
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 3-DAAGOOSTO 2016-KA
Keating ayaa Wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay Doorka Qaramada Midoobay inay tahay arimo farsamo iyo tallooyin dhanka Doorashad la xiriira, balse nidaamka iyo habka Doorashada dadban ay u dhaceyso masuuliyadeeda ay leedahay Dowladda Somaliya.
"Kaalinta Qaramada Midoobay waa inay taageerto Geedi socodka Doorasho oo ay leedahay Umadda Somaliyed ayna maareynayso Umadda Somaliyed, Shaqadeena waxa ay tahay inaan bixino taageero Farsamo iyo iyo Talooyin.”
"Balse midda ugu muhiimsan waa inaan ka jawaab bixino waxa ay umadda Somaliyed naftooda ka rajo qabaan inay ka helaan Geedi socodkaan.” Ayuu yri Micheal Keating.
Wakiilka Qaramada Midoobay arimaha Somaliya ayaa sidoo kale sheegay waqtiga ay dhaceyso Doorashada in laga doonaayo Guddiga Fulinta Doorashooyinka.
"Dhanka Waqtiga taasi waxaa laga doonayaa Guddiga Fulinta Doorashooyinka inay isla meel dhigaan Ayaga oo raacaya taallaabooyinka loo baahan yahay in la raaco si loo xaqiiyiyo geedi socodka lagu kalsoonaan karo.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay
Keating ayaa sheegay muhiim inay tahay Doorashada inay ku dhacdo waqtigeeda culeys kasta oo jira.
"Sida ku xusan Dastuurka Somaliya Doorashada waxa ay tahay inay dhacdo Dabayaaqada Bisha August Culeyska jira waa in Doorashada ay dhacdo waqtigii loogu talo galay, iyadoo la og yahay inay jiraan dhowr shey oo la doonaayo Dowladda inay qabato ka hor Doorashada inta aanan la gaarin si shacabka Somaliyed iyo Beesha caalamka ugu kalsoonaadaan dowladda Federalka Somaliya.”
Beesha caalamka ayaa doonaysa in Doorashada Somaliya ay ku dhacdo waqtigii loogu talo galay, iyadoo aysan jirin muddo kororsi loo sameeyo Hay’adaha Dowladda.
MAXKAMADEYNTA 17 ASKARI OO KA TIRSAN CIIDAMADA UGANDA OO MUQDISHO KA BILAABATAY
Maxkamadda Ciiidamada dalka Uganda ayaa shalay markii ugu horeysay Magaalada Muqd isho ka Bilowday Maxkamadeynta 17askari oo lagu eedeeyay In ay iibinayeen qalabka loo keeno AMISOM.
Maxkamadda ayaa dhageysatay eedeynta loo soo jeediyay Askastaan gaareysa 17askari ee lagu eedeeyay in ay iibin jireen qalabyada iyo shidaalka loo keeno Taliska Amisom ee soomaliya.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Ugandha Brig Dick Olum oo ku dhawaaqay Xukun ka Maxkamadda ayaa sheegay in Major Bob Francis Aring oo ahaa taliyihii Ciidamadaas Heysta la gu Xakumay hal sano oo Xariga ah iyo hoos loo dhigo darajadii Ciidan ee uu lahaa, kadib markii ay ku cadaadeen eedeymihii loo heystay.
Horey Ciidamada Amisom waxaa loogu Maxkamadeyn Jirey Gudaha Dalkooda Balse Talaab adaan Dowlada Uganda waxa ay ku tilmaamtay in ay tahay in laga shaki baxo waxyaabaha qaar ee la aaminsan yahay.
06/05/2016ka ayay aheyd markii ciidamada Booliska dowlada soomaliya ay gacanta ku dhig een Askartaan iyagoo shidaal iyo qalabyo kale ku iibinaya Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale lala soo qabtay 10qof oo soomali ah oo gacan ku siinayay iibinta qalabka.
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO DHAMBAAL KA HELAY RA’IISUL WASAARAHA CUSUB EE INGARIISKA.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kulan kula qaatay magaalada Muqdisho wasiirka dowladda Ingriiska u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhexe Mudane Tobias Ellwood.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka guddoomay Wasiirka Tobias Ellwood dhambaal uga yi mid Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ingariiska. Dhambaalka ayey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ingariiska ku caddeysay sida ay uga go’an tahay xoojinta xirriirka ka dhaxeeya labada dal iyo kordh inta tageeradda ay dowladda Inagriska ku bixiso Dowladda Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Wasiirka Dowladda Ingariiska u qaabilsan Afrika iyo Bariga Dhex Tobias Ellwood ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin aminga, siyaasadda iyo maalgashiga dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan She ekh ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha cusub Ingariiska sida ay ahmiyadda u siineyso iyo ka go’an tahay garabsiinta dowlada Soomaaliya.
QM OO KU BAAQDAY IN LA XAQIIJIYO XUQUUQDA CARRUURTA SOOMAALIDA
Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa baaqaasi ku sheegtay Warbixin laga diyaariyey Xaalladda ay ku sugan yihiin Carruurta Somalia, waxaana la tilmaamay inay soo hagaagayso Xaalladda Carruurta.
Warbixinta ayaa lagu xusay inay carruurta aadaan Dusgiyadda, kuwa badan la badbaadiyey iyo inay sii kordhayaan Tirada Qoysaska haysta Adeegyadda Daruuriga, sida Daryeelka Caafimaad ka, Biyaha Nadiifka iyo Fayadhowrka.
Warbixinta UNICEF waxaa lagu xusay in toddobadii carruurba uu mid ka geeriyoodo ka hor intaysan gaarin da’da 5 jirka iyo inay in ka badan 300,000 oo carruurta da’oodu ka hooseyso 5 jir ay yihiin kuwo ay haysato Nafaqodarro.
Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in saddexdii saacadooba ay Haweeney xaaamilo ah geeriyooto.
Dhinaca kale, Warbixinta UNICEF waxaa tilmaamtay in gabdhaha aada Dugsiyadda ay aad u ga hooseeyeeen Wiilashada wax barta iyo in Gabdhaha Soomaaliyeed 98% lagu sameeyo gudni inka Fircooniga.
QAAR KA MID AH MADAXDA MAAMUL GOBOLEEDYADA OO SOO GAARAY MUQDISHO
Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa shalay soo gaaray magaalada Muq disho, si ay uga qeyb galaan shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo lagu wado in maalinta maanta uu furmo.
Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ka soo degay diyaarado siday Madaxweynaya asha Maamulada Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Puntland, kuwaasoo ka soo kicitimay magaa looy inka Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe.
Waxaa kaloo shalay soo gaaray Muqdisho Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xa ashi Carabey oo shirka Madasha Wadatashiga ka qeyb galaya, isagoo Kusime u ah, maadaama Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed uu howlo caafimaad ugu maqan yahay dalka Hindiya.
C/kariin Guuleed ayaa markii u horeysay ka qeyb geli doonin shirka Madasha Wadatashiga qaran, sababo caafimaad awgeed, waxaa bishii la soo dhaafay lagu sameeyay qalliin xaga wadna ha ah.
Madaxda ayaa dhamaan loo soo galbiyay xarunta Madaxtooyada, halkaasoo goor sii horey say ammaankeeda aad loo adkeeyay.
Waxaa xalay lagu waday in kulamo gaar gaar ah ay yeeshaan Madaxda Madasha Wadata shiga qaran, ka hor inta uusan shirka furmin maalinta maanta.
Shirka Madasha wadatashiga qaran ayaa waxaa hortagi doona Guddiga hirgelinta doorasho oyinka heer federaal, kuwaasoo madaxda u gudbin doona qorshayaashooda.
Waxaa jirta cabsi laga qabo in aanay doorashada ku qabsoomin waqtigii loogu tala galay ee bisha September, waxaana wali la qaban qorshayaashii lagu gaari lahaa doorashada.
FARMAAJO "DOWLADDU WAA KA GAABISAY SUGIDII AMNIGA KA HOR DOORASHADA”
`Maxamed C/llaahi Farmaajo oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare, haatanse ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya ee waqtig eeda sii dhamaanaya inay ka gaabisay sugida amniga ka hor doorashada dalka ka dhici doonto.
Farmaajo oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in dowladdu ay horay uga baxday balan qaadyo ay sheegteen, isagoo xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu afki isa ka qirtay in dhinaca siyaasada laga gaabiyay.
"Dowladdu waxay horay uga baxday balan qaadyo ay ku dhawaaqday, sida la socotaan afar sano waxay ku dhameysatay khilaaf dhexdeeda iyo xasilooni daro siyaasadeed, waxaa ii muuqata in laga gaabiyay arrimihii amniga dhaqaalaha iyo siyaasada, maalin dhoweyd Madaxweynaha as igaa afkiisa ka qirtay in siyaasada laga gaabiyay, taas macnaheeda waxaa uu yahay in dalka aanu socon oo uu fadhiyo”ayuu yiri Maxamed C/llaahi Farmaajo
Waxaa uu sheegay in dowladda aanay wali diyaarin qaabkii doorasahada lagu geli lahaa, isa goo xusay in howshan aheyd mar hore la qabto, balse waxaa uu xusay in horay dowladdu ugu fashilantay in dalka ay gaarsiiso doorasho hal qof iyo hal cod.
Waxaa jirta shaki laga qabo in dib u dhac ku yimaado waqtigii la filayay in doorashada dhac do, maadaama aan la qaban howlihii doorashada lagu gaari lahaa, isla markaana waqtiga uu yahay mid yar.
20ka bisha Agosto oo ka dhiman 18 maalmood ayaa ah waqtiga loo qorsheeyay in Baarla maanka la soo xulo, iyadoo baarlamaanka hada jira uu waqtigiisa ugu eg yahay maalintaas, mana jirto illaa iyo hada baarlamaan bedela oo la soo xulay.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maalmaha soo socda ka furmi doona magaalada Mu qdisho ayaa la sheegay in lagu go’aamin doono waqtiga ay dhaceyso doorashooyinka.
XILDHIBAAN XAAF OO SHEEGAY INAY ADAG TAHAY IN XILDHIBAANADA LAGA SOO DOORTO GOBOLADA DALKA
Iyadoo iminka loo wada diyaargaroobayo Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo sanad kaan gudihiisa, islamarkaana xubnaha Baarlamaanka Somaliya ee Dowladda cusub ka mid noqon doono laga soo dooran doono Gobolada ay ka soo jeedaan ayaa Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf, wuxuu sheegay inay adag tahay in Doorashada Gobolada ay ka dhacdo.
Wuxuu sheegay in ammaanka Gobolada dalka oo aanan hagaagsaneyn suuragal aysan ka dhigayn in Xildhibaan la soo doorto, maadaama ammaanka uu yahay mid halis ah oo ay dhici kara an qataro amni oo Muqdisho aanan ka dhicin.
Xildhibaanka ayaa sheegay in sugidda amnigu ka duwan tahay xilliyada doorashada wakhti yada kale, waxaanuu sheegay iney wanaagsan tahay in doorashooyinka dadban ee dhamaadka sanadkan ay marti galiso magaalada Muqdisho oo uu sheegay iney qaadi karto dadka baaxadaa leh ee wax dooranaya.
"14 kun oo qof shalay oo la joogo sida ay ku nabad galayaan ayaa ila adag, gobollada dhiba ato aan xamar ka dhici karin ayaa ka dhici karta, qofkii doorashada waayaa dagaal inuu ka dhigo ay aa laga yaabaa, dhibaatooyin badan ayaa arrintaa goboladu soo waddaa, wixiina lama koobin oo Xamar oo kale waa meel dadbadan joogo oo lagu kala dhuuman karo, laakiin gobol laguma kala dhuuman karo.” Ayuu yiri Xildhibaanka oo Wareysi siiyay Goobjoog.
Xildhibaan Xaaf oo inta badan aanan ka hadlin amuuraha Siyaasada dalka ayaa sidoo kale sheegay in Doorashada lagu celiyo Gobolada dalka Somaliya inay la macno tahay arin qabiil oo qay axan.
"Waa arrin qabyaaladeysan oo dadka kulli qabiilkii lagu celinaayo, qabiilkana ma shaqeyn ka ro, dastuurka waxaa ku taalla qof kasta oo Somali ah meel kasta ayuu dagi karaa, wax ka dooran karaa lagana dooran karaa, dadkii ayaa qabiil looga kala soocayaa, kolley arrin ila habboon maaha, markii qof iyo cod ay noqoto kii Marka ka doonanaya iyo kii meel kale ka doonanayaa iyaday u taa llaa.”
UGANDA OO MAXKAMADEYNTIISA AY KA BILAABATAY MAGAALADA KAMPALA.
Maxkamad ku taal Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda waxaa shalay kasoo hor muuqday Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dalka Uganda oo qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM isla markaana lagu soo eedeyay in uu ku guul dareystay in uu difaaco askar uu Taliye u ahaa oo ku sugnaa deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellle Hoose.
Korneel Bosco Mutumbi oo da’diisu tahay 50 sano ayaa si gaar ah loo eedeeyay In uu difaaci 19askar uu madax u ahaa oo ku dhintay weerar alshabaab ay ka geysteen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellle Hoose.
Dacwad ooge Raphael Mugisha ayaa sheegay in Mr Mutumbi loo heysto labo dambi ah oo ka la ah; xil gudasho la’aan oo keentay in ay dhintaan qaar kamid ah saraakiisha ciidanka iyo in uu ku guuldareystay in uu si waafi ay isugu duba rido howlgalada ka dhan ah Xarakada Alshabaab.
Mr. Mugisha ayaa maxkamadda u sheegay in ninka lagu magicaabo Mutumbi intii u dhexeys ay bilaha June iyo September ee sanadkii 2015 ay ahaayeen ciidanka Janaale joogay kuwo u nugul in ay Alshabaab weeraraan, hase yeeshee isaga uu ku guul dareystay in uu halkaas ka raro ciidan kalana uu ku badalo.
Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni uu amar ku bix iyay in lasoo xiro Taliyahaan lagu magacaabo Korneel Bosco Mutumbi.
JAMAAL MAXAMED XASAN :‘‘HADALKAAS WAA MID UUR XUMA AH WAXA AYNA MEEL KADHAC KU TAHAY WADA JIRKA DHULEED EE SOMALIYA,’’
Dowlada Soomaliya ayaa si kulul ugu Jawaabtay hadal kasoo yeeray Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Cord ee dalka Kenya Raila Odinga ee ahaa in beesha caalamka ay aqoonsato maamulka Somaliland.
Safiirka Somaliya ufadhiya Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska The Star ayaa hadalka kasoo yeeray Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Cord ee dal ka Kenya Raila Odinga ku tilmaamay masuuliyad daro dhaawacaysa midniimada iyo wada jirka dhu leed ee Somaliya.
‘‘Hadalkaas waa mid uur xuma ah,waxayna meel kadhac kutahay wada jirka dhuleed ee So maliya,’’ ayuu yiri danjire Jamaal.
‘‘Siyaasada Somalia waa in loo daayaa Soomaalida,siyaasiyiintu waa inay ka waantoobaan arimaha noocan oo kale ah, ’’ayuu markale yiri safiirku Safiirka Somalia ufadhiya Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xasan.
‘‘Midnimada,madax banaanida iyo wada jirka dhulka Somalia waa mid aan lagu xad gudbi ka rin,’’ hadalka kasoo yeeray Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Cord Raila Odinga waa mid dhaaw acay Midnimada Umada Soomaliyeed”.
Hadalka Safiirka Somaliya ufadhiya Kenya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kusoo aadaya xili Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Cord ee dalka Kenya Raila Odinga uu Magaalada ka sheegay in Caalamka ay aqoonsadaan Maamulka Somaliland.
MARAYKANKA OO DUQEEYEY FARIISIMO AY KOOXDA DAACISH KU LEEYIHIIN DALKA LIBIYA.
Afhayeenka Waaxda Gaashaandhiga Maraykanka, Peter Kook ayaa sheegay in weerarkaasi la qaado, kadib, markii ay Dowladda Libya ee ay QM taageerto codsadeen in laga taageero sidii loo riixi lahaa Maleeshiyadda Daacish ee ku xooggan magaalladda Sirte.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in duqeyntaasi lagu burburiyey Taangi iyo 2 Tekniko oo ay Kooxda Daacish lahaayeen.
Ra’isulwasaaraha Libya, Faayiz Seraj ayaa sheegay in ay Daacish khasaaro xooggan loogu guuleystay duqeynta lagu qaaday magaalladda Sirte.
Duqeyntaasi ayaa ah tii 3aad ee lagu qaado Daacishta ku sugan Libya, iyadoo weerarkii ugu horreeyey bishii Feberaayo ee sannadkan lagu qaaday Xero Tababar oo ku taalla magaalladda Sa bratha ee Galbeedka Libya.
DONALD TRUMP OO KA DIGAY IN LA MUSUQMAASUQO DOORASHADA LAGU WADO IN AY KA DHACDO DALKA MARAYKANKA
Musharaxa Madaxtinimada Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka digay in wax is dabamarin lagu sameeyo doorashada lafilayo in bisha November ee dhamaadka sa nadkaan ay ka qabsoonto Maraykanka.
Hadalkaan ayaa Trump uu ka sheegaya isusoobaxay ka dhacay magaalada Columbus, ee Gobolka Ohio,
Waxaa uu sheegay in uu maqlay warar ku aadan in tartanka madaxtinamada maraykanka ka dhacaya uusan noqondoonin mid cadaalad ah inkastoo uusan soo bandhigin cadayn rasmi ah oo ku aadan hadalkaas iyo halka uu kasoo xigatay toona.
Kulankii kan ka horeeyay oo Donald Trump oo ka qayb galay ayuu si adag ugu weeraray mu sharaxa xisbiga Dimuquradiga asoo hadalo badan oo dhaleecayn ah dusha uga tuuray
FAYSAL CALI WARAABE ” HADII AAN GUULDAREYSANO XAMAR U CARARIMAYNO”
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID ee Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sh eegay in siyaasiinta ku fashilmay in ay xilal ka qabtaan Somaliland ay aadaan dowladda Soomaa liya.
Waxa uu sheegay in siyaasiinta xilalka ka waayo maamulka Somaliland ay dowladda Sooma aliya ka qabtaan xilal sidaas darteedna Somaliland aysan arintaasi ku faraxsaneyn.
Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkaasi ugu laab qaboojinayay tageerayaasha xisbigiisa UCID, xili uu sheegay in ay dhowr jeer ay ku guul dareysteen in ay qabtaan hogaanka sare ee maamulka Somaliland, waxuuna sheegay in ay adkeysan doonaan oo aysan Xamar u carari doonin sida uu hadalka u dhigay.
Siyaasiin badan oo xilal kasoo qabtay maamulka Somaliland ayaa dowladda Soomaaliya ay u magacowday xilal muhiim ah .
OBAMA OO WEERAR AFKA AH KU QAADAY DONALD TRUMP
Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama, ayaa weerar afka ah wuxuu ku qaaday Mu sharaxa Xisbiga Jamhuuriga, waa ninka maalqabeynta ah ee Donald Trump.
Obama ayaa wuxuu sheegay Trump inuusan u qalmin hogaaminta dalka Mareykanka, sidoo kalena wuxuu ugu baaqay xisbiga Jamhuuriga inaysan taageerin Musharax Donald Trump.
Madaxweyne Obama ayaa codkiisa ku biiriyay dadka Donald Trump ku dhaliilay hadalkii uu ku weeraray qoyska wiilkoodii askariga ahaa uu kaga dhintay dagaalkii Ciraaq. Waxa uuna til maamay in Trump aanu ahayn qof Maraykanka hogaamin kara.
Obama ayaa ugu baaqay xubnaha Xisbiga Jamhuuriga inay iska fogeeyaan Donald Trump, maadaama uusan aheyn ruux qaadi kara hogaanka dlaka Mareykanka.
Ninka maalqabeynta ah ee Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo ka jawaabay ha dalka Obama ayaa dhankiisa sheegay in Obama uu ku fashilmay Hogaaminta dalka Mareykanka.
Trump ayaa dhankiisa wuxuu kaloo sheegay in Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga dalka Mar eykanka Haweenayda lagu magacaabo Hillary Clinton in aanan lagu aamini karin hogaaminta Dalka Mareykanka.
Olalaha Musharaxiinta dalka Mareykanka ayaa si xowli ah kaga socdo dalka Mareykanka, waxaana intaasi sii dheer eedeymaha kala duwan ee ay isku jeedinayaan xubnaha Musharaxiinta.
18 RUUX LAGU DILAY WEERAR IS QARXIN KA DHACAY MAGAALADA BENGHAZI
Ugu yaraan 18 ruux ayaa lagu dilay weerar is qarxin ah oo ka dhaay magaalada Benghazi ee ku taala bariga Libiya, iyadoo dagaalo culus oo u dhaxeeya Kooxo Islaamiyiin ah iyo ciidamo da acad u ah dowladda fadhigeedu yahay bariga Libiya uu ka socdo magaalada.
Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka AlGuwarsha oo ku taala galbeedka magaalada, gaar ah aan saldhig ay ku sugan yihiin guutada 146aad ee Ciidamada.
Tirada askarta ku dhimatay ayaa laga yaabaa inay sare u kacdo, waxaana ku jira afar saraa kiil sar sare, iyadoo dhaawaca uu ka badan yahay tobanaan kale.
Koox Islaami ah oo lagu magacaabo Golaha Shuurada Benghazi ayaa sheegatay mas’uuliya da qaraxan.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya maalin kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay duqeeyeen magaalada Sirte oo saldhig ku lahaayeen Kooxda IS.
Libiya ayaa waxaa ka socda dagaalo u dhaxeeya kooxo iska soo horjeeda oo isku haya aw ooda dalka, sidoo kale waxaa dalkaas ku xoogeystay kooxaha Islaamiyiinta oo gacanta ku haya magaalo dhowr ah.
XILDHIBAAN DALXA OO KU BAAQAY IN WAX LOO QABTO SOOMAALIDA KU NOOL CAALAMKA
Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ayaa waxa ay la kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan waxaan uu kala hadlay sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi wax loogu qaban lahaa sidoo kalena loo sii deyn lahaa dhalinyarada qaar ee ku jirta xabs iyada dalka Suudaan.
Xildhibaan Dalxa ayaa dowladda federaalka ugu baaqay in ay soo badbaadiso shacabka Soo maaliyeed ee ku dhibaateysan Koofurta Sudan iyadoo la kaashaneysa dowladaha dariska la’ah dal kaasi.
Waxa uu carabka ku dhiftay in xilligan aysan jirin wax wada shaqeyn ah oo ka dhaxeysa Was aaradda Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya iyo Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka ta as oo ugu wacan in wax loo qaban waayo Soomaalida ku dhibaateysan Caalamka.
Soomaali badan ayaa ku dhibaateysan Caalamka mana jirto kaalin muuqata oo dowladda Soomaaliya ay ka ciyaarto wax u qabashada Muwaadiniintaasi.
RA’ISULWASAARE CUMAR CABDIRASHIID OO LA KULMAY XOGHAYAHA ARRIMAHA AFRIKA EE UK
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta safaaradda UK ee Muqdisho kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Tobias Ellwood iyagoo ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaliya iyo UK, arrimaha amniga, xasilinta, iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan 2016.
Ra’iisal wasaare Sharmaarke ayaa warbaxin ka siiyay xaalada dalka uumarayo wasiirka arri maha Afrika ee UK, waxa uunan sidoo kale uga mahadceliyay muuhimada UK ay siineyso dib u dhiska Soomaaliya iyo taageerida dowladda.
"Xukuumadda Soomaaliya waxey diiradda saartay arrimaha amniga iyo xasilinta dalka si loo suurtageliyo doorasho dalka ka dhacda sannadkan 2016, waxaan UK uga mahadcelinayaa in ay ho rmuud ka tahay dadalka Soomaaliya lagu xasilinayo; xukuumadda waxaa ka go’an in dalka ay ka dhacdo doorasho xur ah islamaarkaan dadka Soomaaliyeed gaarsiisa xasilooni siyaasadeed iyo dimuqraadiyad waarta” ayuu yiri R.wasaaraha oo ka hadlayay kulanka.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in qorshaha dowladda ay ka mid tahay dib u heshiisiinta si amniga dalka uu u sugnaado, Sidoo kale Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Tobias Ellwood ayaa bogaadiyay dadaalka Xukuumadda ay ugu jirto xasilinta dalka islamarkaana UK ay dooneyso in hor umarka ballaaran ee laga sameeyay amniga iyo xasilinta ay noqdaan kuwa sii socda oo kooxaha argagaxisada loo diido fursad ay dhib ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed.
BOGGA CAYAARAHA
JUVENTUS OO U DHAQAAQI DOONTA SAXIIXA BLAISE MATUIDI HADDII UU KATAGO PAUL POGBA
Juventus ayaa durbadiiba bilowday raadinta badalka laacibka qadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo ku sii jeeda kooxdiisii hore ee Man United
Maamulka kooxda Juventus ayaa u arka Blaise Matuidi laacibka kaliya ee ku haboon buuxinta boos ka Pogba maadama uu yahay laacib ay si fudud uga heli karaan PSG sida ay baahisay shabakada Mediaset.
Blaise Matuidi iyo Axel Witsel ayeey kooxdu u dooratay badalka Paul Pogba laakiin maam ulka ayaa aad u doorbidaya xiddiga reer France kaas oo doonaya inuu katago kooxdiisa PSG.
Sidoo kale Juventus ayaa indhaha ku haysa laacibka qadka dhexe ee Chelsea Matic laakiin tababare Antonio Conte ayaan diyaar u ahayn inuu iska fasaxo.
Dooqa kaliya ee u furan Juventus ayaana ah 29 jirka reer France ee Blaise Matuidi.
ILKAY GUNDOGAN OO XIDIGA XULKA QARANKIISA GERMANY EE LEROY SANE KU SOO DHAWEEYAY KOOXDIISA CUSUB EE MANCHESTER CITY
Manchester City ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xidiga ree Germany ee Ler oy Sane oo ay kala soo wareegtay Schalke04, laakiin saxiix cusub ee kale ee Ilkay Gundogan oo horaantii xagaagan ka soo wareegay isla kooxda Jarmalka ah ee Borussia Dortmund ayaa markiiba Leroy Sane ku soo dhaweeyay kooxdiisa cusub ee Manchester City.
Leroy Sane ayaa isla habeenkii ugu horaysay ee uu soo gaadhay magaalada Manchester waxa uu degay hutelka uu Ilkay Gundogan deganayaa iyada oo sawiro la soo dhigay baraha bul shada lagu sii ogaaday in Sane uu soo gaadhay Manchester City.
Sane and Gundogan
Ilkay Gundogan ayaa xidiga ay isku wadanka yihiin ku soo dhaweeyay Mancehster City oo uu muddo kooban uga soo horeeyay wuxuuna bartiisa twitterka soo dhigay sawir labadooda ah isaga oo soo raaciyay qoraalkan: "Soo dhawayn diiran saaxkay Leroy Sane”.
JOHN OBI MIKEL OO MAGACIISA BADELAY KADDIB 13SANO
Xiddiga qadka dhexe ee Chelsea Mikel waxaa dhalay Michael Nchekwube Obinna (Wiilka Mic hael Obi) 1987dii, laakiin qalad dhacay 2003 ayaa badelay magaciisa.
Intii lagu guda jiray isdiiwaan galinta FIFA Championships ee 17jirada 2003dii, xiriirka kubba da cagta dalka Nigeria ayaa si qalad ah ‘Michael’ ugu badelay ‘Mikel’ tartankaasi ka dhacayay Finl and.
Tartanka ayaa si niyad jab leh ugu soo idlaaday xulka Nigeria kaddib markii ay ku guul darr eysteen inay ka soo gudbaan wareega groupyada inkastoo ay jirtay in Mikel gool dhaliyay guul ay ka gaareen Australia, laakiin xiddiga qadka dhexe ee Blues Michael ayaa go’aansaday inuu si toos ah u qaato magacii qaladka ahaa ee Mikel.
Wiilka ka soo jeeda qaarada Africa ayaana ugu dambeyn iminka go’aansaday inuu si rasmi ah magaciisa oo dhammeystiran uga soo badesho Jon Obi Mikel kana dhigtay Mikel John Obi.
Laakiin taageerayaasha Chelsea waa inaysan ka walaacin maaliyadiisa kal ciyaareedka cusub 2016/17 maadaama magaca ugu qoran dhabarka dambe ee maaliyada ee Mikel uu sidiisa sii ahaan doono.
Mikel ayaa seegi doona bilowga xilli ciyaareedka cusub ee Premier League maadaama uu tartanka Olympicada ee dhawaan ka furmi doona Brazil ku mateli doono xulkiisa Super Eagles.
"NEYMAR WUXUU GOOR DHOW NOQON DOONAA LAACIBKA UGU FIICAN ADDUUNKA.”.
Laacibkii hore ee xulka Brazil iyo kooxda Barcelona Rivaldo ayay ka dhaadhacsan tahay in Neymar uu noqon doono laacibka ugu fiican adduunka goor dhow.
Rivaldo ayaa labo jeer ku guuleystay La Liga shan sano uu ku sugnaa Camp Nou waxaana loo magacaabay laacibkii ugu fiicnaa adduunka 1999kii.
Wuxuuna aaminsan yahay in Neymar uu gaari doono halkii uu gaaray oo kale, inkastuu qirsan yahay inuusan weli gaarsiisaneyn heerka Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, labada xiddig ayaa qeybsanayay abaal marinta Ballon d’Or sideedii sano ee ugu dambeysay.
"haatan Neymar waxaa ka horreeya Messi iyo Cristiano Ronaldo, laakiin Neymar wuxuu sam eynayaa shaqo fiican, goor dhowna wuxuu noqon doonaa laacibka ugu fiican,” Rivaldo ayaa sidaa ku yiri wareysi uu siinayay Barca TV.
"Waa ciyaaryahan wayn waana hubaal inuu noqon doono laacibka ugu fiican adduunka, mar ka ay Barca la soo saxiixatay isaga waxaan iri waa laacib wayn isla markaana uu noqon karo laac ibka ugu fiican adduunka, waxaana aaminsanahay in tartiib tartiib uu dhab ahaan sameynayo mi daa.”.
RIYAD MAHREZ OO OGOLAADAY INUU KU BIIRO ARSENAL KADIB KULAN UU LA QAATAY WENGER
Riyad Mahrez ayaa ku sii dhawaanaya xirashada funaanada kooxda Arsenal kadib markii uu ogolaaday inuu u dhaqaaqo Emirates xaggaagan.
Jariirad ka soo baxda dalka uu u dhashay laacibka ee Algeria ayaa qortay in Mahrez ogolaad ay inuu u dhaqaaqo Gunners kaddib markii uu diiday dalab heshiis kordhin ah uu Leicester City uga qaadanayo usbuuciiba 100 kun oo Ginni.
Wargayska Le Buteur ee ka soo baxa Algeria ayaa qortay in 25-jirka iyo wakiilkiisa ay la hadle en Arsene Wenger oo laacibka ku qanciyay inuu yimaado gegada Emirates.
Tababaraha Leicester City Ranieri ayaa sheekooyinka laga daabacayo Mahrez ee suuqa kala iibsiga ku sheegay in laacibka lagu jah wareerinayo, isla markaana uu laacibku fahmo inuu kooxda la sii joogayo.
Leicester City ayaa ka carootay in tababare Wenger iyo caawiyihiisa Steve Bould ay daawad aan kulankii PSG ay ugu awood sheegatay 40.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Arsenal ay diyaar latahay aduun dhan 40 milyan oo Ginni si ay ula wareegto Riyad Mahrez.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 3-DAAGOOSTO 2016-KA
MICHAEL KEATING "CULEYS KASTA OO JIRA WAA IN DOORASHADA WAQTIGEEDA KU DHACDAA" Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya ayaa ka hadlay Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo sanadkaan gudihiisa iyo taageerada Qaramada Midoobay