
Faroole oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu wiiqay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Madaxweynihii hore ee Puntland, haatan ah Senator ka tirsan BFS Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa maanta oo Axad ah, 22-ka Nofeembar 2026, soo saaray war-qoraal uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyo khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Faroole ayaa sheegay in xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta, uusan wax u dhimi karin hadallo uu ku tilmaamay aflagaaddo iyo carqaladeyn siyaasadeed oo uu 17-kii Nofeembar sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in muddo-xileedka madaxweynaha uu dhammaaday bishii Maajo 2026.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay xaaladda dastuurka iyo doorashooyinka, isagoo xusay in khilaafka siyaasadeed uu daba socdo tallaabadii Xasan Sheekh ku sheegay xil-ka-qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, taasoo uu ku tilmaamay mid sharci-darro ah.
Faroole ayaa xusuusiyay go’aankii Maxkamadda Sare ee 5-tii Nofeembar 2026, kaas oo madaxda siyaasadda dalka farayay inay 30 maalmood gudahood ku heshiiyaan nidaamka doorashada, isla markaana 90 maalmood gudahood lagu qabto doorashooyin.
Dhanka xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, Faroole ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada xeebaha Puntland iyo magaalada Boosaaso oo taariikh ahaan loo yaqaan Bender Qaasim, ay qarniyo badan xiriir ganacsi, dhaqan iyo bulsho la lahaayeen Imaaraadka, Cumaan iyo Yemen.
Wuxuu si gaar ah u xusay xiriirkii taariikhiga ahaa ee bulshada Soomaaliyeed la lahaayeen hoggaamiyeyaasha Al Qasimi ee Sharjah iyo Ras Al Khaimah, isagoo sheegay in xiriirka dalalka Khaliijka uu sii socday xitaa burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.
Faroole ayaa sidoo kale ku eedeeyay hoggaanka federaalka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday inuu wiiqay midnimada dalka, isagoo tusaale u soo qaatay weerarkii lagu qaaday Jubaland bishii Diseembar 2024, go’doominta Somaliland iyo in la inkiray xuquuqda dastuuriga ah ee dowladaha xubnaha ka ah federaalka, gaar ahaan xaqa wadatashiga iyo ka-qaybgalka siyaasadeed ee ku cad Dastuurka KMG ah ee 2012.
Ugu dambeyn, Faroole ayaa sheegay in loo baahan yahay in la caddeeyo ujeeddada ka dambeysa ololaha lagu aflagaadeynayo Imaaraadka Carabta, isagoo ku adkeystay in xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo dalalka Khaliijka uusan ku burburi karin hadallo siyaasadeed oo uu ku tilmaamay kuwo aan mas’uuliyad lahay.


0 



Faroole oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu wiiqay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka.
.