
"Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka sameysay dhinaca amniga. Wa xaa dalka lagu qabanayaa doorashooyin. Ciidammada Midowga Afrika oo Itoobiya ay ka mid tahay ayaana gacan weyn na ga siiyay inaan xasiloonida dalka ka shaq eyno. Waxaa labada dal ka go’an inay bur buriyaan shabakadaha argagixisada ee nolosha u diiddan dadyowgeena. Waxaan shacabka ka dooneynaa inay nagu taage eraan halganka aan ugu jirno inaan gobol kan uga dhigno mid la tartama caalamka intiisa kale’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud ay aa sheegay in shucuubta 2da dal ee So omaaliya iyo Itoobiya ay dhinacyo badan iska kaashan karaan, loona baahan yah ay in la dedejiyo barnaamijyada suurageli naya iskaashi dhaqaale oo dadyowga gob olka oo dhan ay ka faa’iideysan karaan.
Odayaasha dhaqanka oo iyaguna hal kaasi hadalo ka jeediyay ayaa ku amma anaye Madaxweyne Xasan Sheekh Max amuud iyo shacabka Soomaaliyeed dada alka ay ugu jiraan dib u dhiska Soomaal iya.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha booqday Jaamacadda M/Jigjiga oo ay dhi gtaan arday tiradoodu gaareyso 21,000 oo qof. Jaamacaddan ayaa sidoo kale leh kulliyad takhasus AfkaSoomaaliga ah.
Goobaha kale ee uu shalay uu booqday waxaa ka mid ah goobaha ganacsiga , iyo isagoo socod ku marey qeybo ka mid ah M/Jigjiga DHAMMAAD
MID KA MID AH MAS’UULIYIINTA M/MULKA DEGMADA SHIBIS OO SHALAY LA DILEY.
Wararka inaga soo gaaray degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay shalay degmadaasi ku dileen Gudoomiye Waax eedka 4aad ee Shibis.
Gudoomiye Waaxeedka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Ilyaas C/laahi Sh, iyadoo kooxihii dilka geystay ay ka bax sadeen goobta sida Dad goob jooga yaal ah ay Risaala u sheegeen. Afhayeen ka maamulka gobolka Bnaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in la dilay Gudoomiyihii Waaxda 4aad ee degmada Shibis C/laahi Ilyaas Sheekh, sidoo kalena ciidanka ammaan ka ay ku raad joogaan kooxihii dilka gey stay.Maalmihii u dambeeyay M/Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan ku waa oo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta dowladda iyo dad shacab ah.xigasho:radiorisa al.com
RA’IISUL WASAARE CUMAR C/RASHIID OO MUQDISHO KULA KULMAY WAFDI KA SOCDA SUDAN
Ra’iisul Wasaaraha XFS Cumar Ca bdirashid Cali Sharmaarke ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda dawladda Sudan oo hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Sudan Bahar Idris Abu Garda, Wasiiru Da wlaha Arrimaha Dibedda Sudan Kamal Ismail iyo masuuliyiin kale, waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga qotada dheer ee u dhexeeya 2da dal, isagoo soo gaarsiiyey Ra’iisul Wasaaraha Dhambaal uu ka sidey Madaxweynaha Sudan M/Cumar Xasan Albashiir.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay in do raad ay noogu yimaadeen Magaalada Muqdisho wafdi ka socda Sudan, kuwaas noo haya niyad wanaag iyagoona dadka Soomaaliyeed marxalad kasta oo soo ma rtay 25 sano ee soo dhaafay ay la qaybs anayeen oo ay garab istaagnayeen, wa xaana naga dhaxeya walaatinmo iyo isla antinimo, waxay u yimaadeen Soomaal iya inay idhahooda ku arkaan horumarka ka jira dalka , waana idinku soo dhaweyn aynaa Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisul Was aare Cumar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsadey inuu salaan iyo mahadnaq ka gaarsiiyo Madaxweyne Cumar Xasan Albashiir iyo shacabka Sudan sida ay mar walba u ga rab taagan yihiin Soomaaliya. Kulanka ay aa intii uu socday waxaa sidoo kale looga hadlay Arrimaha Iskaashiga Caafimaadka labada dal.
Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Sudane Sayid Bahar Idiris ayaa uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaara ha soo dhaweynta loogu sameeyey Soom aaliya, wuxuna tilmaamay in dalkiisu sii xoojin doonto taageerada ay la garab tag an yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey Wasiirka Arrim aha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiiru dawl aha Arrimaha Dibedda.
CIIDAN CUSUB OO TABABAR LOOGU SOO XIRAY M/BAYDHABO
199 askari oo boolis ah, ayaa tababar loogu soo xiray M/Baydhabo ee G/Baay, waxaana si rasmi ah loogu biiriyay Ciidan ka Booliska ee M/Mulka K/ Galbeed.
Ciidamadaan, ayaa waxay dhameys teen tababar socday muddo 3 bilood, iyad oona ay bixinayeen Saraakiil Booliska Amisom ka tirsan.
Munaasabaddii tababarka loogu soo xiraayay askarta, ayaa waxaa ka qaybg alay Taliyaha Ciidanka Booliska Somal iya, Gen. Maxamed Sh.Xasan Xaam ud, Taliyaha Ciidanka Booliska Amis om, An and Pillay, Kaaliyaha Hawlgalka Q/M. So maliya ee dhinaca booliska, Christophe Buick, G/Baarlamaanka K/Galbeed, C/ qa adir Shariif Sheekhuna Maye, Ku Xigeen ka Wakiilka Midowga Afrika ee Somali ya, haweeneyda lagu magacaab Lydia Wany oto iyo xubno kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya oo ka hadlaayay munaasabadaasi, ayaa sheegay in askartaan oo isugu jira rag iyo dumarba loo tababaray, inay ka shaqe eyaan xasiloonida dalka. Taliyaha oo she egay inuu ku faraxsan yahay in askartu hesho fursad tababar oo ceynkani ah, ay aa kula dardaarmay inay gutaan waajibaa dka shaqo ee loo tababaray, sidoo kalana ay aqoontoodu kaga faa’iideeyaan kuwa kale ee aan helin fursadda ay helayn.
Taliyaha Ciidanka Booliska Amisom, ayaa isna sheegay in askartani ay noq onayso qaybtii 3aad oo ay ku tababaraan M/Baydhabo, tiradoodu guudna ay gaare yso 600 oo askari.
Lydia Wanyoto, Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa shaha adooyinka guddoonsiisay Ciidamada Bool iska ee tababarka loo soo xiray. Kooxda Fannaaniinta Heegan, ayaa heeso mada daalo ah ka qaadeysay madashii munaas
abadda qalin jebinta ay ka socotay
XAAD "WAXAA CADAATAY IN NIMANKA DOWLAD GOBOLEEDYADA KA TALIYA INAY DAGAAL KULA JIRAAN XAMAR”
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ku eedeeyay in qaar ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyada dalka ay dagaal kula jiraan dadka degan Gobolka Banaad ir, isagoo ku tilmaamay go’aanadii ka soo baxay shirkii Madasha uu yahay mid dad ka la iska horkeenayo.
Xaad ayaa sheegay in Madaxda Madas ha Wadatashiga qaran aanay aheyn ku wo xaldoon ah, isla markaana aanay ra bin in dalka wax u dhismo, isagoo xusay inay qaadi doonaan mas’uuliyada wixii ka dhalata iska horkeena dadka Soomaali yeed.
"Fariin fiican ayay tuseen dadka reer Banaadir ama Xamar dega, waxooda xal doon iyo inuu wax dhismo ma aheyn ee dagaal ayay aheyd, waa garan gartaa qo lo xuquuqdooda inta heshay ayaa mar 2aad loogu daray iyo mar saddexaad loo gu daray, marka dadna waaa loo diiday in ta ay lahaayeen oo matalaad aqalka sare, qolana gacanta saddexaad ayay maraya an, waa wax la isaga horkeenayo dadka Soomaaliyeed oo la rabo inaan wax dhis min oo wax la dumiyo la rabo”ayuu yiri Nabadoon Xaad.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in Gobolka Banaadir aanu wax matalaad ah ku yeelan Aqalka sare, taasna waxaa uu ku sababeeyay in dadka dega deegaan ada aanay ku mintididin go’aankooda, si cadna aanay uga soo horjeesan.
"Nimanka ka taliya Dowlad goboleedy ada waxay dadka reer Banaadir tuseen in ay dagaal kula jiraan, mida labaad dadka xamar dega ee la qadiyay ayagana ma mi ntidin, mana muujin waxa la gudboo naa, dadka reer Banaadir waxay qabeen rajo ah in Soomaalinimo wax lagu qeybin doo no, laakiin ma dhicin, waxaana u cadaa tay in Madaxda dowlad goboleedyada in aysan Soomaalinimo wax ku qeybin oo Xamar iyo dadka dega dagaal kula jiraan.
Qaar ka mid ah Madaxda dowlad gobole edyada ayaa hortaagnaa in Gobolka Ban aadir matalaad ka helo aqalka sare, inkas too shirkii Baydhabo labo xubnood kaliya laga siiyay Aqalka sare beelaha Banaad iriga.
Go’aamadii ka soo baxay shirarkii Ma dasha ayaa ahaa kuwo dhaliyay iskahork een iyo khilaaf, waxaana go’aanada qaar ee Madasha loo arkayay kuwo ay isugu daneynayaan Hoggaamiyeyaasha.
AXMED MADOOBE OO SHIR GUDDOOMIYAY SHIRKA G/WASIIRADA
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Ma doobe), Madaxweynaha Maamulka Jubb aland, ayaa waxaa uu maanta shir gudd oomiyay shir ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Jubbaland, iyadoona uu ka qa ybgalay Madaxweyne Ku Xigeenka 2aad.
Shirkaan oo ka dhacay Xarunta Guriga Nabadda ee M/Kismaayo, ayaa waxaa lo oga hadlay arrimo ay ka mid yihiin inay dib u hawl bilaabaan Maxkamadaha Jubb aland, oo tan iyo bishii Ramadan aan sha qaynin iyo in la helo dhulal laga dhiso Maxkamadda Maamulka Jubbaland.
Intii uu shirku socday, ayaa waxaa la gu dhageystay soo jeedin ay samaysay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyayn ta, oo ahayd inay Jubbaland ka masuul ta hay Xarumaha Dowladda iyo guryaha dadka ajaaniibta ee ku yaala Magaalada Kismaayo.
Warbixintan waxay daba socotaa had al uu toddobaadyo ka hor jeediyay Mada xweynaha Jubbaland, oo ahaa inaanay dadka shacabku masuul ka noqon karin guryaha dadka ajaaniibta.
Md Axmed madoobe , ayaa qalinka ku duugay qorshaha xalka looga gaaraayo mushkiladaha ka taagan iskuulada ku ya ala deegaanada Jubbaland, oo aan iyagu ku mideysnayn manaahiijta waxbarasho.
Wasaaradda Waxbarashada & Tacliin ta Sare, ayaa sheegtay inaanu jirin iskuul ka mid ah kuwa dowladda oo si toos ah u hoostagga Wasaaradda iyo kala qaybsa naan dhinaca manhajka ah oo ka jirta is kuulada. Waxaa kaloo Wasaaraddu ay soo jeedisay in loo baahan yahay in isku ulada la hoos geeyo Wasaaradda oo ay Maamulkoodu la wareegto.
R/WASAARE KUXIGEENKA OO KA SOO HORJEESTAY QODOB KA MID AH HESHIISKII MADASHA
R/Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Ma xamed Cumar Carte ayaa ka soo horjees tay qodob ka mid ah heshiiskii Madasha Wadatashiga qaran, kaasoo ka hadlayay saami qeybsiga kuraasta aqalka sare ee xubnaha ka soo jeeda Somaliland.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa isa ga baxay shirka Madasha Wadatashiga, markii la akhrinayay war murtiyeedka, isa goo qoonsaday in qoondadii Somaliland ee aheyd 11 xubnood aqalka sare laga jar ay saddex xubnood.
Waxaa uu sheegay in arrintaas ay goc asho qabaan, isla markaana aanay aheyn mid u cuntami karta, isagoo dalbaday in Madasha Wadatashiga qaran ay dib u eegaan qodobkaas. "Aniga ka mid baan ahay Madasha, runtiina wax badan oo fiic ana ayay soo qabteen mudadii ay jirtan, laakiin waxaa moodaa qodobka ugu dar naa ee gocashada badan ka jirta waa qaabkii loogu qeybiyay beelaha dega So maliland, cid kasta iyadaa taqaan sida ay u qeybsanayaan, ayaga in loo daayo ah eyd dadka deegaanka waa is yaqaanaan, dowlad goboleedyadaba iyada qudhooda cid looma qoondeyn, marka waa in saami qeybsiga dib loogu noqdo”ayuu yiri Ra’ iisul Wasaare kuxigeenka.
Madasha Wadatashiga qaran ayaa is ku raacay in saddex ka mid ah xubnaha aqalka sare ee Somaliland laga jaray, la na siiyay beelaha Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle, taasoo macnaheedu yahay in Puntland loogu daray saddex xubnood 11kii xubnood ee ay heysatay aqalka sare.
Hase ahaatee waxaa markii dambe la bo xubnood gadaal looga daray xubnaha aqalka sare Somaliland, lana siiyay 10 xubnood Aqalka sare ah.
Si kastaba ha ahaatee odayaasha iyo Xildhbaanada ka soo jeeda Somaliland ay aa qaadacay go’aanadii ka soo baxay Madasha, kadib markii ay ku tilmaameen in lagu sameeyay sad bursi.
MAAMULKA GALMUDUG OO SHEEGAY IN CIIDAMO AMISOM LA GEYNAYO CADAADO
Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamo AMISOM oo ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka la geynayo degmada Cadaado, halkaasoo ka mid ah goobaha ay ka dhici doonaan doorashooyinka aqa lka hoose iyo aqalka sare.
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in maamulkiisa ay dalbadeen Ciidamo AM ISOM ah, si ay u sugaan ammaanka, ma adaama aanay ku fulneyn sugida amniga xilliga ay dhaceyso doorashada.
"Waxaa soo dhow waqtigii ay dhici la heyd doorashada, Cadaado waxay ka mid tahay meelaha ay doorashada ka dha ceyso, waxaa dhowaan tahaya Ciidamo AMISOM oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeen ka Galmudug.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhow aan Cadaado ay ku shaqeyn doonaan Guddigii doorashooyinka dowlad gobolee dyada, isla markaana ay soo xuli doona an Xildhibaanada aqalka hoose iyo aqal ka sare.
Waxaa uu sheegay in Cadaado lagu soo xuli doono 36 Xildhibaan iyo 8 Sena tor oo ka tirsan Aqalka sare, waxaana uu rajo ka muujiyay in dhamaan howlahaas ay noqon doonaan kuwo lagu guuleysan doono.Degmada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa sanadkii 2015 waxaa ku sugnaa Ciidamo ka soc day Itoobiya oo ka qeyb qaadanayay sugi da amniga ee Dhismihii M/ulka Galmudug
G/WASIIRADA OO ANSAXIYAY SHARCIGA LAGU QAABILO RAGGA KA SOO GOYSTA UR URKA AL SHABAAB
Golaha wasiirada oo dorraad kulanko odii caadiga ahaa isugu yimid ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihi in amniga dalka iyo ansixinta qaab siyaa sadeedka dowladda ee isa soo dhiibayaa sha kasoo laabta fikradda xagjirnimada, waxaana shirgudoominayay Ra’iisal Was aaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid. Wasaarada amniga gudaha ayaa laga dhageysta warbixinta amniga kadibna waxey golaha u soo jee disay in la ansixiyo siyaasadda dawla dda ee isa soo dhiibaya asha kasoo laabta fik radda xagjirnimada oo muddo 3 isbuuc ah horyaalay golaha, qaab siyaasadeedk aan ayaa ka hadlaya sida loo la dhaqma yo dadka ka soo laab ta xagjirnimada, gol aha wasiirada ayaana khamiisiitii sirasmi ah u ansixiyay qaab siyaasadeedka.
Wasaardda gaashaandhiga ayaa golaha warbixin ka siisay howlgalo maalmihii la soo dhaafay Ciidamada DANAB ay ka fuli yeen deegaano katirsan gobolada dalka, Wasiirka gaashaandhiga ayaa she egay in horjooge qabiir ku ahaa sameey nta qa raxyadaoo katirsanaa kooxa arga gaxisa da in gacanta ay ku soo dhigeen cii danka Soomajeestayaasha ah ee DAN AB, wux uuna wasiirka sidoo kale sheegay in mal eeshiyaad badan oo katirsan naba ddiid ka lagu dilay howlagaladaas, Wasiir ka waxuu golaha ka hor sheegay in DAN AB ay yihiin ciidan ay ku faani kara an da dka Soomaaliyeed islamarkaana u tabab aran ciribtirka argagixisada, Sidoo kale golaha wasiirada oo uu hormuud u yahay Ra’iisul wasaare Cumar ayaa boogaadiy ay ama anayna dhamaan ciidamada qalabka si da gaar ahaan ciidmada DA NAB.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soom aaliya, Cumar Cabdirashiid oo soo xiray shirka, ayaa ku booriyay dhaamaan Wasii rada, Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir xige enada in ay la ilaaliyo hantida dowlada waqtiga isbadalka lagu jiro islamarkaana la labalaabo howsha ay Ummada Soom aaliyeed u hayaan kana fogaadaan wax walba oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed si dalka ay uga hirgesho doorasho xor ah.
DIYAARADDA AIR JABUUTI OO MUDDO 14 SANO KA DIB BILOWDAY DUULIMAAD RAKAAB AH
Shirkadda Diyaaradaha ee Air Jabuuti ayaa dib u bilowday duulimaadkeeda raka abka, kadib markii diyaarada ay shaqad eeda joojisay sanadkii 2002.
Diyaaradda Air Jabuuti oo lagu naan eyso diyaarada badda cas ayaa la aas aa say sanadkii 1963, waxaa ay ka mid ahe yd shirkadaha diy aaradaha ee ugu weyn Qaaradda Afrika.
Sanadkii 2015 ay ay aheyd markii diyaarada Air Jab uuti ay bilo wday duulimaad dhina ca xamuulka, ha se ahaatee waxaa ay sanadkan 2016 ay toos u bila abi doon taa duulimaad rakaab ah.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cum ar Geelle ayaa xariga ka jaray xaflada fur itaanka ee diyaarada oo dib loo casriyee yay, waxaana nooca diyaarada ee rakaab ka ay tahay Boeing 737400.
Shirkadda Air Jabuuti ayaa duulimaad keeda ku bilaabi doonta Dubai, London iyo Paris, waxaa ay dhamaadka sanadk an ay duulimaad toos ku tagi doontaa ma gaalada Mombay ee dalka India.
Diyaaradda Air Jabuuti ayaa waxay ta ageero ka heli doontaa shrikada Cardiff Aviation ee fadhigeedu yahay dalka Ma lta. Shirkadda Diyaaradaha Air Jabuuti ay aa tartan la geli doonta shirkadaha diyaar adaha ee Kenya Airways iyo Ethiopian Air lines oo ah labada shirkad ee ugu we yn Geeska Afrika.
GUDDOOMIYE GUUDLAAWE OO XARIGGA KA JARAY MASHAARIIC HORUMARINEED OO LAGA HIRGELIYAY WARSHIIQ
Guddoomiyaha G/Sh/dhexe Cali Cab dulaahi Xuseen "Guudlaawe” ayaa xarri ga ka jaray mashaariic laga hirgaliyay deg mada Warshiikh oo ka mid ah degmooyin ka gobolka Sh/dhexe.
Mashaariicda laga hirgeliyay degmada Warshiiq ayaa waxaa kala ahaayeen xa run Caafimaad, Ceel Biyood iyo Kawaan malaay, sidoo kale wafdigii ka socday ma amulka G/Sh/dhexe oo uu ka mid ahaa ku xigeenka maamulka dhinaca siyaasada iyo ammaanka Md.Axmed Meyr Makara an ayaa waxa ay soo booqeen tuulooyin hoos taga maamulka degmada Warshiiq iyagoo u kuurgalayay xaalada nololeed ee shacabka deegaanadaas.
G/dagmada Warshiiq Axmed Xuseen "Shiidka” ayaa sheegay in mashaaricdan ay muhiim u yihiin nolosha dadka deega anka, isagoo u mahad celiyay hay’adaha DRC oo ka qeyb qaadatay hirgalinta ma shaaricdan iyo hay`adaha kale. Sidoo ka le, Guddoomiyaha G/Sh/dhe xe Cali Cabd ullaahi Xuseen oo ka hadlay munaasaba da xariga loogaga jarayay ma shaariicdan ayaa bogaadiyay waxana uu sheegay in ay muhiim u yihiin nolosha bul shada So omaaliyeed ee ku nool degma da Warsh iiq, waxana uu guddoomiyuhu mahad bal laaran u celiyay bulshada deeg aanka ee isxilqaamtay iyo Hay’adaha ka shaqeey ay fulinta mashaariicda laga hirg aliyay degmada Warshiiq.
"Waxaan ku faraxsanahay mashaariic dan oo kala ah ceel biyood, xarunta hoo yada iyo dhalaanka (MCH) Kawaan Kallu unka, waxaan leenahay dhamaan hay’ad ihii iyo bulshada deegaanka ee ka qeyb qaadatay waad mahadsatihiin, waxaana ay ku timid amaanka ka jira deegaanada Gobolkan Xoogga dalka Soomaaliyeed ay aana ku mahadsan sida ay dhiiggooda no ogu hureen, mashruucyada waxa ka mid ah 14 ceelbiyood, xarun caafimaad, iyo xarumo waxbarasho
Guddoomiyaha ayaa sido kale tilma amay in maamulka gobolka ay diyaar u yihiin soo dhoweynta cidwalba oo ka shaq eynaysa hormarinta adeegyada Bulsha da, isagoo qeexay qorshaha maamulka ee dhinaca adeega bulshada. Mashaariic da waxa kale oo qeyb ka ahaa 14 ceelbi yood iyo xarumo waxbarasho oo lagu fuli yay wax ka yar hal sano, waxaana 75% ka taageeray dadka deeegaanka iyo ma amulka Warshiiq Hay’adaha DRC, SIDA Swedan qeybna ka ah Mashruuca Wad ajir Bulsho ee CDRS.
Mashaariicda laga fuliyay waxa ka mid aheed xarun caafimaad oo laga hir galiyay deegaanka Qeylaweyne oo hoost aga degmada Warshiiq oo hooyada iyo dhalaanka loogu talagalay, waxaana dad ka deegaankaasi adeegyada caafimaad ay u doonan jireen magaalada Muqdisho oo inkabadan 50 km u jira.
Ma aha markii ugu horeysay ee mashaariic horumarineed laga hirgeliyo degmada Warshiiq, hase yeeshee waxaa hore loogaga hirgeliyay mashaariic ay ka mid ahaayeen xarunta maamulka degm ada,dugsi Hoose Dhexe,garoon lagu ciya aro kubbada kolayga iyo qaar kale.
MADAXWEYNAHA OO DIB UGU SOO LAABTEY MUQ DISHO, KADIB BOOQASHO UU KU TEGAY M/JIGJIGA EE DALKA
Madaxweynaha JF. Soomaaliya, Md. Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtey M/Muqdisho Shalay , ka dib markii uu booqasho taariikhi ah oo 3 maalmood ah ku te gay M/Jigjiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soom aalida Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Jigjiga wax aa uu kulamo la yeeshay madaxda Dowlad Dega anka Soomaalida iyo mas’uuliyiin ka tirsan DF Itoobiya . Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ahayd xoojinta xiriirka 2da dal iyo sidii iskaashi dhow ay u yeelan lahaayeen 2da dhinac, iyadoo la eegayo horumarka ka jira caalamka iyo gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaanu ka soo ambabixin Jigjiga waxaa uu ka qeybgaley xaf lad si rasmi ah loogu sagootinayey oo uu ka soo qeybgaley Madaxweynaha Dowlada Degaanka Soomaalida Itoobiya, Md.Cabdi Maxamuud Cumar, Golaha Wasiirada, Baarlamanka , hawlwadeenada iyo shacabka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.
Khudbad uu kulankaasi ka jeediyay Madaxwey ne Xasan Sh.waxaa uu mar kale xusay muhimad da amniga iyo nabadgelyada, isagoo balanqaadey inuu ka shaqeyn doono nabadeynta Soomaalida meel kasta oo ay joogaan. "Mar kale waxaan idi nkaga mahad celinayaa soo dhoweynta qiimaha leh ee aad aniga iyo wafdigeyga inoo fidiseen. Ho rumarka dhulkiina ka muuqda waa mid uu sal u yahay nabadda. Waa inaad mar walba muhimadda siisaan nabadda, waayo waa furaha horumarka ee ummad kasta ee dunida ku nool ay u baahan tahay. Waxaan u taaganahay , mar walbana u ist aagi doona taageerada iyo ka shaqeynta nabadda Soomaalida meel kasta oo ay joogaan’’.
Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale khudbad diisa ku xusay inuu shacabka Soomaaliyeed ku wa rgelin doono xaaladda wanaagsan ee shacabka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ku nool yih iin, isagoo intaa ku darey in horumarka ka muuqda degaanka uu yahay mid ku dayasho mudan.
Madaxweynaha ayaa shacabka Dowlad Degaan ka Soomaalida Itoobiya u jeediyay dardaaran ku aaddan adkeynta midnimada, nabadgelyada iyo inay ka fogaadaan wax kasta oo kala geyn kara.
"Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad nabad iyo iskaashi wax wada qabsi kula noolaataan qow miyadaha kale ee ka jira dalkiina Itoobiya. Iska ilaa liya qabiilka siyaasadeysan oo hadafkiisu yahay in ummadda lagu kala qeybiyo, laguna burburiyo hay’ adaha dowliga. Waxaa siyaasaddaasi foosha xun inta badan adeegsada dadka siyaasadda ku fa shilmey ee danaha gaarka ah leh. Waxaad kaloo is ka ilaalisaan kuwa diinta sida khaldan u adeegsa naya. Waa dhab inaan qabaa’il ka soo jeedno, la akiin yaaney noqon mid na lagu burburiyo. Diinte ena muqaddaska waan dhowreynaa, laakiin waa inaan ka ilaalinaa kuwa sida xun ugu daneysana ya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gabag abeeyay baaq ku saabsan in 2da dal ay iska kaash adaan sidii ay uga adkaan lahaayeen kooxaha do onaya inay carqaladeeyaan nabadda labada dhin ac iyo gobolka intiisa kale.Madaxweyne Xasan Sh. waxaa garoonka diyaaradaha ee M/Jigjiga ku soo sagootiyey Madaxweynaha DD.Soomaalida Itoob iya, Md. Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiin kale.DHAMMAAD
PUTIN OO XILKA KA QAADAY MADAXII AQALKA KREMILINKA SERGEI IVANOV
Madaxweynaha dalka Ruushka ayaa si lama fil aan ah waxa uu shaqadii uu hayay ka fariisiyay ma daxii shaqaalaha madaxtooyada Ruushka Sergei Ivanov isagoo ka dhigay wakiilka arrimaha deega anka iyo gaadiidka. Mr Ivanovo oo 63 sano jir ah ayaa ka mid ahaa dadka ugu dhowdhow madaxwe yne Putin kuwaasoo uu aaminka ku qabo sanooyin badan.
War ka soo baxay aqalka Kremlinka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Putin uu ku dhowaaqay in waajibaadkii ka saarnaa maamulida madaxtooya da Ruushka laga wareejiyay Ivanov iyadoo aan wax sabab ah la sheegin. Xilkii uu hayay Ivanov ay aa loo magacaabay ku xigeenkiisii Anton Vaino oo 44 jir ah kaasoo illaa iyo 2012 ahaa kaaliyihii Ivanov.
Hase yeeshee Mr.Putin ayaa u sheegay taleef ishinka Russian TV in Mr Ivanov uu weydiistay in uu baneeyo xilkaas isagoo weliba ku taliyay in uu buuxiyo booskiisa Mr Vaino. Ivanov ayaa si wadajir ah waxa ay iskala soo shaqeeyay Putin hay’adii sir doonka Midowga Soofiyeti KGB, waxana loo maga caabay madaxii shaqaalaha Kremlinka dhamaadkii 2011 dhowr bilood ka hor dib u doorashadii Putin ee 2012.
MAXKAMAD SHISHEEYE OO XUKUNTAY 12 NIN OO SOOMAALI AH
Maxkamad Wadanka Mauritius ku taala, ayaa go’aan ka gaartay kiiska 12 nin oo Soomaali ah, ku waa oo loo haystay arrimo la xiriira burcad bade ednimo. Maxkamadda, ayaa waxay Khamiistii mid kiiba ku xukuntay min shan sano oo xarig ah,ka dib markii ay ku heshay inay yihiin burcad badeed. Ma xkamadda,ayaa 14kii bishii hore ee July ku hesh ay in ay burcad badeed yihiin, iyadoo Khamiistiina shaacisay xukunka ay ku riday.
Ciidamada shisheeye ee ku sugan Xeebaha So maliya, ayaa bishii January ee sanadkii 2013ka ra ggaasi ka qabtay Badweynta Hindiya,xilli la sheeg ay inay isku dayeen inay qabsadaan markab xam uul ah. Ciidamada ayaa raggaasi ku wareejiyay
Mauritius, si ay u maxkamadeyso. Dacwad oog aha,ayaa xubnahaan ku soo eedeeyay inay rasaas oodda kaga qaadeen markabka MSC Jasmine, xilli uu watay Calanka Panama.Qaadiga Maxk amad da,ayaa sheegay mudada lagu xukumay raggaasi in laga jari doono, 3 sano oo ay xirnaayeen.
Mudada xarigooda kaga harsan, ayaa waxay ku dhameysan doonaan xabsi ku yaala M/Port Louis ee Xarunta Mauritius. Raggaan waxay da’doodu u dhaxeysaa 22 illaa 47 sano.
BARAKAC KA SOCONAYA XARUNTA G/HELMAND
Shacabka ku dhaqan M/ Lashkar Gah ee Gobolka Helmand ee Wadanka Afghanistan, ayaa wax ay bilaabeen inay isaga barakacaan Magaalada asi,xilli hareer aheeda uu dagaal culus ka socona ayo. Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Ururka Tal iban, ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ku dhe xmaraayay dagaal hubka waawayn leesku adeegs anaayo.
Xoogaga Taliban, ayaa la soo sheegayaa inay ku sii siqayaan Xarunta Gobolka Helmand ee Magaal ada Lashkar Gah, taasoo dadka deegaanka ku khasabtay in ay guryahoodu isaga cararaan.
Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta Caalamka u sheegay in Xoogaga Taliban ay u muuqda an kuwo ka soo gudbaaya fa riisimaha ay ka dagaalamaya an Ciidama da Dowladda.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda, ayaa waxay beeniyeen in mintidiintu ay ka abiga ku hayso Magaalada Lashkar Gah. Ciidan xoojin ah oo Dowlad da Afghanis tan ay ka dirtay Magaalada Kab ul, aya a rajo laga muujinayaa suurtagalnimada bal inay difaacaan Lashkar Gah. Ciidamada Britain oo qay bka ahaa is bahaysiga Nato, ayaa laba sano ka hor isaga baxay Magaaladaasi. Talibanka ayaa ma amula inta badan Gobolka Helmand.REUTERS/ Abdul Malik
TUUGO LAGA SOO QABTAY ISLII OO BILIISKU XIRAY
Booliska ayey u suurta gashay inay soo qabta an tuugo mar sii horeysay ay israsaaseyn ku dhex martay xafaada Islii dorraad.
Arintaa ayaa dhacday ka dib markii midkood oo dhaawacmay uu isbitaal daawo ama in la daawe eyo u doontay.Tuugada ayaa mar markaa ka hore ysay ay biliiska xaafada is rasaaseeyeen ka dib markii ay boolisku ka warhelay inay yihiin tuugo is la markaana ay doonayeen inay dhacaan dukaan lagu kala waarido lacagaha la mariyo taleefanada gacanta ee loo yaqaano Mpesa.
Taliyaha booliska waaxda Starehe oo ah qeyb ka tirsan isla caasimada Nayrobi Kiberenge Sero ney ayaa sheegay in tuugadu ay israsaaseyn dhe xmartay booliska wadada 7aad ee Islii
Asbuucii la soo dhaafay, tuugo inay dhac ka gey staan damacsanaa Islii balse la fahmay ayaa raa saas oodda uga qaaday dad waddo maraayay xaaf ada Islii halkaa oo ay nin lugta ka dhaawaceen ka hor intii aysan ku baxsan ayagu labo dhugdhugley
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 13-KA AGOOSTO 2016-KA
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMU UD OO MAGAALADA JIGJIGA KULA KULMAY QEYBAHA BULSHADA IYO ARDEYDA Madaxweynaha JFS,Md.Xasan Sh.Ma xamuud, oo weli ku guda jira booqashadii uu ku joogay M/Jigjiga ee caasimadda D/Degaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa shal