Maxaa ka jira inuu khilaaf soo kala dhexgalay Ra'iisulwasaaraha Sonmalia iyo Gudoonka Baarlanmaanka

0
Friday November 27, 2026 - 11:41:43 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka jira inuu khilaaf soo kala dhexgalay Ra'iisulwasaaraha Sonmalia iyo Gudoonka Baarlanmaanka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wararku waxay tilmaamayaan in habeen hore Shirkii xasaasiga ahaa ee Wasiiradu yeesheen in lagu meel mariyay wax ka badalka sharciyada doorashooyinka kadibna ay Baarlamaanka u gud-biyeen mooshin arintaasi ku saabsan si baarlamaanku u meel mariyo balse waxaa maanta soo baxday in Gudoomiyaha Baarlamaanku ka hor yimid hindisahaasi.

Gudoomiya C/qaadir waxaa la sheegay inuu Xukuumadda u sheegay in habraaca loo maray hindise sharciyeedkaan uu yahay mid sharciga iyo xeer hoosaadka golaha shacabka ka hor imaanaya.

Khilaafkaan wuxuu sababay sida wararka qaar sheegayaan inuu baaqdo kulankii khamiis kasta ay yeelan jireen guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka kaasoo ay kaga hadli lahaayeen hindise sharciyeed wax looga badalayo arrimaha doorashooyinka kaasoo wasiiradu soo gudbiyeen.

Lama saadaalin karo sida Gudoomiye C/qaadir uu iskugu keeni karo inuu qanciyo villa Somalia iyo Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Xamza iyo inuu ilaashado kalsoonida Baarlamaanka.

XIGASHO:-DAYNIILE.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip