
Ramla Ali oo markii ugu horreysay ku guuleysatay laba suun oo horyaalnimada feerka adduunka ah
Feeryahannadda Soomaaliyeed Ramla Ali ayaa taariikh cusub ka dhigtay feerka caalamka, kaddib markii ay ku guuleysatay laba suun oo horyaalnimada adduunka ah, iyadoo garaacday feeryahannadda Mareykanka ee Mikiah Kreps.
Ramla Ali, oo 37 jir ah, ayaa Axaddii guul ku gaartay magaalada Arlington ee gobolka Texas, kaddib markii garsoorayaasha ay guusha ku siiyeen dhibco kala duwan (Split Decision), taasoo u suurtagelisay inay hantido suumanka bannaan ee WBO iyo IBF ee miisaanka Junior Featherweight.
Inkasta oo tirakoobka feerka uu muujinayay in Kreps ay ku garaacyo badnayd, Ramla ayaa wareegii saddexaad dhulka dhigtay feeryahannadda Mareykanka, kaddib markii ay ku dhufatay feer midig ah.
Labada garsoore ayaa guusha Ramla ku kala siiyay dhibcaha 97-92 iyo 96-93, halka garsooraha saddexaad uu guusha siiyay Kreps oo uu u xukumay 98-91.
Guushan ayaa Ramla Ali u noqotay tii ugu horreysay ee ay ku hantido horyaalnimada feerka adduunka, iyadoo horay taariikh ugu gashay inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah ee ka qeyb gasha ciyaaraha Olombikada.
Ramla iyo qoyskeeda ayaa Soomaaliya ka qaxay xilligii dagaallada sokeeye, waxayna markii dambe degeen magaalada London ee dalka Britain.
Waxay sidoo kale noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah ee ku guuleysata horyaalnimada feerka hiwaayadda ee dalka Ingiriiska.
Guushan ayaa Ramla Ali ku sii xoojinaysa kaalinta ay kaga jirto taariikhda ciyaaraha feerka, iyadoo magac iyo sharaf u soo hoysay Soomaaliya.



0 



Ramla Ali oo markii ugu horreysay ku guuleysatay laba suun oo horyaalnimada feerka adduunka ah
.