
Maxaa ka socda Deegaanka Warsheekh?
Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa gaaray wafdi ballaaran oo isugu jira wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Ferhat Alkan iyo Taliyaha Ciidanka Howlgalka Turkiga ee Soomaaliya (TURKSOM).
Wafdiga ayaa la filayaa inuu xarigga ka jaro mashaariic ay dowladda Turkiga ka hirgelisay Warsheekh, kuwaas oo isugu jira isbitaal, iskuul iyo goobo kale oo loogu talagalay in bulshada deegaanka ay ka helaan adeegyada aas-aasiga ah.
Sidoo kale, Ankara ayaa degmada ka wada mashaariic istaraatiiji ah oo ay ku jirto xarun dayax-gacmeed, taas oo qeyb ka ah qorshayaasha Turkiga ee uu ka leeyahay Soomaaliya.
Marka laga yimaado adeegyada bulshada, Turkiga ayaa sidoo kale doonaya inuu taageero ka helo dadka deegaanka mashaariicda waaweyn ee uu ka fulinayo aaggaas, kuwaas oo qeyb ka ah qorshayaashiisa Soomaaliya.
Joogitaanka Ankara ee Soomaaliya ayaa sii ballaaranaya, iyadoo isku-darka mashaariicda adeegyada bulshada, maalgashiga iyo iskaashiga amniga uu qeyb ka yahay xiriirka sii xoogeysanaya ee labada dal.
Turkiga ayaa sidoo kale ah dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiya Dowladda Federaalka, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.


0 



Maxaa ka socda Deegaanka Warsheekh?
.