
Aqriso Magacyada: Golaha Wasiirada cusub ee maamulka Galmudug oo lagu dhowaaqay
Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa caawa soo magacaabay Golaha Wasiirrada cusub oo ka kooban 24 wasiir, kuwaas oo hoggaamin doona xukuumadda maamulkaasi.Liibaan Axmed Xasan ayaa soo dhisay xukuumad loo dhanyahay, iyada oo ay kasoo dhex muuqdeen wasiirro ka tirsanaa xukuumaddii hore iyo kuwa cusub oo ay ku jiraan xubno ka mid ah ururradii ka qayb-galay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay deegaannada Galmudug.


Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu tallaabadan qaaday isaga oo tixgeliyey baahida loo qabo in la helo wasiirro leh karti oo ka shaqeyn kara horumarinta Galmudug.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in wasiirrada cusub uu kusoo xushay aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda, taas oo ku aadan ku filnaashaha gudashada waajibaadka loo igmaday.
Xukuumaddan cusub ayaa laga sugayaa inay xoogga saarto dardargelinta howlaha dowladda, xoojinta amniga, horumarinta adeegyada bulshada, dib-u-heshiisiinta, kobcinta dhaqaalaha iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Galmudug.
Magacaabista Golaha Wasiirrada cusub ayaa ah tallaabo muhiim u ah dhismaha hay’adaha maamulka Galmudug, waxaana indhaha lagu hayaa sida ay xukuumaddu u wajahdo waajibaadka shaqo iyo waxyaabaha laga filayo ee ku aaddan horumarinta dowladnimada iyo adeegyada bulshada.
Hoos ka akhriso liiska Golaha Wasiirrada Galmdug oo dhammaystiran;-



0 



Aqriso Magacyada: Golaha Wasiirada cusub ee maamulka Galmudug oo lagu dhowaaqay
.