
Ra'iisul Wasaare Xamza: Beesha caalamku meesha aan maanta joogno ma joogto
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib u heshay awooddii ay si madax-bannaan ugu maareyn lahayd xiriirradeeda caalamiga ah, isagoo xusay in dowladda ay hadda xoogga saarayso xiriirrada tooska ah ee ay dalalka kale la leedahay.
Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya aysan hadda u baahnayn in xiriirkeeda caalamiga ah uu ku koobnaado hay’adaha iyo qaab-dhismeedyada beesha caalamka, balse ay awood u leedahay inay si toos ah ula macaamisho dowladaha kala duwan.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay xiriirrada diblomaasiyadeed ku maareyneyso safaaradaheeda iyo wada-xaajoodyada laba geesoodka ah ee ay la yeelanayso dowladaha kale, taas oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay marxalad cusub oo xiriirka dibadda ah.
"Beesha caalamka meesha aan maanta joogno ma joogto. Qaramada Midoobay waan ka gudubnay, C6 Plus-na waan ka gudubnay. Dowlad baan nahay, safaaradahayaga iyo xiriirrada laba geesoodka ah ayaan dalalka kula macaamilna, oo si toos ah ayaa ula xiriirna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza
Soomaaliya ayuu sheegay inay ka gudubtay marxaladihii ay ku tiirsanayd taageerada iyo hagidda beesha caalamka, iyadoo hadda ay si toos ah ula macaamilayso dalalka kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay dib u heshay kalsoonideedii iyo awooddii ay iyadu go’aannadeeda ku gaari lahayd, isagoo xusay in arrintaasi ay muhiim u tahay mustaqbalka dalka.
Ugu dambeyntiina, Xamza ayaa Soomaalida ugu baaqay inay dhinac iska dhigaan khilaafaadka siyaasadeed, isla markaana ay talo ka yeeshaan mustaqbalka dalka, xilli Soomaaliya ay mareyso marxalad ay awood u leedahay inay si toos ah u maamusho xiriirradeeda iyo go’aannadeeda.


0 




Ra'iisul Wasaare Xamza: Beesha caalamku meesha aan maanta joogno ma joogto
.