
Fahad oo weerar ku qaaday Farmaajo: Aaway wadaniyaddii iyo shisheeye nacaybkii?
Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa si adag ugu jawaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo si weyn usoo dhaweeyay aqbalaadda Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni in uu booqasho ku yimaado Muqdisho.
Farmaajo oo goor sii horreysay qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay doorka Yoweri Museveni ee xal u helidda khilaafka siyaasadda Soomaaliya, isaga oo sheegay in xilligan ay Soomaaliya u baahan tahay wada-hadal dhab ah oo loo dhan yahay, si loo gaaro heshiis ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan Dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
"Waan soo dhoweynayaa aqbalaadda Madaxweyne Yoweri Museveni ee martiqaadka uu ku imanayo magaalada Muqdisho. Dalkeennu wuxuu u baahan yahay wada-hadal loo dhan yahay oo dhab ah, kaas oo si adag ugu salaysan Dastuurka iyo go’aankii Maxkamadda Sare ee ka dhanka ahaa muddo-kordhintii sharci-darrada ahayd ee muddada xil-hayneedka Madaxweynaha,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Farmaajo.
Intaas kadib Fahad Yaasiin ayaa soo jawabay, isaga oo warbixintaa ciwaan uga dhigay ????????????????????????????????: ???????????????????????????????????? ???????????? ????????????????????????!, wuxuuna su’aal ka keenay halka ay ku dambeysay waddaniyaddii ay ku caan baxeen isaga iyo kooxdiisa Nabad iyo Nolol.
Fahad ayaa sidoo kale tilmaamay in Farmaajo aan laga fileyn tallaabada uu qaaday, maadaama horay loogu taageeray wadaniyad iyo nacaybka uu u qabo shisheeyaha.
"Saaxiibkay hore Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, aaway wadaniyaddii iyo shisheeye nacaybkii muddo dheer astaanta siyaasadeed u ahayd? Run ahaantii, lagama filaynin inuu si fudud uga guurayo mabaadi’dii siyaasadeed ee ay dad badan darteed ku taageereen. Dadka qaar waxay moodayeen inuusan sidaas mutuxan banaanka isku soo dhigaynin,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray inuu nasiib darro u arko in xilligan Farmaajo uu soo dhaweeyay heshiis ay hormuud tahay Kampala, laguna xumeynayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
"Taagero badan oo uu shacabka Soomaaliyeed ka helay Madaxweyne Farmaajo waxaa saldhig u ahaa diidmadii ka dhalatay ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????? ???????? 2011????????????. Waa nasiib darro in sanadka 2026, uu Madaxweyne Farmaajo soo dhaweeyo ???????????????????????? ???????????????????????? ???????? ???????????????????????????????????? ????????????????????????????, iyadoo Xasan lagu xumaynayo,” ayuu mar kale yiri.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray "Wadaniyadda waa mabaadi’ ee maahan afkaar is rog-rogta oo hadba danta shakhsiga ah la jaanqaadda ama Aqalka Madaxtooyada loogu soo hilmaamo Hogaamiyaha siyaadada ku waara waa midka ilaashada taariikhdiisa suubban”.


0 



Fahad oo weerar ku qaaday Farmaajo: Aaway wadaniyaddii iyo shisheeye nacaybkii?
.