XOGTA: Gogasha uu dhigay Madaxweyne Xasan oo loo helay damaanad qaadka USA iyo UK

0
Saturday November 28, 2026 - 14:11:12 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOGTA: Gogasha uu dhigay Madaxweyne Xasan oo loo helay damaanad qaadka USA iyo UK

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Mucaaradka ayaa dhibco siyaasadeed ka heley Dalalka Mareykanka iyo UK kadib markii Dowlada Somaliya iyaduna taageere siyaasadeed ka heshay Midowga Afrika kuwasoo muujiyay sida ay ula dhacsan yihiin siyaasada uu Madaxweyne Xasan ku hagayo Dowladiisa.

Sida aan xogaha ku heleyno Mareykanka iyo UK ayaa bixiyay damaanad qaad siyaasadeed marka la eego gogosha uu Madaxweyne Xasan u dhigay mucaaradkiisa,Dalalkaan reer Galbeedka waxay dusha saarteen qabsoomida gogosha horaanka bisha December .

Dalalka UK iyo Mareykanka waxay xuseen inay gacan weyn ka geysan doonaan in fasaxa sanadka cusub intaan la gelin dhinacyada Soomaalidu gaaraan heshiis doorasho.

Inkastoo Madaxweyne Xasan uu sheegay inuu gogol u dhigay mucaaradka hadana Mareykanka wuxuu si gaar ah u sheeganayaa sida ay wararka qaar sheegayaan inay iyagu iclaamin doonaan goobta shirka ,waqtiga iyo bixinta casuumaada

Uma badna in Madaxweyne Xasan aqbali doono in shisheeyuhu door weyn ku yeesho arimaha hoose ee Somalia tasoo uu marar badan ku celceliyay in masuuliyada arimaha dalka ay leedahay Dowlada Somalia kaliyana ay caalamka u gol yihiin goob joog inay ka noqdaan.

XIGASHO:-DAYNIILE.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip