Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay doorbidayso in khilaafka Imaaraadka lagu xalliyo waddo diblomaasiyadeed

0
Friday November 27, 2026 - 13:31:33 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay doorbidayso in khilaafka Imaaraadka lagu xalliyo waddo diblomaasiyadeed

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan doonayn in ay hal mar adeegsato dhammaan tallaabooyinka ay qaadi karto marka la eego khilaafka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta, iyadoo mudnaanta siinaysa in arrinta lagu xalliyo wada-hadal iyo diblomaasiyad.

Wasiirka oo warbaahinta qaranka kula hadlay isu-soo-bax ka dhacay garoonka Wiish ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabadii ugu horreysay, isla markaana ay doorbidayso in khilaafka lagu dhammeeyo hannaan diblomaasiyadeed.

Waxa uu xusay in dadweyne ka kala yimid qaybaha kala duwan ee caasimaddu ay isu soo baxeen iyagoo diraya farriin cad oo ku saabsan madaxbannaanida Soomaaliya, taas oo ah in dalka ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aan la aqbali karin faragelin lagu sameeyo arrimihiisa gudaha.

Cabdifitaax Qaasim ayaa tilmaamay in tallaabooyinkii ay Soomaaliya ku soo celisay safiirkeedii Imaaraadka, isla markaana ay dalka kaga saartay safiirkii Imaaraadka u fadhiyey Muqdisho, ay ahaayeen bilowga jawaabta dowladda, isagoo xusay in tallaabooyinka kale lagu salayn doono sida ay xaaladdu isu beddesho.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in haddii khilaafku sii xoogaysto ay Soomaaliya qaadi doonto tallaabooyin kale oo ku habboon xaaladda.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya aysan doonayn in khilaafku meel sare gaaro, balse ay raadineyso xal waafaqsan sharciga iyo habraacyada diblomaasiyadeed.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay doorbidayso in khilaafka Imaaraadka lagu xalliyo waddo diblomaasiyadeed





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip