
Farmaajo oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan in Yoweri Museveni…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si weyn usoo dhaweeyay safarka la filayo in Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni uu dhawaan kusoo gaaro magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wada-hadalladaasi ay ku salaysnaadaan dastuurka dalka iyo go’aankii Maxkamadda Sare ee la xiriiray muddo-kordhinta loo sameeyay hay’adaha dowladda.
"Waan soo dhoweynayaa aqbalaadda Madaxweyne Yoweri Museveni ee martiqaadka uu ku imanayo magaalada Muqdisho. Dalkeennu wuxuu u baahan yahay wada-hadal loo dhan yahay oo dhab ah, kaas oo si adag ugu salaysan Dastuurka iyo go’aankii Maxkamadda Sare ee ka dhanka ahaa muddo-kordhintii sharci-darrada ahayd ee muddada xil-hayneedka Madaxweynaha,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Farmaajo.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tegay dalka Uganda uu Yoweri Kaguta Museveni ku martiqaaday yimaado magaalada Muqdisho, waxaana madaxtooyada ay sheegtay in martiqaadka si farxad leh loo aqbalay, isla markaana taariikhaha booqashada la isku raaci doonaa iyadoo loo marayo habka diblomaasiyadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Museveni ayaa si weyn uga hadlay xaaladda amniga Soomaaliya iyo gobolka, iyagoo isku raacay in la kordhiyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, lana xoojiyo guulaha amni ee laga gaaray howlgalka AUSSOM.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ugu baaqay AUSSOM iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNAF) inay kordhiyaan howlgallada weerarka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale dalbaday in la helo hab maalgelin oo beddel ah oo lagu taageerayo ciidamada heshiiska laba-geesoodka ku jooga Soomaaliya, si loo sii wado loona xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda.


0 




Farmaajo oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan in Yoweri Museveni…
.